Sheekh Maxamed Macalim Xasan waxa uu ku geeriyoodey dalka Teliyaaniga, magaalada Torino, Bishii Ogosto 13-keedii sanadkii 2000, ALLAAH ka sokow waxaa suuro geliyey in lagu duugo Soomaaliya, ardadiisii iyo dad kale oo is abaabuley, soo dhaweynta meydka waxaa ka qeyb galey kumanaan kun oo ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana meydka looga hor tagey garoonka diyaaradaha ee Beled-Doogle ee magaalada Muqdisho u jira ‘100 km’.
Gawaari aad u fara badan ayaa ka qeyb qaatey soo galbinta meydka Sheekh Maxamed Macalim Xasan oo xanuunsanaa mudo sanad iyo bar ah, ka dib markii uu shil ku galey magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga sanadkii 1999-ki.
Magaalada Muqdisho markii la soo gaarsiiyey ayaa waxaa la soo marsiiyey meydkiisa asagoo lagu wado naxash aad u qurux badan wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho bartamaheeda, sida wadada loo yaqaan wadnaha, waxaa laga wareejiyey wadada loo yaqaan Folorensa “Florence”, iyadoo halkaa lagala leexdey hadana wadada caanka ah ee sodonka ilaa dhinaca fagax, waxaana la abaarey dhinaca deegaanka suuqa xoolaha.
Dad aan isa soo abaabulin oo idaacadaha magaaladuna ay ku war geliyeen qaabka aaska Sheekhu u dhici doono ayaa taagnaa wadooyinkii la mariyey meydka Sheekh Maxamed Macalim Xasan Allaah ha u naxariistee, waxeyna ay kor u taagayeen gacmaha ayagoo ALLAAH u baryayey in uu janadiisa Fardowsa aheyd ka waraabiyo.
Dadku waxa ay isa safeen hareeraha wadooyinka waxaana u badnaa haween iyo caruur iyo dad waayeel ah oo uga soo baxey guryahoodii ay ku jireen, waxaa dadku ay ka muuqatey naxdin geerida Shiikhu ku timid awgeed, waxaana ay si aad ah u soo raaceen galbinta meydka Sheekh Maxamed Macalim Xasan ayadoo ay gawaaridu aad u fara badneyd, ayna ku jireen kuwa qaada xamuulka oo dad badan soo qaadey.
Guddi gaar ah oo qaban qaabiya hawsha aaska Sheekha ayaa waxaa iska dhex doortey culimada magaalada Muqdisho, gudigaas waxa uu gacan weyn ka geystey aaska Shiikha, waxaana uu u mahad celiyey dhamaan intii gacanta ka geysatey in aaska Shiikh Maxamed Macalim Xasan uu u dhaco si qushuuc badan oo habeysan.
Shiikh Maxamed Macalim Xasan waxaa dabadeed lagu aasey Afaafka hore ee masjidka AL-HUDAA oo dadku u yaqaano Masjidka Tabliiq.
Aaska ka hor ayaa waxaa ku dukadey janaasada dad kumanaan gaaraya oo buux dhaafey masjidka oo ahaa mid aad u weyn, lehna barxad aad u weyn oo baabuurta la dhigto.
Aaska Shiikha ka dib waxaa la guda galey in culimada waaweyn ee Soomaalidu ay ka hadlaan wixii ay ka yaqaaneen Shiikha.
Waxaana hadalkaas ereyo ka soo kala jeediyey culimo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cali Sheekh Maxamuud “Sheekh Cali Dheere”, Sheekh Maxamed Axmed “Sheekh Abba”, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Ibraahim Maxamed Cali, Sheekh Nuur Macalim, Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf, Sheekh Yuusuf Cali Ceynta, Sheekh Siciid Yaxye Xaaji, oo dhamaantood ku tilmaamey Sheekh Maxamed Macalim Xasan in uu ahaa aabihii baraaruga Islaam doonka Soomaaliyeed.
Culimadaas qaarkood waxaa ka mid ahaa Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo sheegey in 32 sano uu Sheekh Maxamed Macalim Xasan u ahaa Macalim, qaab ka duwan qaabkii hore ee safsiirka quraanka kariimka ayuu noogu tafsiiri jirey, waana la yaabi jirney, aad ayaana u jecleyn ayuu yiri, waxaana ay ugu duceeyeen culimadu Sheekha in uu noqdo kii janada ku gad-gadoomo, ayagoo ALLAAH uga baryayey in uu naxriistiisa siiyo.
Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com