Archive for August, 2011

HOR U DHAC:-MAXAY AHAAYEEN AMA YIHIIN QOWMIYADDA DIGILMIRIFLE Q-6aad

August 31, 2011

Waxaa kaloo iyana layaab leh in ay isla ereygii ay ku sheegeen dhul, hadana u isticmaalaan dad, waxaa inoo cad in aynan ka fiirsanin waxa ay qorayaan, kuwaas ayaan leenahay ha ka fiirsadaan qoraaladooda inta aynan shaacinin, sida kuwa kala saari waayey Dhul iyo Dad, kuwa hadda raba in ay wax qoraana ha noqonina Dameer Dhaan Raacdey.

Waxaa kale oo iyan meesha aan ka marneyn in umadihii hore ay ku dagaalami jireen deegaanada barwaaqada ah ayna isu awood sheegan jireen, kooxdii awood roonaata ayaa qaadan jirtey barwaaqada hadaba su’aasha meesha taal ayaa ah: Sidey ku heshey qowmiyadan Digilmirifle dhulkan baaxadda weyn isla markaana ah barwaaqo?.

Hadiise laga awood roonaa ama laga tiro badnaa maxaa looga kacsan waayey dhulkeeda?.

Hadiise laga soo horeeyey maxay dhulkaas ay u degi waayeen wixii ka soo horeeyey?.

Dad baa waxay yiraahdaan anagaa Soomaali run ah, anagaana dhulka la inoogu yimid, waxaan leenahay Ok, adeer adigaaba ugu soo horeeyaye maxaa ku dhigey qaleelkaas oo aad u degi waysay meesha aad qaxootiga ku tahay, arimahaas dhowrka ah jawaabahooda faah-faahsan waxaa laga rabaa akhristaha in uu maskaxdiisa ka shaqeysiyo helana jawaabta saxa ah.

Waxaa kaloo xusid mudan in ay Digilmirifle ahaayeen Qowmiyad laheyd maamul Ab ka Ab ahaa, oo aan lagu soo xad gudbi karin, taasna waxaa si dhab ah u cadeynaya arimihii dhacaayey iyo kuwa hada jira oo ay tartan ugu jiraan gumaystayaal mad-madow oo nolol raadis ah, noloshooduna ku raadsadaan nolol ama geeri oo aan haysan wax ka danbeeya ahna naf la caari aysana rabin in ay dib ugu laabtaan deegaanadoodii ay ka yimaadeen.

Tartankan ay hada ugu jiraan hanashada dhulka Digilmirifle wuxuu noqon doonaa kii ugu danbeeyey ee ay ku guul dareystaan, waxayse dib ugu laaban doonaan meeshey ka soo qaxeen, hadeyse taas sameyninna waxey noqon doonaan ugaarta ku nool deegaanada Digilmirifle, waxaase dib u soo laaban doona maamuladii hore ee ay laheyd qowmiyadda Digilmirifle.

{C} DHAQANKA: waa dad dhaqankoodu ku saleysanyahay Islaamka, iyo ku toosnaanteeda, waxaadna ka garan kartaa sida ay noloshooda qeyb ooga noqotey xafidaada quraanka kariimka ah, aadna ay u yar yihiin intaan xafidneyn, taasna waxaa kuu cadeyn kara soomaalida inteeda kale, hadaad weydiisid qofka macalim dugsigooda ahaa mid kasta wuxuu ku leeyahay REEWING buu ahaa in yar mooyee.

Waxaa mahad ALLE ah in dhaqankooda aan la mid aheyn dhaqanka soomaalida qaarkeed, dhaqankooduna ku saleysan yahay Dil, Dhac, iyo Boob taasoo diinta Islaamka xarimtey, mar hadaan isku si aan loogu dhaqmeyn diinta,waxa aan shaki ku jirin in aan isku dhaqan la aheyn.

Dhinac kale hadii loo fiiriyo waxaa la kala yahay dad xishooda iyo dad aan xishooneyn, labadaasna isku dhaqan ma noqan karaan, waxaa kaloo la kala yahay dad martidooda soora iyo dad aan soorin oo waliba dila, marka soomaalibaa isku dhaqan ah wa arin aan run aheyn oo ay tahay in ay dadka dhaqankoodu xun yahay ay isku qariyaan kuwa dhaqanka wanaagsan.

Waxaa kaloo dad ay dhaqan ka dhigteen in ay ku noolaadaan xoolo aysan soo shaqeysan oo aana la siinin ayagoo ku raadsanaya wado khaldan, markaa sidey isku dhaqan u noqonayaan mid xoogiisa maasha iyo mid dhac wax ku raadsada, hadaan la is yeel-yeeleyn soomaali isku af ma’aha, isku dhaqan ma’aha, laakiin waa isku diin, inkastoo ay si xun ugu xad gudbeen wax yaalihii diintooda fartey, sida dadka Islaamka ah iyo kuwa aan aheynba in ay ka nabad galaan dhiigooda iyo maalkoodaba, sidaa darteed lama oran karo isku diin ma nihin ee diintii bay ku caasigaroobeen.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika.

August 31, 2011

Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhagaweel ayaa xalay lagu dilay magaalada Giyaani ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii laba burcad koonfur Afrikaan ah ay ku weerareen dukaan uu ku lahaa halkaasi.

Dilkan ayaa loo geystay marxuumkaan, kaddib markii kooxaha burcadda ay isaga dhigeen macaamiil dukaanka wax iibsaneysa, iyagoona ka qaatay wixii lacago ah oo halkaasi yiilay iyo alaabooyin kale.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Limpopo Cabdinaasir Maxamed Sheekh ayaa Swsomalia.com u xaqiijiyay dilka ganacsadaha Soomaaliga, isagoo sheegay in la bar-garanayo burcadda dishay marxuumkaasi.

Booliska gobolka Limpopo ayaa gaaray goobta lagu dilay ninkaasi ganacsadaha ah, iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaanno ku aadan kooxihii dishay oo la rumeysan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan magaalada Giyaani.

Dilka loo geystay marxuumkaan ayaa ku soo beegmaya xilli in muddo ah laga nastay dilalka loo geysanayey ganacsatada Soomalida ee dalka Koonfur Afrika.

Galgaduud Oo Maanta Lagu Ciidey

August 31, 2011

Deegaannada ay maamulaan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa saakay si rasmi ah looga ciiday munaasabadda Ciidda, iyadoo dadweyne fara badan ay isugu soo baxeen fagaarooyinka waa weyn, halkaasoo salaadda ciidda lagu tukaday.

Goobaha saakay laga ciiday ee gobollada dhexe ee Soomaaliya waxaa ka mid ah, Xeraale, Guriceel, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Matabaan iyo Balan bal, iyadoo dadka lahadlay madaxda iyo mas’uuliyiiinta Ahlu Sunna, kuwaasoo ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, waxa ayna shacabka ka codsadeyn in dadka wax haysta ay gacan qabtaan qoysaska kale aan waxba heysan.

Mas’uulka Ahlu Sunna ee hadda loo magacaabay Dr. Xirsi Maxamed Hilowle ayaa shacabka kula hadlay goob fagaaro ah oo ku taalla Caabudwaaq, wuxuuna ugu baaqay in hal meel uga soo wada jeestaan cadowga shacabka, maamulka Ahlu Sunnana ay la shaqeeyaan.

Sidoo kale, maanta waxaa laga ciiday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo maalintii shalay laga ciidin, waxaana waddooyinka magaaladaasi lagu arkayay dadweyne aad u fara badan oo isugu hambalyeynaya munaasabadda weyn ee Ciidda.

HOR U DHAC:-MAXAY AHAAYEEN AMA YIHIIN QOWMIYADDA DIGILMIRIFLE Q-5aad

August 29, 2011

Waxa ay wax ka qoreen qowmiyad ayagoo ka been sheegaya Nasabkooda, haybadooda, iyo deegaankooda, ayagoo qoraaladooduna ay noqdeen kuwo is bur-buriya ileyn beentu waa mid aan meel dheer gaareynine, walow ay maalmo ku soconayaan, marka la qabtona ay liicayso,
Wax yaalihii ay qoraaladooda ay ku qoraayeen oo sedex arimood ah hadaan wax ka sheego

{A} DADNIMADA QOWMIYADDA
{B} DEEGAANADA QOWMIYADDA
{C} DHAQANKA QOWMIYADDA

{A} Soomaalidu sida la sheegay waxay asal ahaan ka soo jeedaa Kushiti, ama sida kale la yiraahdo Afro.

{B} Deegaan: waa dad dega Afrika geeskeeda bari, gaar ahaan Soomaaliya, gude ahaana ka dega gobollada Koofur Galbeed ee Soomaaliya, labada dhanna ka leh xuduudo dalalka kala ah Kenya iyo Ethopia, dhulkaas baaxadda wayn ayey ku nool yihiin, dhab ahaana xaqiiqdu waa ay ka fog yahay in la xaqiro ama la dafiro dad loo baahan yahay oo aan ayaga dad u baahneyn.

Runtii waxaynu ogsoonahay oo aan taariikhda marnaba la inkireyn in uu yahay dhulka ugu khayraadka badan ee uu leeyahay dhulka soomaaliya.

Waxaa iyana xusid mudan in la is xusuusiyo kaan aqoonina loo sheego in ay Qowmiyadda Digilmirifle dhulkooda ay xukumi jireen Suldaano iyo Malaaqyo ilaa iyo haddana aan siiradooda go’in, isla markaana aan oran karno kuwo ah in ay taariikhdooda si dhab ah ay u jirto, ha ahaato Gobol ahaan ama Qowmiyad ahaanba.

Ummada kale ee soomaaliyeed ee la soo dersay Qomiyaddan Digilmirifle waxay si dhab ah uga mid noqdeen ama la xeer noqdeen Qowmiyaddan, mana jirto cid ku khasabtey in ay ka mid noqdaan, waxaa u geeyey wuxuu ahaa nolol doon ayagoo ah qaxooti.

Run ahaantii waxa ay la dhaceen qaab dhaqankooda iyo deegaankooda oo ah mid barwaaqo badan, waxay dhab ahaan isu bedeleen in ay la xididaan, ku qaaraanna noqdaan, ayna go’aansadeen in aysan dib ugu laaban meelihii qalalnaa ee ay ka soo qaxeen.

Hadaba waxaa cad oo aan mugdi ku jirin in Qowmiyadda Digilmirifle ay aheyd qowmiyad awood badan, had iyo jeerna ay gacanta ku hayn jirtey nabad gelyada dhulkooda, aan la sheegin waligeed colaad dhexdooda ka dhacdey ka dibna ay la qaxeen, oo ay tageen gobol u dhow, ama meel aan meeshooda aheyn ha u dhawaato ama ha ka dheeraatee, hadaba waxaa la arkey kuwo goboladooda ama maamuladooda ka dhex dhici jirey dagaalo ayna u soo qixi jireen meel nabad ka jirto oo ay nolol ka heli karaan, meeshaasna waxay u noqotay dhulka Digilmirifle, waxaa kaloo muuqata oo aan qarsoonayn in la heli karo dad u soo qaxay dhulka Digilmirifle, laakiin lama arag dad u dhashey Digilmirifle ah oo u qaxa dhul aan kooda ahayn, taasna waxay kuu cadeyneysaa in dhulkan Digilmirifle uu yahay mid loo soo doonta nolol, kuwa u soo doonanayana ay ka yimaadeen meel qalalan oo noloshu ku adag tahay, waxaana cad kuwa soo qaxay in ay nololi ugu horeysey markey yimaadeen dhulka Digilmirifle, hadey leeyihiin taas waa been bal haku noqdaan dhulkooda.

Hadaba markey arkeen nabad gelyo oo barwaaqo bar-bar socota ayey isu qaylo dhaansadeen, oo isugu sheekeeyeen in ay nolol heleen, kooda danbeeyeyna ay u wacdeen. waxaa si is daba joog ah u imaan jirey dhulka Digilmirifle qax fara badan ayagoo uun raadin jirey nabad gelyo iyo nolol dhaanta tey ku jireen.

Waxaa kaloo jirta in qorayaasha qaarkood ay qoreen in Soomaalidu ay tahay reer guuraa hadba raadsadaan meeshii roob lagu sheegay,waxay kaloo ay meesha ka saareen in ay jiraan reer aanba guurin waligood hadey roob la’aan noqdaan xitaa, in xagooda loo soo guuro mooyee, cida guur-guurta had iyo jeer ama qaxda waa kuwa lagu magacaabey qaxooti, oo aan haysan hoy iyo nolol, taasina waa mid cadaan ah in uu had iyo jeer kan dadka soo dhaweeya uu yahay mid nabad gelyo iyo nololba haysta.

Hadaba waxaan oran karnaa Digilmirifle waxay qaxooti qaabili jireen ka hor intaanu United Nation-ka saxiixan in la qaabilo qaxooti, qaxootiyadii ugu horeeyay ee ay qaabileen Qowmiyadda Digilmirifle markey nolol arkeen, nasteen oo ay indhaha u furmeen arkeena cid aan cabsi gelineynin ayaa ay u bixiyeen Dhulkii raaxada weynaa.

Sida aan ka wada war qabno marka reer guuraagu ay is wareysanayaan waxaa ugu muhiimsan ee ay xooga saaraan waxay tahay xagey biyo fadhiyaan, xagee roob ka da’ay, taa oo macnaheedu uu yahay xageen u nolol raadsanaa, ama aan xoolaheena la’aadnaa {DAAQSIN}, meeshay isu sheegeen oo ay isu soo tilmaameen waa dhul Digilmirifle, ayagoo isu miisaamaya meeshey ka yimaadeen iyo meeshay imaadeen ayaa waxa ay ku tilmaameen in ay yimaadeen meel raaxo badan, caafimaad badan, oo intaana u sii dheer amaan, ka dib waatey yiraahdeen Raaxo-weyn, hadana waxaa la arkey dad dadkii dhulka degenaa ku sheegaya raaxo weyn waa halkii laga rabey in uu yiraahdo, REEWING ama Digilmirifle.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Shabaab Iyo Dowlada Oo Ku Dagaalameen Xaafada Xoosh Ee Magaalada Mogdisho.

August 29, 2011

Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Shabaab ayaa xalay ku dhex maray deegaanka Xoosh ee duleedka degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay markii Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisinka ay ciidamada milatariga ku leeyihiin xaafada Xoosh.

Wararka ayaa sheegaya in kadib dagaal fool ka fool ah oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaas.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay inay jiraan meydad Al-Shabaab uga carareen deegaanka Xoosh, waxaana ay tilmaameen inay saxaafada u soo bandhigayaan.

Waxaa ay sheegeen Saraakiisha in aanay jirin wax qasaare ah oo dhankooda ka soo gaaray, iyagoo tilmaamay inay iska caabiyeen weeraradii xalay lagu soo qaaday.

Si kastaba ha ahaatee Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay isaga baxeen magaalada Muqdisho waxay ku dhawaaqeen inay bilaabayaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa.

Webiga Shabaalle Oo Lagu Cabsi Qaba Inuu Fatahaat Sameeeyo

August 29, 2011

Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa ka cabsi qabo inu kusoo fataho wabiga Shabelle oo maalmihi lasoo dhaafay xaafado ka mid ah halis ku hayey., iyadoo barakac uu ka bilowday xaafado qaar la degenaa oo wabiga ku dhowaa.

Wabiga ayaa meelo aanan sidaasi u badneyn kaga fatahay Xaafada Buulo Sheekh ee Magaalada Jowhar hase yeeshee dadka xaafada oo iskaashanayo ayaa ku baxay oo xiray, laakin hada ayaa waxaa la leeyahay xaalada caadi ma ahan kadib marki wabiga uu aad u biyo keenay.

Heerka jooga biyaha oo marka ugu daran gaari jiray 5-mt ayaa hada marayo 5.37M waxaana laga baqayaa in xaalada ay ka darto oo biyahu ay dhibaateeyaan magaalada.

Waxaa soconaya gurmad lixaad leh oo ay wadaan Gudiga Gurmadka fataahadaha, iyagoo bilaabay qeylo dhaan ku aadan in laga hortago fatahaada uu qarka u saaran yahay Wabiga.

Inkastoo dhowana la furay Kanaalkii Shiinaha ayaa hadana wabiga waxaa uu yahay mid aad u soo buux dhaafiyay, waxaana saaka bilowday howlo lagu carro tuurayo oo jawaano ciid lagu shubayo la dhigay geeska wabiga, si aanu soo jabsan.

Deegaanada laga cabsi qabo ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Moyko iyo xaafadaha Magaalada Jowhar ee hareeraha Wabiga ku yaala.

Xilliyadii fatahaadaha ay ka dhici jireen Gobolka ayaa waxaa gurmadka ugu ballaaran sameyn jiray Hey’adaha sama falka ee caalamiga, iyadoo inta badan Hey’adaha aanay xilligan ku sugneyn Magaalada.

Odayaasha Baydhabo Oo Cambaareyay Dilka Sarkaal Ka Trisan ICRC

August 29, 2011

Odayaasha dhaqanka magaalada Baydhabo ayaa cambaareyay dil xalay magaalada loogu geystay Cabdisalaam Feleg oo ka tirsanaa shaqaalaha guddiga Laanqeyrta Cas (ICRC).

Malaaq Ibraahim Isaaq oo ah guddoomiyaha odayaasha dhaqanka gobollada Baay iyo Bakool ayaa falka lagu dilay Cabdisalaan Feleg ku tilmaamay mid aan loo dul qaadan karin, isagoo sheegay in marxuumka aanay jirin cid uu dambi ka galay.

Malaaq Ibraahim ayaa horjoogeyaasha maleeshiyada ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arrinta dilka loo geystay sarkaalka ka tirsan ICRC.
Kooxo hubeysan ayaa marxuumka dhowr xabadood xabadka iyo madaxa kala beegsaday,saida uusheegay Cismaan Aadan Cali.

Madaxweyne Shariif iyo Mahiga oo gaaray magaalada Garoowe

August 28, 2011

Wafuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa gaaray magaalada Garoowe si Puntland ay kala hadlaan Shirka wada tashiga Soomaaliya.

Wafdigaani oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta ka anbabaxay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay gaareen saacadihii lasoo dhaafay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdigiisa ayaa waxaa la sheegay in halkaasi ay si heer sara ahugu soo dhaweeyeen Madaxada Puntland iyo Ra’iisul wasaare C/wali oo halkaasi booqasho ku jooga,waxaana Madaxweynaha la tilmaamay inuu kulamo ku saabsan shirka wada tashiga Soomaaliya uu la qaadan doono Madaxweyne Faroole oo la rumeysan yahay inay ku kala fakir duwan yihiin halka shirka lagu qabanayo.

Sheekh Shariif ayaa markii uu gaaray magaalada Garoowe waxa uu booqday xerooyin barakacayaal ah oo ku yaalla magaaladaasi kuwaasi oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo intooda badan ka cararay colaada iyo abaaraha ka taagan Koofurta Soomaaliya.

Dhinaca kale Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Garoowe, waxaana warku uu sheegay in Mahiga uu kala hadlayo Shariif iyo Faroole arimo ku saabsan shirka wadatashiga Soomaaliya.

Barakacayaasha Badbaado oo bilaabay inay halkaasi isaga baxaan

August 28, 2011

Qaar ka mid ah qoysaska ku nool xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay bilaabeen inay halkaasi isaga baxaan amni xumo iyo cunto la’aan awgeed.

Xerada barakacayaasha ee Badbaado oo ku taalla duleedka degmada Dharkeenlay ayaa dadkii ku jiray waxa ay bilaabeen inay isaga barakacaan xeradaasi oo ay u wareegtaan degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah qoysaskaasi oo la hadlay Idaacaddaha maxaliga ah xili ay isaga baxayeen xeradaasi iyagoo gaarayay ilaa 10-ruuxayaa waxa ay sheegeen in sababta halkaasi ay uga tagayaan ay tahay amni xumoiyo cuna la’aan xerada kusoo wajahday.

Dadkaani ayaa waxa ay sheegeen inay hada u wareegteen wadada Tarabuunka, xaafada Soonakeey iyo qeybo kale oo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir si ay halkaasi uga helaan amaan iyo nolol ka wanaagsan midii xerada Badbaado.

Xerada Badbaado oo ay ku jiraan boqolaal qoys oo ay dib u dajin ay u sameysay dowladda KMG Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxa ka dhacay rabshado ay ka mid yihiin dil iyo boob loo geystay raashinka gar gaar oo dadkaasi loogu tala galay taasi oo ay ka dambeeyaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab oo laga fashiliyay weerar ismiidaamin ah

August 28, 2011

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa galabta fashiliyay weerar ismiidaamin ahaa oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kaasoo ay doonayeen inay u adeegsadaan gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ciidamada ayaa howlgallo dhanka ammaanka ah oo ay ka sameeyeen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho waxay ku soo qabteen gaari noociisu yahay Mark II, kaddib markii ay iskaashi sameeyeen laammaha ammaanka ee dowladda.

Taliyaha ciidamada nabad-sugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed ayaa sheegay inay gaarigaasi haatan ku hayaan xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in laammaha sirdoonka ee dowladda ay horay u heleen xog ku saabsan in ay Al-Shabaab isku dayayaan fal ismiidaamin ah.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay si weyn u adkeeyeen amniga magaalada Muqdisho, isla markaana heegan la geliyay, iyadoo il-goonni ah lagu eegayo cid kasta oo wadda amni-darro.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 49 other followers