
1. Dirirtii Baarlamaanka ee Kenya.
Markii lagu aas-aasey dowladdii C/laahi Yuusuf Kenya, durbadiiba waxaa la soo jeediyey in ciidamada Itoobiya la keeno waddanka, iyadoo markaa sida la sheegey caawin lahaa dowladda. Shariif Xasan waa uu diidey, ma aheyn wax qarsoonnaa.
Diidmada uu diidey inay ciidan shisheeye soo galaan waddanka ayuu ka abuurmey dagaalka illaa manta u dhaxeeya Shariif Xasan iyo C/laahi Yuusuf oo uu ugu danbeeyey weerarkii C/laahi Yuusuf maalmo ka hor BBC qeybta Soomaliga kaga soo qaadey isagoo jooga Yemen.
Shariif Xasan wuxuu si toos ah uga guuleystey C/laahi Yuusuf,Ra’isul Wasaarihiisi Geeddi iyo xulufadooda ka dib markii uu baarlamaanku diidey in la keeno ciidankaasi shisheeye, iyagoo Shariif Xasan iyo xulufadiisa ay sabab uga dhigeen in ciidamada dowladaha safka hore aysan soo geli karin Somalia sharci ahaan.
Waa tii gacmaha la isla galay oo loo kala istaagey labo saf oo kala taageerayey in la keeno Itoobiya ciidankeeda iyo inaan la keenin.
Qaar badan baa ku eedeeyey in Shariifku ay Hawiye wataan, oo Hawiye diiddan yahay in ciidan la keeno Somalia, Daaroodna ciidanka rabaan, Shariif Xasan-na Hawiye taageerey.
Doodda noocaasi ah waa mid meel ka dhac ku ah kartida Shariifka waayo rag badan oo Hawiye ah oo uu prof. Geeddi ka mid yahay waxay u ololeynayeen keenista ciidanka Itoobiya.
Diidmada Itoobiyaanku sow ma aheyn talaabo waddani-nimo?
Dhacdadaas muhiimka ah ee weliba dagaalka keentey oo caalamka laga wada daawadey, waxaa loogu kala baxay Itoobiyaan doon iyo Itoobiyaan diid. Waxaan is weydiidey maxay cidina u xusuusan la’dahay oo Shariif Xasan loogu amaani waayey? Guuleed Abtidoon haddii uu ahaan lahaa ninka diideey Itoobiyaanka ma la buun buunin lahaa mise sidan ayaa loo inkiri lahaa?
Ma og tahay in ay jiraan qaar ku eedeeya Shariif Xasan inuu Itoobiyaankaba ka danbeeyey keenistooda?
2.Maxkamadihii Islaamiga ahaa
Waxaa xigey, aas-aaskii maxkamadaha kolkii la heshiisiinayey dowladda iyo Maxaakiimta oo iyagu markaa awood badan lahaa intii aysan ciidamada Itoobiya waddanka imaan ka hor.
Shariif Xasan isagoo kursigiisa uu u bed qabo ayuu wuxuu ka doortey in la heshiisiiyo maxaakiimta iyo dowladda si aan xabadi waddanka uga dhicin, waxaan xusuusanaa safaradiisi Muqdishu, kuwii Afgooye ee isdaba joogga ahaa isagoo marka madaxda dowladduna ay ka soo horjeedeen waan-waanta uu waday.
Qorshaha Geeddi iyo C/laahi Yuusuf wuxuu ahaa in ciidamada Itoobiya ay soo galaan waddanka, Muqdisho-na la bambeeyo. Faa’idada ugu jirtey Geeddi iyo C/laahi qiddo dagaaleedkaasi waxaa la sheegaa in ay ahaayeen sidan;
·Geeddi oo markaa rabey inuu soo saaro awood Muddulood-ka uu ka dhashey, habka keliya ay sidaa ku suurtoobi karteyna ay aheyd in beesha Habar Gidir la qixiyo si tiro ahaan ay Muqdisho uga yaraadaan, iyo in dhaqaale ahaan la wiiqo. Waad maqasheen wareysiyadii is daba yiiley ee Maxamed Dheere, Jeelle iyo odayaasha Muddulood qaar bixinayeen ee salka ku hayey in Habar Gidir ay Xamar ka baxaan.
Duqeymaha ugu badan waxay ka dhacayeen Suuqa Bakaaraha oo looga dan lahaa in awoodda dhaqaale ee beeshaasi la tirtiro, illaa xadna waa suurto gashey ee waxaa dhacdey in taariikhda 20-ka sanno ee dagaaladan ay socdeen ay beesha Habar Gidir markii ugu horeysey la arko ayagoo Wasiir raajicinaya, misna la’ba, maddaama loo arkey inuusan jirin dhib weyn oo ka imaan karey, Waayo waxaa si toos ah u burburiyey tiro iyo tayo-ba Itoobiya iyadoo la wada eeganaayey, Taasi waxaa la sheegaa inay aheyd dantii istraatiijiga aheyd ee Geeddi.
·C/laahi Yuusuf danta ugu jirtey waxay aheyd, in uu awooddiisa dowladeed ku ballaariyo Soomaliya oo dhan, si uu sidaa u suurto geliyana waxaa qasab aheyd inuu bur buriyo awoodda beesha Hawiye ee iyaga markaa qeyb weyn ku lahaa dagaalada Somaliya, maaddaama is faham wax qeybsi uu kala dhexeeyey Abgaal-na, hanjabaadda keliya ee jirtey waxay ahayd beesha Habar Gidir.
Dadka qaar waxay sheegaan in xitaa uusan meesha ka maqneyn qorshe aargoosi ee taariikh ahaan u dhexeeyey Daarood iyo Hawiye ee iyagu lagu eedeeyo inay yihiin labada qolo ee waddankan baabi’iyey.
Isku soo duub oo natiijada soo if baxaysey haddii lagu dhaqaaqo qorshe dagaaleedkaasi wuxuu ahaa dhimasho, dhaawac, barakac iyo hanti burburta, sida markii danbe-ba dhacdey.
Waxaa dhintey tobeneeyo kun, waxaa dhaawacmey boqolaal kun, waxaa qaxay nus malyuun wax ku dhow, kufsasho iyo boob hantiyeedna lama qiyaasi Karin sida ay weriyeen hey’adaha xuquuqda aadanaha u dooda.
Dhibaatooyinkaasi ma noqon kuwo qolo keliya ku ekaadey ee waxay saameeyeen dad badan oo aan waxba geysan shiddo ah.Shariif Xasan kuma guuleysan inuu dadka Soomaliyeed ka badbaadiyo dhibkaasi, Laakiin wuxuu go’aansadey inuusan qeyb ka noqon isaga shaqsi ahaan maamulkii geysanayey xasuuqaasi.
Ibdow Eeding Hoosow
hoosow@hotmail.com