
In kastoo aan u dhashey qowmiyadda DigilMirifle, hadana wax iga celin karo ma jiraan in aan u kala gar qaado qoreyaasha soomaaliyeed iyo qowmiyadda DigilMirifle, gaar ahaan qoraaga lagu magacaabo Abdirahman Hoosh, oo wax ka qorey Qowmiyadda DigilMirifle iyo khadiyadooda taariikheed kow iyo hadda, RRA iyo Hogaankeeda, gaar ahaan Hasan Mahamed Nuur “Shaati Gaduud”.
Anigoon rabin in aan difaaco niman aan difaac u baahneyn iyo jabhad aan ujeedadeedu qarsooneyn, ayaa waxaan rabaa oo keliya in maqaalkii uu Cabdirahmaan Hoosh ku soo qaatey arinta ah, In DigilMirifle ka dib markii ay dibadda ka soo arkeen in uu jiro nidaam Federaal ah, ayey hada bilaabeen in ay la bood-boodaan Federaal baan rabnaa.
Sababtuna ay tahay oo keliya baahida loo qabo in wax walba runta laga sheego, shey walbana aan loogu yeerin magac uusan laheyn iyo ayadoo aan rabo in qadiyadani ay noqoto miisaankii ugu horeeyey ee loogu kala gar qaado qoreyaasha aan xishooneyn iyo Qowmiyadda DigilMirifle.
Waxaan kaloo cadeynayaa in aan qiimo weyn iigu fadhin in aan eedeyn ula bareero qoreyaahsa qaarkood ee aan nasiibka ku laheyn qorista xaqiiqda iyo qiimeynta amaanada qalinka, sida walaalkeen Abdirahmaan Hoosh, maxaa yeeley waxaan hubaa in qof waliba aanu ka badin karin in uu soo qoro in ka fiican qiyaasta aqoontiisa iyo qiimaha caqligiisa.
Waxaan Ibnu Aadam in aan ahay tusid iyo tusaaleba aan umadda soomaaliyeed iyo qoreyaasheena aan ugu soo qaato barnaamij socdey mudo sedex bilood ah ee looga hadlaayey taariikhdii hore ee soomaalida, gaar ahaan koofurta soomaaliya oo lagu marti qaadey qoraagii caanka ahaan ALLAH ha u naxriistee oo u dhashey qowmiyadda DigilMirifle, magiciisuna la yiraahdo Mr, Dr: Ahmed-Rashiid Sheekh Mahamed “Qul-Qul”, lagana soo daayey telefishen ku yaal dalka CANADA ‘kanada’, magiciisuna la yiraahdo “ROGERS” ahna telefishinada kuwa ugu caansan dalka CANADA, xaruntiisuna ay tahay OTTAWA, qeybtii ugu horeysey ee doodaas waxaa la soo daayey bishii Oktoober 22, 24, 26, sanadkii 1999-ki, qeybtii labaadna waxaa la soo daayey bishii November 4, 17, isla sanadkii 1999-ki, waxaana lagu wada marti qaadey dhamaan wax garadka soomaaliyeed ee joogaan North America, waxaana uu TV-ga ugu dan lahaa in soomaalida ay barato taariikhdeeda saxa ah iyo tan khaladka ahba, runteeda iyo beenteeda, si aan been abuur u dhicin mustaqbalka soo socda, wixii horey u dhacay oo kale.
Waxaa kale oo lagu marti qaadey taageerayaashii labadii xisbi ee ka jirey koofurta Soomaaliya ka hor sanadkii 1960-ki, intey xoriyada qaadan soomaaliya, ee la kala oran jirey Hisbiyo iyo Leego.
Barnaamijkaas oo aan u wada sineyn anaga iyo Abdirahmaan Hoosh iyo dhamaan jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool Canada, iyo intii kale ee kala socotey internet-ka, waxaa lagu bilaabey wareysigii Mr,Dr: Ahmed-Rashiid Sheekh Mahamed “Qul-Qul” oo markii aan wareystey isugu key sheegey in uu yahay DigilMirifle, kana ahaa reer Baydhowi, ALLAAh ha u naxariistee.
Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com