In dhoweyd orka maansiyo, Geeraarkaan alifaayey waa tii aan iska oodey, arwaaxdeyda ka saaraye bal aan maanta ishaaro’e.
Nimuu maanta amaano, berina af xumeeyo, abtirsiinyo ku faankiyo axdi la isku ogaayoo odeyaalo dhigteenoo la isku oofin kareyn Afrikaanku ma daayoo waa waxaan ku aqaano, Illaah baa ku abuurey aanse la igama eego, asluubteyda ma aha’e.
Nimanyahoow Askareedoo Aayihii Wadankeenoo awoodii la wareegaan ereygeygaan oranaayiyo oraahdiisa dhegeysta.
Tobankii arimood ee arligeena xumeeyey hadii aan arki waayo intaan ifka joogo weydin aaminayaa:-
(1) Ereyga iigu horeeya:- In dhoweyd Diinta Islaamka waa tii aan ilowney iyada waaba la aasaye, hadaan hadda abuurno ubadkeeda la taago, intaan ifka joogo weydin aaminayaa.
(2) Ereygeygan labaade:- Abtirsiinyadan baasoo umadii kala geysey oo u gaareysey dadkii hadii aan arki waayo intaan ifka joogo weydin aaminayaa.
(3) Ereyga ii sedexeeya:- Ka awoow ka awoow aafadii na dhex tiiliyo, aramadii nagu raagtey umad la isugu aariyo aduun ay kala qaado hadii aan arki waayo intaan ifka joogo weydin aaminayaa.
(4) Ereyga ii Afareeya:- Dadkan waa ibnu Aadamoo illaaq baan laga waayinoo, ibleys baa ka dhex buuxa’e, labadii is ashtakeysa oo imaan doonta agtiina hadii aan loo kala eexan, intaan ifka joogo weydin aaminayaa,
(5) Ereygeyga Shanaad:- Ardadii yar-yared oo dhiganeysey iskuulkiyo, maalintey aflaxeysa oo imtaxaan laga qaado, kii aqoonta lahaa uur ku taaliyo ciil hadba meel kula ooyo, mid kaloo eber taagan abaartiisii la siiyo, hadii aan arki waayo intaan ifka joogo waa idin aaminayaa.
(6) Ereygeyge Lixaad:- Nin ardaal ahoo waalanoo iimaankii laga qaadey,
A’leylkii soconaaya, aqal uusan aqoonin albaabkiisa garaaca, hadba ruux afka saara, inta been ku afuufa anfac saas lagu siiya hadii aan arki waayo, inta aan ifka joogo waa idin aaminayaa.
(7) Ereyga ii Todobeeya:- Wax amaah lagu keeney, wax intaan ku ooney oo arligeena dhexdiis canshuur looga aruurshey in uu nin aqoosho, aqal loogu dhisaayo, amaana loogu daraayo hadii aan arki waayo, intaan ifka joogo weydin aaminayaa.
(8) Ereyga Sideeda ah:-Illaahii na abuurtey, nin asmadii ku dhaartey, axdi weyn inta qaadey misena oofin kareyn, hadii aan arki waayo weydin aaminayaa.
(9) Ereygeyga Sagaalna:- Arligeynu laheyn ugub weeye hadeere arzaaq baa ka dhex buuxda, hadii aan abuurno, masaakiinta ku oominoo, la aruursho agoonta ee af-Soomaali la beero, intaan ifka joogo weydin aaminayaa.
(10) Ereyga ii Toboneeya:- Iniqi ii daba taal, hadii aan joogo aduunka, ragiinaa arliga heysta odeygii u sareeyey arintuu ku dhawaaqayey maqashiiyey aduunka, hadii aad abidaanoo sidaa ay ku idlaatana awoodiina ha raagto yaan hadalkii ku idleeyey.
Waxaan Xaashi Cali Barre geeraarkiisa ka dhadhan saneynaa in wadanka ay ka jirtey Musuq-maasuq, Eexasho, Dhiig-miiradnimo.
Waxa kaloo uu ka hadley xaga wax barashada, wuxuu gabyaaga sheegeyna waa wax ka jirey wadanka, welibana uu sii balaartey xiligii xukunkii meleteriga, dhasheyna sanadkii 1969-ki, ka dibna tii rayidka oo si cadaalad daro u sameyn jirtey falalkaas.
Waxaa kaloo taas u wehlisey in ay dili jireen kan aqoonta leh oo u ololeynaya danaha dadka iyo dalka, waxaana ka mid ahaa USTAAD CUSMAAN oo u ololeynayey nidaamka federaalka, laguna diley gurigiisa hortiis goor aroor aheyd.
Xukuumadii rayidka aheyd waxaa ka sii darey, tii meleterigii oo uu ku khudbeeyey madaxweynahoodii Maxamed Siyaad Barre, in uu yiri waa la tuurey Maxaad taqaan iyo yaad taqaan, uuna sii yiri waxaa wadanka wax ka ah ninkii u hogaansamo kacaanka, isla markaana daacad u noqda, isagoo ula jeeda meleteriga ugana dan lahaa in uu meleteriga ku bedelo kuwii shicibka ahaa ee jegooyinka ka hayey wadanka, ha ugu yaraadee gudoomiye degmo.
Maarso 1970-ki wuxuu Siyaad Barre khudbad u jeediyey shaqaalaha, asagoo yiri waxaan qofka shaqaalaha ah ee u shaqeeya dowladda ku qiimeynayaa u toosnaanta kacaanka, wuxuuna yiri maxaad taqaan yaad taqaan waa la tuurey, waxaa wax noqonaya oo keliya qofka askariga ah iyo qofka u ololeeya kacaanka, sida qofkii taga “oryanteeshanka”.
Waxaana bilaabatey in governatoore laga dhigo qof aan aqoon laheyn sida “Faarax Tima weyne” oo orteeshanka boondheere ka ahaan jirey kuwa haweenka guryahooda ka soo saari jirey, oona ahaa kan mar walba yiraahda ha noolaado kacaanka, markii danbena laga dhigey Governatooraha Gobolka BAY, ninkii yaqaana wuu yaqaan kaan aqoonina wuxuu ahaa nin gobolka BAY laga yaqaano haysteyna sanadadii 1986, 87, 88, wuxuuna ahaa nin aan aqoon laheyn, wuxuuna xukumayey gobol oo dhan, iyo naagta la oran jirey “FAADUMO CAABI” oo ayadana joogtey dowladda Hoose “Minishiibiyo”, waxaana jirtey in aan qofna qaadan karin teesaro minishiibi asagoo soo marin naagtaas, teesarahana ma soconeyn saxiixeeda la’aantiis, ayadoo aheydna mid taqaana sida wax loo saxiixo.
Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com
February 11, 2011 at 4:14 am |
Fadlan the new phenomena aad rabtid in aad meel maris ka dhaaf websitka. Horaan kugu sheegnay ereyada daciifka ka dhaaf in aad ku ku qortid websitka WAAJID. Ereyada waxaa ka mid ah DigilMirifle. Ereyada saxda ah waa Digil iyo Mirifle
February 11, 2011 at 1:40 pm |
dhamaan qomiyada digil iyo mirifle ee ku nool dalka yemen gaar ahaan magaalada sana’a iyo magaalamadahada labaa ee adan, ayaa go ,aan ku soo saareen
Sida ay udhegeen amaba ay ku abinayaan dhibaatada lagu been abuurto bulshada ku nool wadankaani odiyaashaani iyo waxa garad kaani oo ay ku adeeynayaa
In ay jirin waxa layiraado jaaliyad ee ku dhisan oo qosaysaa digil iyo mirifle
Waa been abuur oo lakala jahwareerinayaa bulshada, web baka ay khaasatan ay leeyihiin digil iyo mirifle waxa garadka iyo arday da ku nool halkaani waxaa adaynayaa in ay jirin wax jaaliyad oo halkaani ku dhisan ,,, in ay joojisaan waxa yaabaha been abuurka ah maba ,,, taasi awgeed waxaa idin ka codsanaynaa hadii nahay odoyaal digil iyo mirifle in waxaa yaabaha loo dhameeyni ay soo giliyaa nimin ay colooshood ushaqaysato ah ,,,, ay soo tabinay saan waan in ay ku waatoobowdaan idinkoo raali nagaha bye fa.aahinta hoos ku geega anigoo ah waxgarad ka digil iyo mirifle waxaa idin leenahay amaba iska ognahay iska doobanaan wixii kale amaba inta ay joogta shirka loogu dhaliilaayo
Waxaa marag ah magacyada
Dadka hoos ku qoran bye
aniga waxaa kamid nahay odayyaasha dmirifle ee ku nool dalka yemen gaar ahaan magaalada sana’a wax yaabaha la sheegayo mise lagalinaayo web saayada waa war aaaan jirin maxaa yeelay aniga waxaa ku noolnahay ilaa iyo 10 sano meel lagu soo doortay amaba lagu dhisay jaaliyad dmirifle ma aan arkin malin ayaa lisku yimid ay laga dooran rabay gadoomiyaha tiina waa laga fashilantay oo waxan lagama dooran maadaama dadkii larabay in ay ladoorto markii lamaga caabay ay dhaxaoodi is qalaafeen oo mid kasta mid kii ka koreyo uu ku cabanaayo uu leeyahay kani hadii oo yahay gadoomiyo aniga la shaqeyn maayo taasi darteed ayaa meeshi lagu kala socoday
marka waxa yaabahaani oo lasoo gilisha webka maxey yihiin oo laleeyahay jaaliyada, waxaasi waa been la soo dhadhoobay hadii nahay odayaasha digil mirifle ee ku nool dalkaani yemen gaar ahaan magaalada sana.a
mana ogolaan doono wax yaabaha la soo dhoobdhoobay waana ka soo hor jeednaa
odoyyaasha waxa kamid ah
1,bara fasoor abdixafiid mustafa
2.korniil. maxamuud maxamed
3. maxamed ibraahim isakh
4.dr maxamed dhaayo
4.teacher nuur tuniyo
5.ismaaiil maxamed
6.sheekh siid cali abdi
7. dr abdi aadan
8.teacher maamow
9. maxamed shariif
10. maxamed nuur aadan yariis
11. maxamed soodow
12. maxamed cusman
13.dr daahir cusmaan barde
14 .barafasoor liibaan sheek
sida haweenkana
drs fadumo nuurow
jamiilo abdiraxmaan
khdiijo abdulaahi
drs raxamo caduqaadir
drs amino sheekh axamed
iyo dad badan oo aan soo koobi karin ayaa hal kaani ila joogaan oona soo dirayaan dhambaalkani oo ay sheegayaa in lagu tumanaayo macgaceena iyo sharafteena taasi darteed ayaa shirka ay isugu yimaadeen ku sheegeen in ay wax laga qaban doono qalalasiga ay laga wada beesha oo ku til maameen waxa yaabaha ay webbebka lasoo gilishay ay san waxaba kujirin
oo ay ku sheegeen rag qalalasi kawada beesha dhaxadeeda oo beelihiin ay kala saarayaan marka taasi darteed dad dadka kala saaraya beesha mana taageeri doono waxa yaabaha aya wadaan war iyo dhamaantiisi waxay kasoo gabi babeen in mardho ladooran doono gadoomiyaha cusub bye waa idin rajenayaa kheyr iyo barwaakho dhamaan cumada digil mirifle meel kasto ay joogaan
iyo dadka ku shaqayaa webkaani ciid wanaagsan kul caam wa antum bikheyr,
February 19, 2011 at 9:53 pm |
t is Digil iyo Mirifle Digil iyo Mirifle Digil iyo Mirifle Digil iyo Mirifle Digil iyo Mirifle Digil iyo Mirifle Digil iyo Mirifle Digil iyo Mirifle Digil iyo Mirifle
NOT DigilMirifle DigilMirifle DigilMirifle DigilMirifle DigilMirifle DigilMirifle DigilMirifle