Muqdisho Sabti, waxaa mudooyinkaan danbe aad u xoogeystey AFKUDHIIGLE Fu’aad oo isku magacaabey Fahad in uu marba qolo ama shakhsi weeraro hadii uu u arko waxii fikirkiisa gaaban kasoo horjeeda. Waxaa isweydiin leh goormaa AF KU DHIIGLAHAN loo dhiibey seeriga garsoornimada qowmiyadda.
Waxaan isku deyney mudo sanad ku dhow in aan u dirno odeyaal iyo dhalinyaro isaga la da`ah intiiba waano wanaag walaaltinimo waa ka diidey, ileen akhlaaqda fiican waxaa la baraa qofka inta uu yaryahay, mar hadii intaan uu la ekaadey cidna waxba kama qaban karto. Kadib markii cidwaliba ay ka quusatey, waano iyo u caqli celin ayaa dantu waxa ay nagu khasabtey in AF KU DHIIGLAHAN farta uu yaqaano laqoro si ummada ay nabad uga hesho waxaana inga go`an talaabo marka uu qaado in labo la la qaado.
Akhristayaasha sharafta leh waxaan idin soo bandhigeynaa dhowr arimood oo af ku dhiiglahan qowmiyadda DM dhexdeeda uu ka wado, kuwaas oo aan aad uga fiirsaney baaritaan dheerna ku sameyney ka dibna waxaa inoo soo baxdey arimahan hoosta ku qoran:
In uu hor istaago wixii uu ka dhexwaayo qabiil ahaan cida uu sheegto, kana dhigo waxba kama jiraan sida aad moodid in uu asaga yahay qaaliga ugu sareeya ee qowmiyadu leedahay.
Markuu damco in uu qolo aflagaadeeyo ama shakhsi waxa uu adeegsadaa magacyo uu asga u gaar ah sida KEEROW iyo IIDOW iwm si uu u xalaashado dhiiga ama cayda qofka ama kooxda uu markaas muraayada u soo gasha.
Intabadan waxa uu taageero buuxda u hayaa Al-shabaab amaba uu ku tiirsanyahayba, qof walba oo fikir ahaan kasoo hor jeesta qoladaasna waxaa uu kula dagaalamayaa wax alle iyo wixii uu heli karo aalad ah.
Wararka been abuurka ah ee uu soo qorey af ku dhiiglahan waxaa ka mid ah kii ugu danbeeyey oo ka mid ah kuwa uu qowmiyadda isaga horkeeno kuna abuuro tashwiish si uu cadowga ummada ugu faa’ideeyo.
Wuxuu ka been abuurtey kheyr Allah ha siiyee Sheekh Ilyaas oo ka fog waxa uu ku nisbeeyey, sababtoo ah waxaa uu falkan u sameynaayana ay tahay in uu ka dhex helo gudigan abaaraha ka dhisan UK qof ay isku hayb yihiin si Al-shabaab loo taakuleeyo maadaama dhaqaale xumo soo food saartey, asagooba isaga dhex qasan dhaqaalahan in uu yahay mid dadka tabaaleysan loo ururiyey iyo mid Al-shabaab loo ururiyey.
Waxaa kaloo cadaatey in ay ku wada heshiiyeen Af ku dhiigle (FU’AAD) iyo gacan ku dhiigleyaasha (Al-shabaab) sidii loo cirib tiri lahaa maatada ku nool goboladan la isku yiraahdo Koofur Galbeed Soomaaliya, gacan ku dhiigleyaashan ay hor istaageen caawinaadii la gaarsiin lahaa maatadaas nooc walba ha ahaatee hadii kale ayaga gacanta loo geliyo, waxaana kuu cadeyn ah in ay xitaa hor istaageen dadkii u soo nolol raadsan lahaa meelaha ay mucaawinada ka jirto, Af ku dhiigle Fu’aad-na isku dayohoyo mar walba in uu hor istaago lacagahan loo ururinaayo umadan abaarta haleeshey, hadii kale dhaqaalaha loo diro Al-shabaab, mar hadii taa la hor istaageyna uu baneystey in uu ka been abuurto dadka ka damqadey walaalaha abaarta haysato.
Waxaa wax lala yaabo ah qofka hunguri ka soo galey kaalmo loo ururiyey abaaraha oo weliba aanan joogin halka abaarta ay ka jirto ama meesha lacagta laga aruurinaayo, waxaa beryahanba uu wad-wadey Af ku dhiiglahan in gudiga abaaraha lagu daro dad ay isku hayb yihiin hadii kale uu fowdeyn doono banaamijkan xag Web-site-yada, baidoanews oo ku caan baxdey dabar goynta qowmiyada DigilMirifle iyo in ay hore u mariso dan hayb “Qabiil” sida ay dadka badankiis ay la wada socdaan.
Ugu danbeyn dadka uu ceybta u yeeley ma ahan kuwo u dhow waxa uu ku sheegey keliya uu fulinaayey balantii uu ka qaadey Al-shabaab iyo weliba haybtiisa, Anaguna waxaan leenahay ABAAR BAHAASE EEBA DORING.
Halkan hoose ka akhriso fadeexada oo af ku dhiiglahan la raadinaayo qowmiyadda dhexdeeda oo runtii waxba kama jiraan ah.
http://www.baidoanews.com/view.php?id=7934
Marka maxaa u dan ah qowmiyadan hadiiba la ogaadey oo ay cadaatey af ku dhiiglahan noocaan ah in uu yahay cadowga koowaad ee ummadan leedahay?
1 Waa in aan la gelin web-kiisa si uusan suntan uu kula dhex wareegaayo qowmiyadda dhexdeeda looga bad baado
2. In waxba laga qaadan af ku dhiiglahan warkiisa, maxaa yeeley marwalba waxaa uu ka shaqeeya sidii loo kala fogeyn lahaa qowmiyadda.
3. In la baaro af ku dhiiglahan in uu run ahaan u dhashey qowmiyadda, maxaa yeeley dhowr jeer ayaa waxa ina soo gaartey in uusan qowmiyadda u dhalan balse deegaan ahaan u sheegtey.
Intaa ka dib waxaan idin balan qaadeynaa in aan soo bandhigno dhowr arimood oo af ku dhiiglahan khuseysa maxaa yeeley kan oo kale waa in maanta oo kale isku meel looga soo wada jeestaa.
Waxaan idin soo wadnaa dimbiyo badan oo AF KU DHIIGLAHAN uu geeystey.














