Xogta Dagaalka Ee Buulo Haawo

3dex Ciidan oo kala duwan oo kala ujeedo ah ayaa soo weeraray Balad Xaawo balse leh ujeedo oo ah in ay Shabaabka jabiyaan, laakiin wax ka badan 4 duulaan oo midkood ay hal mar wada qaadeen, midna ugu yaraan ay labbo kooxood dagaalka wada qaadeen intuba iyaga ayaa lagu jabiyey dagaalka.

Sedexdooda, kooxda aadan meesha ka fileynin waa ciidamo laga keeney magaalada Mooyaale ee dhanka Ethiopia oo hal beel oo sooc ah oo ay Ethiopia soo abaabushey, soona hubeysan, runta lagama reystee waxa ay kasoo gudbeen magaalada Suuf ee dhanka Ethiopia.
Kooxdani markii lagu jabiyey labbo duulaan oo ay qaadeen waxa ay iyaga oo qulqulaya dhex qaadeen magaalada Mandhera oo ay heeb wadaagaan dadka degen, halkaas ayayna difaac ka galeen, maalintii shalay oo dhan halkaasi ayay kasoo ganayeen gantaalo iyo garneelo ay ku basbeeleen guryo Balad Xaawo ku yaala. Waa isla ciidamadani kuwa dhaawacooda lagu daweynayay isbitaalka bisha cas ee Mandera ee maalin dhaweyd ay Shabaabka ku duqeeyeen iyagoo isbitaalka ku jira.
Waxaa xusid mudan in Shabaabka ay kooxdani ka qabsadeen labbo gaari tikniko ah oo uu ku jiro mid dhashiiko ah. Waxay qaadeen duulaan rogaal celis ah laakiin KismaayoNews waxbo kama sheegi karto xogta ku saabsan dagaalkaasi oo aan wali faahfaahintiisa ka war dhowreyno.
Sheegashada Shabaabka ee ku saabsan in ciidamada Luyuu Police-ka ay dagaalada ka qeyb qaateen waa mid waxbo kama jiraan ah sida ay KismaayoNews ku ogaatay dabogal ay arrintaasi ku samaysay, cadaynta koowaad waxa ay tahay in magaalada Suufka ee ay ciidamadani kasoo gudbeen aysan joogin ciidamada Luyuu Police-ka ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaa halkaasi jooga Police-ka Ethiopia iyo Militariga Ethiopia ee caadiga ah, laakiin waxaa xaqiiq ah in ciidamada Ethiopia ay duqeyn joogto ah ka geeysanayaan Balad Xaawo, islamarkaasina taageerayaan ciidamadan sedexda qolo ah ee magaalada soo weeraray.
Qolada kale ee magaalada soo weerartay waa xarakada Suufiyada ee Ahlu Sunnah Waljamaaca oo iyaguna u badan beelo sooc ah, ka sokow in ay diin u dagaalamanayaan hadane waxa ay doonayaan in gobolada Bay iyo Bakool oo ay taageerayaal baddan ku leeyihiin la wareegaan, Shabaabkana gacantooda ka saaraan, sidaasi darteed ayuu Sheekh Murtaar Rooboow Abu Mansuur dagaalada si shaqsiyan ugu soo biirey, waxaana cadayn u ah in uusan isku mashquulin ka qeybgalka dagaalada Muqdisho, kuwa Hiiraan iyo kuwa gobolada dhexe sababtuna waa si uu Baydhabo u difaacdo.
Caqabada ka hor timid Suufiyada taasi oo kaliya ma aha nee sidoo kale gobolka Gedo aad ayay ugu yaryihiin dadka Suufiyada ah, waxaa intaasi dheer in ciidamada magaca Suufiyada ku dagaalamaya ay yihiin beelo sooc ah oo aanan deganayn Gedo, marka la’isku daro labbadaasi arrin waxa ay keentey in Shabaabka ay helaan dagaalyahano badan oo reer Gedo ah oo si niyad ah u difaaca Balad Xaawo.
Kooxda sedexaad waa ciidamada uu wato Barre Hiiraale oo Dooloow ka yimid, waxay ahaan lahaanyeenba waxaa muuqata in Col. Barre Hiiraale uusan tallo badan ku lahayn dagaalka hadda socda, islamarkaasina si dabo-ka-riix ah uu dagaalka ku galay, shaqsiyan isaga kama hadlo dagaalada ee waxaa ka hadla Maxamuud Sayid Aadan oo xildhibaan ah.
Shabaabka ku sugan Balad Xaawo waxaa hogaaminaya Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, waa maskaxda dajisey kaartada dagaal ee magaalada lagu difaacayo iyadoo aysan micnaheedu ahayn in Shabaabka ay ka awood badanyihiin ciidamada soo duuley, Abuu Mansuur waa nin horey uga dagaalamaya Gedo Xiligii Jeneraal Inaa Xaaji Masale sagaashameeyadii, magaalada waxaa laga qodey dhufeysyo waaweyn oo aanan fooda la galin karin.
Dhanka shacabka qasaaro lixaad leh ayaa gaarey, dadka inta badan waxa ay u qaxeen magaalada Mandhera oo masaafo fogaan arag ah u jirta Balad Xaawo, waxaa gubtey guryo badan oo magaalada ku yiiley waxaana ugu wacan madaafiicda Ethiopia ay soo rideyso, dadka dhintey lama xaqiijin karo tiradooda.
Guud ahaan magaalada Balad Xaawo waa laga guurey, waxaa ku haray kaliya ciidankii Shabaabka ee magaalada Difaacaya.

About these ads

2 Responses to “Xogta Dagaalka Ee Buulo Haawo”

  1. mu Says:

    dalka hala difaaco

  2. JJ Says:

    ARRIMAHA LOOGA ADKAADEY KOOXAHA KU SOO DUULEY BELET XAAWO WAA :

    1) INEY KA SOO DUULAAN TAGEEN ETHIOPIA, WAANA KUWO AY KU SHAQEYSATO ETHIOPIA.

    2) WAXEY KU FASHILMEEN INEY SUGAAN NABADDA DALKA IYO DADKA MUDDADII AY JIREEN.

    ARRIMAHAAS AYAA U DIIDAAYA INEY GUULO GAARAAN WELIGOOD.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: