
Ustaad Usmaan waa halyeygii ugu horeeyey oo DigilMirifle ah oo ku can baxay fikradiisa ah “Federaalka” isla markaana noqdey ninkii ugu horeeyey ee loo diley fikradiisa oo ayna dan u aheyd umadiisa si ay u helaan madax banaani buuxda iyo u keli ahaansho maamulka dhulkooda, arintaasina waa mid ay ka soo hor jeedeen, kuwa hada ka soo hor jeeda Federaalka, rabana in ay dhiig dad cabaan.
Ustaad Usmaan markii la dilaayey oo aheyd sanadkii 1952-di, dilkiisana waxaa loo kaashadey dad wax ma garad ahaa, amaba calooshood u shaqeysteyaal ahaa.
Ustaad Usmaan asagoo lagu yiqiin xal u helida dhibaatooyinka haysta qowmiyadiisa DigilMirifle, kaashanayeyna cod karnimadiisa, af tahanimadiisa aan waagaasi lagu haynin soomaaliya qof asaga oo kale ah ama u dhigma, amaba u soo dhowaa geesinimadiisa, wuxuu had iyo jeer wadey olole ah xukun federal, si loo kala bad-baado, sharafna loogu kala noolaado dhulka soomaaliya.
Labada asbaabood ee loo diley ayaa ay kala ahaayeen:-
(A) U Doodid Had Iyo Jeer Qowmiyadda Digilmirifle.
(B) U Ban-dhigid Aduunka In Soomaaliya Ay Qaadato Mabda’a Fedelaalka.
Asagoo maalintii la dilaayey uu lahaa duulimaad uu ugu kicitimi lahaa “UN” (Unite Nation-ka) si uu khudbad ooga soo jeediyo, khudbadiisuna ay ku saabsaneyd in soomaaliya ay qaadato mabda’a “Federalizione” iyo sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen soomalida inta dhibaateysan.
Waxaa la gaarey subixii uu duulimaadka lahaa habeenkeedii, ayagoo kuwii diidanaa fikradiisa, oona u cadeyd in ay meel cidla ah fariisan doonaan hadii uu USTAAD USMAAN tago “UN”-ka oo uuna ka soo khudbeeyo, ayaa waxey qaban qaabiyeen shirqool lagu dili karo USTAAD USMAAN inta uusan u duulin UN-ka ka hor, hadii kalese dadaalkooda uu noqon doono hal bacaad ku lis, waxey habeenkii oo dhan waardiye ka hayeen gurigii uu degenaa USTAAD USMAAN oo ku yaaley “VIA ROMA” magaalada Muqdisho, rabeena si ay mar un fursad u helaan oo ay ku dili karaan, si uusan subixii ugu duulin UN-ka.
Goor ay aheyd wakhtigii salaada fajirka “subaxa” loo dareeraayey ayaa USTAAD USMAAN gurigiisa ka soo baxay si uu salaada subax u soo tukado, ka dibna uu isu diyaariyo duulimaadkiisii ku aadanaa UN-ka oo waagaas ku yaaley wadanka “Marooko” magaalo madaxdiisuna aheyd ‘Kaasa-balanka’, UN-kuna loo yaqiiney “LAKE OF NATION”, qoladii habeenkii oo dhan u diyaarsaney si ay u dilaan USTAAD USMAAN ayaa waxa ay heleen fursadii ay ku dili lahaayeen oo ay aheyd asagoo banaanka u soo baxey keligiis, oo uuna ahaa qof aan ku jirin dareen ah in la dili rabo, halkiina cadowgii USTAAD USMAAN ay ku dileen weliba gurigiisii hortiis, markey hubsadeen in uu dhinteyna meeshii ay faraaqeeyeen si aan loo arkin, markii uu waagii si fiican u dilaacayna waxaa la arkey meydkii USTAAD USMAAN oo weliba hor yaala gurigiisa hortiis.
Dilkaas waxashnimada ah ee lagu diley USTAAD USMAAN ayaa ahaa mid lagu rabey in uu socdo boobka dhulkiisii uu u dhashey, umadiisuna aan weligood ka bixin gacanta “Mahaatiri”, waana tan ilaa iyo hadda taal amaba ay ku jiraan umadiisa, ayagoo weliba ku adkeysanaya sidey xididadooda si fiican dhulka ugu qabsan lahaayeen, hada oo la joogo qarnigii 21-aad waxaa weli taal fikradiisii oo loo diley USTAAD USMAAN oo aheyd in soomaaliya qaadato nidaamka Federaalka, kuwii diley aabihii umadda DigilMirifle ayaa ilaa iyo hadda hor taagan federaalkii ayna u diidan yihiin sidii markii hore ay u diidanaayeen, welibana ay u dileen indhihii qowmiyadda DigilMirifla, ayadoo lagu jirey bil RAMADAAN, asaguna soo cusbooneysiiyey fikradii aabihii Umadda DigilMirifle, haleygaasna waxaa la yiraahdaa Dr: AHMED RASHIID.
Qore: Isaak Eeding Hassing (Isak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com