Iyadoo maalmihii la soo dhaafey shir weyn uu mas’uuliyiinta Al-Shabaab uga socdey magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay ayay madaxdii ka qeyb gashay kulankaasi ku jeex jeexeen arrimo badan oo manta dalka uu marayo.
Kulankaas ayaa waxa hadalo ku aadan Dagaalada Al-Shabaab ay ku hoobatay ka jeediyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Ali Dheere iyo Hassan Daahir oo ayaga halkaasi hadalo ku aadan sida loo xoojin karo Dagaaladaasi ka jeediyay goobta waxayna codsadeeyn in laga wada qeyb qaato dagaalada si beel ahaan xitaa oo mar awoodii Shabaabka ee Magaalada Muqdisho loo soo celiyo.
Waxaa la sheegay in ay goob joog yihiin madaxda xarakada Mas’uulka uga ah Gobolada ay maamulaan Kooxda Alshabaab.
Dhanka kale waxaa halkaasi joogo rag la sheegay in ay Qurbo Joog yihiin oo ka kala yimid Wadamada Dibadda.
Ugu dambeyntii shirka waxaa la sheegay in ay ka soo bixi doonaan Fatwooyin ka dhan ah Dagaalada ay wadaa Kooxda Alshabaab ee ku aadan Wadamada Kenya, Ethopia and Amisom iyo Dowladaba
Warar kale, Xildhibaano ka mid ah baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in Gudoomiyaha barlamanka uu diiday in uu furo fadhiyada barlamanka.
Max’ed Nuur Sheegoow oo ah Xilidhibaan ka tirsan barlamanka Soomaaliya oo u waramay Warbaahinta ayaa ku eedeeyey Gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan in uu si cad ah u diiday in uu furo fadhiyada barlamanka Soomaaliya oo mudo badan hakad ku jira.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Gudi uu ka mid yahay ay la kulmeen Gudoomiyaha barlamanka si ay uga dhaadhiciyaan si deg deg ah loo furo fadhiyada Xildhibaanada islamaraakana looga doodo arimo ay ka mid yihiin qorsho howleedka dowladda balse waxa uu tilmaamay in Shariif Xasan uu taasi ka biya diiday sheegayna in aysan muhiim aheyn in laga dooda arintaasi.
Dhinaca kale Xildhibaan Mowliid Macaane oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu codsaday in si deg deg ah loo furo fadhiyada barlamanka, isagoo sheegay in Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamanka aysan go’aan ka gaari karin maslaxada Umada Soomaaliyeed.
Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyay kulamo gooni gooni ah ku yeelanayey magaalada Muqdisho ayaa waxa ay codsanayeen in in la furo fadhiyada barlamanka Soomaaliya.