Ciidammo kala taabacsan maamulka Dooxada Shabeelle iyo kuwa Ahlusunna oo labadaba gacan-saar la leh dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo garabsanaya ciidammo Itoobiyaanka ah ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka oo socday muddo lix saacadood ah ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmada iyagoo aan dagaalamin, inkastoo afhayeen u hadlay uu sheegay inay qaybo degmada ka tirsan ku sugan yihiin.
Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dagaal xoogan kula wareegtay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
“Waxaan Al Shabaab gaarsiiney qasaaro aad u baahsan taasi oo soo dadajisay in ay ka baxaan Magaalada, anaga dhankeena wax sidaa u buuran nama soo gaarin balse waxaan ku xaqiijinayaa inay jiraan qasaaro” sidaa waxa yiri Afhayeenka Dowladda Ethiopia Bereket Simon
Afhayeenka dowladda Ethiopia Bereket Simon ayaa waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkasi oo uu sheegey inay dagaal kaga saareen Xarakada Al Shabaab.
Bereket Simon ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka ay ku qaadeen magaalada Baladweyne ay ku wehlinayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in ay qasaaro balaaran ay gaarsiiyeen Ururka Al Shabaab.
Dagaalka ka dib Ciidamada Itobiya ayaa waxa ay magaalada Baledweyne ka degeen Janta-quindisho iyo meesha maamulka gobolka. Iyadoo dhinacaas oo dhan laga ilaaliyey in ay shcabka soo maraan. Afhayeenka wuxuu kaloo sheegey in ay magaalda Beledweyne ay ku soo rogeen BANDOW.
Dhanka kale, Afhayeen howlgalada ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay xeelad dagaal awgeed uga baxeen degmad Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya ay weerar kusoo qaadeen.
