War deg deg ah: Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex sano oo cusub ku darsaday xilliga ay shaqeynayaan

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay xilliga ku kororsadeen muddada ay shaqeynayaan, iyagoo waqtiga ku darsaday muddo saddex sano ah.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgalay 435-xildhibaan, iyadoo guddiga dastuurka baarlamaanka ay soo jeediyay in muddada lagu kordhinayo saddex sano, iyagoo sidoo kalena soo dhaweeyay go’aankii ay gaareen IGAD iyo Midowga Afrika, kaasoo lagu go’aamiya in xilliga baarlamaanka la kordhiyo.

“Waxaan ku talinaynaa in muddada baarlamaanka lagu daro saddex sano oo ka billaabaynaysa 22, Ogoosto 2011, kuna eg 22, Ogoosto 2014. Muddadaas inta lagu jirana uu baarlamaanku ka shaqeeyo sidii lagu soo dooran lahaa guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo madaxweynaha,” ayuu yiri Maxamed Nuur Sheego oo ka tirsan guddiga dastuurka baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulanka shir guddoominayay iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa dhankooda soo-jeediyay in xiliga baarlamaanka lagu kordhioy laba sano, taasoo buuq badan ka dhexdhalisay xildhibaannadii baarlmanaka ee kulanka ka qaybgalay, waxaana labada fikradood markii dambe la geliyay cod.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ka hadlay qaabkii ay codeynta u dhacday, ayaa yiri: “Kulanka waxaa soo xaadiray 435-mudane, waxaana 421-xildhibaan ay u codeeyeen in saddex lagu kordhiyo xilliga shaqeynayo baarlamaanka, 11-mudane waa diideen, waxaana ka aamusay 3 mudane,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Shariif Xasan, ayaa intii uusan kulanka soo xirin wuxuu ugu baaqay xildhibaannada inay kulammada ka soo qaybgaleen, isagoo xusay in xilidhibaankii aan kulammada kasoo qaybgelin muddo laba bilood ah, xilka laga qaadayo, badalkiisana lama keeni doono.

Sidoo kale, intii uu kulanku socday ayaa waxaa laga aqriyay mooshin la sheegay inay soo diyaariyeen 429-mudane, kaasoo lagu codsaday in isbadal lagu sameeyo qodobka 32-aad ee xeerka baarlamaanka oo dhigaya in baarlamaanka uu shaqeeyo toddoba sano, lagu soo koobo saddex sano.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 550-xubnood, ayay IGAD iyo ururka Midowga Afrika waxay todobaadkan soo jeediyeen in xilliga baarlamaanka la kordhiyo, halka arrimaha xukumadda loo daayo shacabka Soomaaliyeed.

About these ads

6 Responses to “War deg deg ah: Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex sano oo cusub ku darsaday xilliga ay shaqeynayaan”

  1. JJ Says:

    SEDDAX SANO OO AY IYAGU KU DARSADEEN WAX AY SOO KORDHIN KARTO MA JIRTO OO AAN KA AHAYN BUR BURKA DALKA IYO DADKA OO AY SIYAADIYAAN, IAYAGANA ISKU BUR BURIYAAN GACMAHOODA IYO AFKOODA.

    WAXAAN MARNABA SHAKKI KU JIRIN IN TUUGADAAN AY KU HALAAGMI DOONAAN DAMACOODA IYO DULMIGA AY JIDEYSTEEN INEY KU HAYSTAAN DALKA IYO DADKABA IYAGOO U SHAQEYSTA CALOOSHOODA, UNA ADEEGA CADOWGA SOMALIA.

  2. JJ Says:

    Mareykanka oo cambaareeyey waqti isku kordhinta baarlamaanka KMG

    Posted by USA
    Friday, February 04 @ 07:34:02 EST

    Dowladda Mareykanka ayaa cod dheer ku cambaareysay xilli kordhintii ay shalay sameysteen Xildhibaanada baarlamaanka Somalia, iyadoo ku baaqaday in dadka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaaraan dowlad cusub oo ay soo dhistaan.

    Jimcaha maanta ah Mareykanku wuxuu sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay go’aanka baarlamaanka, wuxuuna xusay in dowladdu ku guuldareysatay in ay la timaado wax qabad dhab ah oo looga bixi karo mushkiladda ba’an ee dalka ka taagan.

    Ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka James Steinberg oo hadda booqasho ku jooga Africa ayaa sheegay in aysan u muuqan wax hormar ah oo ay ku tallaabsatay dowladda KMG muddadii ay jirtay.

    Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in xukuumadda Washington ka walaacsan tahay wax qabad la’aanta ku habsatay, isagoo intaas ku daray in laga laabto waqti kordhinta baarlamaanka.

    Horay waxaa u sheegay in xilliga kama dambeysta ee hay’adaha dowladdu tahay bisha August ee sanadkan ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Augustine Mahiga.

    Maxamed Cadaawe.

    Gedowebnews@hotmail.com

  3. JJ Says:

    Statement by Special Representative for Somalia Augustine P. Mahiga on Parliament’s decision to extend its mandate

    For Immediate Release
    Friday, February 04, 2011

    I have noted the decision by the Transitional Federal Parliament (TFP) to extend their mandate by three years. This is a disappointing decision taken in haste without the required level of discussion and consultation on how to end the transition and on the next political dispensation after 20 August 2011.

    The consultations had actually begun with the President, the Speaker of Parliament and the Prime Minister but have not been followed through.

    Today I met with the African Union (AU) and the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) to further deliberate on the outcomes of the IGAD Heads of State summit in Addis Ababa on the 31 January 2011. We agreed to jointly meet with the leadership of the Transitional Federal Institutions (TFIs) as soon as possible to discuss the way forward while ensuring stability and change.

    The Somali people deserve and expect to see change. It is the responsibility of the TFIs to implement this change in consultation with major entities representing the Somali people and key partners of the international community. We will continue to work.

    Source: UNPOS

    MUQAYILIINTA MOORAYAANTA ISKU SHEEGTA XILDHIBAANO BAL EEGA SHARAFTOODA IYO KARAAMADOODA HALKA AY DHIGTEY KKKKKKKKKK

  4. JJ Says:

    SHARIF HASSAN GOT A PROMISE FROM IRAN REGARDING THE FINANCIAL SUPPORT OF THE TFG PARLIAMENT AND THE MONTHLY PAYMENT OF ITS MP SALARIES, THAT IS WHY HE HAS INTENTIONALLY EXTENDED THE PARLIANT MANDATE FOR ANOTHER 3 YEARS IGNORING THE SO CALLED INTERNATIONAL COMMUNITY AND UN.

    THIS CHANGE OF SITUATION MAY SPEED UP THE PROCESS OF RE-ESTABLISHMENT OF WARLORDS AND ISLAMIC ESTREMIST CAUSE ANOTHER LONG DELAY TO THE HOPE FOR PEACE AND ORDER IN SOMALIA.

    IRAN’S HAND IS CURRENTLY WITH SHARIF HASSAN AND SOMALI MP”s THAT FOR SURE WILL DEFY THE WEST INTERESTS IN THE EAST AFRICAN REGION IF NOT STOPPED QUICKLY.

  5. MM Says:

    Somalia waxaa xukumaan xubnaha Baarlamaanka xaqna waxay u leeyihiin mudadii ay rabaan in loggu daro ama ay kororsadaan. Dalalka iyo hay’adaha cambaareeynayaan xubnaha baarlamaanka ma ayaga soo sameystay mise wax u dhiibtay. Fadlan Soomaalida ha loo daayo masiirkooda in ay ka hadlaan. Baarlamaanka Soomaaliya waa hay’adda ugu sareyso dalka, xubnihiisana waxaa ay kuwada jiraan dhamaan qabaa’ilda Soomaaliya.

  6. JJ Says:

    JJ, HORSEEDKA KACDOONKA DIMOQRAADIYADA DOONKA SOMALIYED WUXUU TAAGEERAYAA DHALLINYARADA MAANTA LAGU XIR XIREY MUQDISHO, WUXUUNA KU BOORINAYAA INEY KA DHABEEYAAN KACDOONKOODA WAX KASTOO AY KALA KULMAAN TUUGADA NABADDA IYO XORRIYADDA U DIIDAN SHACABKA SOMALIYED MUDDO 20 SANO AH.

    55O XILDHIBAAN KU SHEEGTA, LABA SHARIIF, INA FARMAAJO IYO GOLIHIISA WAA INEYSAN KA BIXIN DALKA IYAGOO NABAD QABA.

    SHACABKA SOMALIYED IYO DHALLINYARADA WAA INEY KACDOON HUBEYSAN AY KU SAMEEYAAN, UGAARSADAAN KUWAAS IYO INTA LA SHAQEYSA .

    WARAKA ISMAACIIL GEELE IYO WAXA LA SHEEGAAYA WAA IN “YUR” LA YIRAAHDO, MAXAA YEELEY GEELLE RUUXIISA WAA BURCAD KA FAA’IIDEYSTEY DHIBAATADA SOMALIYA, HADDANA QARKA U SAARAN INUU MARO WADADII MUBAARAK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: