Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku Nool Gothenburg ee dalka Sweden oo gurmad Daawo Gaarsiiyay Isbitaalka Degmadda Daafeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa waxay soo garsiiyeen kharash lacageed oo dhan $1000. Dollar, si wax loogaga qabto Cudurkasi shuban biyoodka ah ee soo ritay caruurta ku dhaqan gobolkaasi Shabeelada hoose, gaar ahaan. Degmadda Daafeed iyo Tuulooyinka hoos tagga.

Lacagtaan ayaa waxa ay u soo wakiisheen jaaliyadda Dalka Sweden Mahad Xuseen Axmed , waxaana lagu iibiyay Dawadii gurmadka ahayd ee loogu tala galay, iyadoo cadadkii loo iibiyayna lagu wareejiyay Maamulka Isbitaalka Degmadda Daafeed ee gobolkaasi Sh/Hoose.

Munaasabad kooban oo lagu qabatay xarunta cusbitaalka ayaa waxaa lagu wareejiyay Dawadaasi Agasimaha Isbitaalka Dr. C/Qadir Shiikh Cumar, waxaana uu sheegay in uu isbitaalka aad iyo aad ugu baahnaa daawada Noocaasi ah ee looga hor tago cudurka Shuban biyoodka, waxaana uu intaasi ku daray in isbitaalka la soo gaarsiiyay kiishash gaaraya ila 35 Kiish oo uu soo ritay Cudurkaasi, kuwaasi oo laga kala keenay sida uu sheegay Degmadda Daafeed iyo deegaanadda hoos tagga.

Agaasimuhu waxaa kaloo uu intaasi ku darey in xiligan lagu jiro uu yahay xiligii kuleylaha, sidaasi darteedna ay qayla dhaan ka soo yereyso 80- Tuulo oo ku dherersan Degmada Daafeed maamulka isbitaalkana aysan awoodiisa garsiisnayn in si deg deg ah wax loogaga qabto.

kiishashkasi iska soo dabadhacaya, isagoo mahad celin guud u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden oo soo gaarsiiyay gurmadkaasi Dawada ah, waxaana uu sidoo kale codsi u jeediyay Jaliyadaha kale ee ku nool dalalka kale in ay ku daydaan oo ay u soo gurmadan
dadkaasi.

isbitalka degmadda Daafeed ayaa waxaa la furay sanadku markuu aha 2009-kii,waxaana uu ka koban yahay 16 Qol oo ay taallo 25 Sariir, waxana ka hawl gala 35 Shaqaale oo iskugu jira mamul iyo shaqaale, waana Cusbitaalka kaliya Degmadaasi leedahay.

Daawooyinka gurmadka ah ee lagu wareejiyay ayaa waxa ka mid aha.
1.Erythoromycine syr.
2.Ringle solution
3. Chlorophinicol.
4. metrinidazol.
5. Gentimycin Inj.20+40 +80.
6. Cortagine Inj, !00 mg+50mg
7. loperamide Cop.
8. Doxyciline Cop
9.ORS Orange.
10. Canol.22+23
11. Peterfly iyo kuwo kale

About these ads

One Response to “Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku Nool Gothenburg ee dalka Sweden oo gurmad Daawo Gaarsiiyay Isbitaalka Degmadda Daafeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose”

  1. MM Says:

    Maasha-Allah job well done waa in lagu dayada dhalinyarada reer Daafeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: