Archive for January, 2012

Madaweyne Shariif oo golaha amaanka ee QM ka dalbaday in Somalia laga qaado xayiraada hubka ee saaran 20-ka sano

January 31, 2012

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad dheer ka jeediyay shirkii madaxda Afrikaanka ugu soo gabagaboobay shalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid weli cakiran, loona baahanyahay in taagero dhan kasta ah lala soo gaaro dalka Soomaaliya si uu aakhirka ugu guuleysto inuu lgu hiisa isku taago.

Madaxweyne Shariif waxa uu ugu baaqay Midowga Afrika inay kaalin mug leh ka qaataan nabad soo celinta Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday inay ciidamo dheeraad ah u soo diraan Soomaaliya, isla markaasna dalalkii banqaaday inay ciidamo keenayaan Soomaaliya ay soo dedejiyaan.

War deg deg ah: dagaalkii degaanka Jaziira, Al-Shabaab oo maanta dhowr saacadood heyste Jaziira.

January 31, 2012

Saakadii hore ayee aheyd markii Xoogaga Al-Shabaab ey weerar culus kusoo qaadeen duleedka Degmada wadajir gaar ahaan deegaanka loo yaqaan jaziira oo ah deegaan deex, isla markaana loogu bartay wax soo saarka Milixda, halkaasi oo dagaal culus uu ka dhacay.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerarka ku soo qaaday fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen Ciidamada gaarka ah ee ka howlgala degmada Wadajir, taasi oo dhalisay in labada dhinac uu dagaal culus halkaasi ku dhex maro.

Dagaalka oo ahaa mid ladaba dhinac ay isku adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala gedisan, ayaa waxaa suura gashay in Ciidamada Al-Shabaab ee halkaasi weerarka kusoo qaaday la wareegaan deegaankaasi isla markaana muddo ay ku sugnaadaan.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa dhufeesyo ka sameestay daaro dhaa dheer iyo dalcado halkaasi ku yaala, iyagoona qoryaha BKM-ka loo yaqaan iyo Madaafiicda garbaha laga tuura halkaasi la koray, taasi oo sahli weysay in Ciidamada Maamulka degmada wadajir ay u babac dhigaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Cutubyo ka tirsan Millitariga Dowlada KMG ee Soomaaliya, isla markaana ay hor kacayeen Abaanduulaha Ciidanka Xooga Gen. dhaga-badan iyo Gen. Gacma dulle, ayaa dagaalkaasi ku biiray iyadoo sidoo kale la sheegay in dagaalka ay ku biireen Ciidamo ka tirsan kuwa Brundi oo fariisin ku leh meel aan sidaa ugu dheereen deegaanka Jaziira.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa ka baxay goobihii ay qabsadeen, iyagoona dib u gurtay ka dib markii dagaal culus ay kala kulmeen huwanta is baheysaneesa, iyadoona warar saacadihii ugu danbeeyay nasoo gaaraya ay sheegayaan in dagaalka la iskala tagay deegaanka jaziira, isla markaana rasaasta la isla tagay deegaanka Baqal ee dhinaca koonfur galbeed ka sii xigta deegaanka Jaziira.

Saraakiisha labada dhinac kala hogaamineesa ayaa sheegey in ilaa 8 Sideed) oo ka tirsan labada dhinac ay ku dhinteen isla markaasna ay 10 (toban) ku dhaawacmeen.

War deg deg ah: Gen. Cabdi-Qeybdiid oo maanta ka fakadey weerar is-qarxin ah ay Al-shabaab ku qaadey gurigiisa

January 31, 2012

Gen. Cabdi-Qeybdiid oo maanta ka badbaadey weerar is-qarxin ah ay Al-shabaab ku qaadey gurigiisa ku yaala GAALKACAYO ee PUNTLAND.

Weerar iyo Qarax ay soo qaadeen labo nin oo ka tirsan AL-shabaab oo ahaa Ismiidaamin uu ka dhacay Guriga uu Magaalada Gaalkacyo Koonfurteeda ka daganyahay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Weerarkaasi ayaa ku geeriyoodeen tiro dad ah uu ku jiro ninkii is qarxiyay iyo kii la socdey iyo sedex ka mid ah ilaalada Guriga Cabdi-qeybdiid, sidoo kale Darawalkii Cabdi Qeybdiid tira kalana uu dhaawacyo kasoo gaaray.

Gen. Cabdi Qeybdiid oo ka badbaadey dilkii maanta ay AL-SHABAAB u geysan lahaayeen ayaa sharaxaad ka siiyey idaacadaha sida WAAJIDPRESS, VOA< BBC, wuxuuna yiri:

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Weerarkaasi lagu dili rabay uu fashilmay kana hortageen Ciidamada ilaalada u ahaa oo fashiliyay ninkii doonayay in uu isagu isku qarxiyo kuna toogteen gudaha gurigiisa .

Waxa uuna sheegay in labo nin ahaayeen raga weerarka soo qaaday mid kamid ahna uu isku soo xiray Walxaha qarxa gudahana usoo galay gurigiisa balse ee toogteen ilaaladiisa kadibna uu goobtaasi ku qarxay ninkii walxaha qarxa ku xirnaayeen halka kii kalana uu dilay mid kamid ah ilaaladiisa uuna goobta kabaxsaday.

Janaraal Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Raga weerarka geesteen ee mudo meereesanayeen ilinka hore ee gurigiisa ,xiliga ee weerarka geesanayeen uu kusugnaa gudaha gaar ahaan qolka fadhiga isaga iyo rag kale oo Odayaal iyo Masuuliyiin ah kulana ku lahaayeen guriga .

Waxa uuna sheegay janaraalka in Weerarkaasi ku dhinteen ilaa 4-Qof oo labo kamid ahaayeen ilaaladiisa iyo Ninkii Weerarka ismiidaaminta ahaa fuliyay iyo gabar guriga banaankeeda ku sugneed.

Janaraal Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Weerarkan la doonayay in lagu qaarajiyo uu ku tuhmayo kooxda Al-Shabaab iyo Al-Qaacida oo iyaga looga bartamay sida uu sheegay falalkan guracan ee ceenkaas oo kala ah.

Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi uu fuliyay walaal kamid ahaa Shabaab kana tirsanaa guutayada Isqarxinta ee Shabaab u yaqaanaan Istashhaadiya qasaaro xoogan uu gaarsiiyay qaar kamid ah ilaalada cabdi qeybdiid isagan uu goobtaasi ku shahiiday.

waa weerarakii ugu horeeyay ee nuucaan ah ee ka dhaca Maamulka Galmudug oo ka arimiya Koonfurta Magaalada Galkacyo

War deg deg ah: Al-Shabaab oo Saaka Waaberigii Soo Weeraray Xeebta Jasiira ee Magaalada Muqdisho

January 31, 2012


Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii weerar ku soo qaaday fariisimo ciidamada DKMG iyo AMISOM ku leeyihiin duleedka xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ayaa iska caabin kala hortegey weerarka jarmaadka ah ee Al-Shabaab ay soo qaadeen, sida ay xaqiijiyeen dad degaan xaafado u dhow deegaankaasi.

Dagaalka ayaa socday qadar saacad ka badan, waxaana aroornimadii hore la maqlayey hubka culus.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo militari oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho iyo kuwa dawlada, waxayna warbaahntaasi sheegtay in weerarkaasi uu sababay khasaare soo gaaray AMISOM iyo ciidamada DKMG ah.

Ma jiraan wax saraakiil oo dhanka dawlada iyo AMISOM uga hadashay weerarka saaka.

Wararka deegaanka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in xaalada ay haatan degan tahay, isla markaana uusan jirin wax khasaare ah oo dad rayid ah ka soo gaarey dagaalka.

DAAWO: SIDII AY GABDHIHII SOOMAALIYEED U HALAABEEN

January 31, 2012

Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo oo ugu Baaqay Dowladda KMG in ay La Xaajooto Alshabaab

January 31, 2012

Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo), ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dowladda KMG in ay wadahadal la furaan xoogaga Alshabaab ee dagaalka kula jira.

Raysul wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Alshabaab ay ku jiraan rag ogol wadahadalka, waxaana uu ugu baaqay dowladda KMG in ay ku qanciso dhalinyarada sidii ay hubka u dhigi lahaayeen islamarkaasina uga mid noqon lahaayeen dowladda KMG.

Raysul wasaarahaa ayaa sheegay in xilligii uu xilka u hayay dowladda KMG ay jireen dhalinyaro tiro badan oo kusoo biirtay dowladda KMG, isagoona sheegay in ay haatanna jiraan rag badan oo weli kusoo biiraya dowladda KMG, arintaaso oo uu sheegay in ay tahay fursad wax looga dhaadhicin karo kuwa kale ee weli hubka sita.

Raysul wasaare Farmaajo ayaa mudadii uu xilka hayay siweyn ula dagaalamay musuqmaasuqa, iyadoona uu si habsami leh uga shaqeysiiyay dhamaan wasaaradihii kala duwanaa ee dowladda KMG, waxaana ay arintaasi siweyn usoo jiidatay dareenka umadda Soomaaliyeed oo iyagu aan in mudo ah arkin masuul si daacad ah u gudanaya xilka uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Farmaajo oo isagu xilka iska casilay kadib cadaadis xoogan oo uu kala kulmay beesha Caalamka, ayaa waxa iscasilaadiisa si kulul uga soo horjeesatay bulshaweynta Soomaaliyeed, iyadoona ay jireen mudaaharaadyo isxigxigay oo ka dhacay qeybo badan oo katirsan gobollada dalka iyo dibada, waxaana ay dad badan aaminsanaayeen in uu wax weyn ka badali lahaa siyaasadda Soomaaliya ee jahwareerka ku jirtay mudo ka badan 20 sano.

War deg deg ah: FARMAAJO oo laga cabsi qabo in Maxkamad Caalami lasoo Taago”War Culus

January 30, 2012

Warar hoose oo aan helnay ayaa shegaya in Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan sheekh Aadan dacwad kadhan ah Ra’isulwasaarihii hore Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo ugudbiye Midowga Africa iyo qaramada midoobe waxaana arinkaan noo xaqiijiye xildhibaanada sida aadka ugu dhow dhow shariif xasan.

Shariif xasan ayaa waraaqdiisa ku qoray ashtako kadhan ah Farmaajo waxaana oo sheegay in khilaafka barlamaanka xiligaan kadhex taagan oo wado asaga isla markaa xildhibaanada kharashaad aad u farabadan kubixiyo sidi loo kale qeybin lahaa.

Waxa oo kale oo sheegay in dhibaato xoogan kuhaayo hirgelinta Roap Mapka isla markaa caqabado farabadan kahordhigo waxaana oo hoosta kaxariiqay in xiligaan oo wado qorshayaal shacabka soomaaliyeed wax xun laga fahansiinaayo shirka kadhacaayo bisha soo socota 23 magaalada London.

Ugu danbeyntii arinkaan ayaa imaaneyso xili Farmaajo kusuganyahe dalka Sweden halkaas oo kulamo kula leeyahe aqoonyahano somaliyeed asagoo kawarbixiye shirka kadhacaayo London oo kusheegay in soomaalida wax dan ugu jirin waxayna imaneysaa ayadaoo Farmaajo lagu war geliye in aan siyaasada soomaalida faraha lasoo geli karin isla markaa dalka oo isaga tago lagu soo hishiiye Magaalada Kampalla ee dalka Ugandha waxaana laga yabaa in qaramada midoobe iyo Midow-ga africa maxkamad soo tagaan farmaajo hadii kuhelaan edeymahaan.

War Deg Deg Ah Ciidamadii ugu Badnaa oo Itoobiyaan ah oo wata Gaadiidka Dagaal iyo Taangiyo oo u dhaqaaqay Gobolka Bay maanta

January 30, 2012

Wararka naga soo gaarayo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Degmadaasi ka dhaqaaqeen Ciidamadii ugu badnaa oo Itoobiyaan iyo kuwo DIGIL & MIRIFLE ah oo gaaraya 8000 kuwaa oo ku hubeesan gaadiidka Dagaalka iyo tiro Taangiyo ah.

Ciidamada DIGIL & MIRIFLE iyo kuwa Soomaalida kale oo la socda Itoobiyaanka ayaa hogaaminaya Gen. Maadeey ali Jiroomow iyo Kiish Buur oo labadaba ka tirsan DFKMG Soomaaliya.

Ciidamadan tirada badan ALLAHA shacabka ha ka badbaadiyo ayaa la soo sheegaya in ay afka saareen ama u dhaqaaqeen Gobolka Bay kaas ay inta badan maamulaan Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa la sheegay in waayadaan danbe ee ku jireen Diyaar garow Dagaal markaan u soo ruqaansadeen sidii Gobolka Bay u weerari lahaayeen iyadoona dadkii arkay soo sheegayaan in Ciidamadan ee ka muuqato Diyaar garow dagaal kii ugu danbeeyay.

”Waxaan aragany Ciidamo badan aan tirin weynay iyo Gawaari Dagaal iyo Taangiyo faraha ka batay kuwaa oo noo sii dhaafay dhinaca iyo Gbolka Bay iyo Bakool ”ayuu yiri qof goob jooge ah oo Warbaahinta la hadlay.

Saraakiil sar sare oo Shabaab ka tirsan ayaa geeskooda sheegay in ay ka warhayaan Dhaq dhaqaaqa iyo Duulaanka Ciidamada Itoobiya eena doonayaan in ee ka hortagaan oo iska difaacaan.

Ciidamadan Hada ku wajahan Gobolka Bay ayaa la sheegay in ee qeyb ka yihiin Ciidamo DIGIL & MIRIFLE badan oo Dhawaan qeybo kamid ah Gobolka Gedo kusoo bandhigay Dhoolo tusyo Miltari ee ku muujinayeen awoodooda Milatari.

Dhawaan ayey aheed marki uu Shaaciyay Wasiirka Arimaha Dibada e Dalka Itoobiya Heyle Maryam in diirada u saaran tahay ciidankooda eena weerari doonaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay si Al-Shabaab uga saaraan.

Waxaana hada Dhaq dhaqaaqan Ciidamada Itoobiya bilaabeen Cabsi badan ku abuurtay dadka ku dhaqan Gobolada Bay Bakool iyo Gedo kuwaa oo ka cabsi qaba in Dagaalo Culus Goboladaasi ku dhaxmaraan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab.

War deg deg ah: Israsaaseyn uu ku dhaawacmay Fanaanka Caanka ah Cabdi Tahliil oo ka dhacay Degmada Wardhiigley

January 30, 2012

30.January.2012:- Iska hor imaad u dhexeeyey Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Ex-fiyoore Degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir.

Wariyeheenna Nuur Shariif Shaacir oo ku sugan nawaaxiga halka uu iska hor imaadku ka dhacay ayaa waxa uu soo sheegayaa in iska hor imaadkaasi uu u dhexeeyey Ciidmo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya uuna ku dhaawacmay Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame.

Waxa uuna iska hor’imaadku ka dambeeyey kaddib markii ismaandhaaf uu soo kala dhex Ciidamada israsaaseeyey kaa oo ku qotomay is qab qabsi dhanka guriyaha ah kaddib markii Dowladda KMG Soomaaliya ay shaacisay in laga boxo guryaha Dowladda.

hal ruux ayaa geeriyooday oo ka mid ahaa Askarta israsaaseyntu dhexmartay waxaana uu dhaawac fudud ka soo gaaray Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame.

Fanaanka ayaa xilliga uu dhaawacmayey waxa uu ku sugnaa sida wararku ay sheegayaan meel aan ka fogeyn goobta israsaaseyntu ka dhacday ee Ex-fiyoore oo ah goob hooy u ah Fanaaniin iyo abwaaniin ka tirsan Hobolada kala duwa ee Soomaaliyeed.

Durba diiba waxaa goobta soo gaaray masuuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Maalin waxa ayna kala dhex galeen Ciidankii israsaaseyey.

Xaaladda ayaa haatan waxa ay tahay mid deggan waxaana caadi ku soo laabtay isku socodka dadka iyo ganacsiga oo intii israsaaseyntu socotay hakad galay balse durbadiiba dib u bilowday Xaaladduna haatan waa mid hagaagsan.

War deg deg ah: Xildhibaano Taageersanaa Shariif Xasan oo kasoo goostay ku biiray Garabka Madoobe Nuunow Maxamad

January 30, 2012

Waxaa Maanta Garabka uu Hogaamiyo Baarlamanaka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamad kusoo biiray dhoor xildhibaan oo horey ugu fikir ahaa Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanadan kasoo baxay Garabka Shariif Xasan oo gaarayay ilaa labo Xildhibaan ayaa maanta waxa ee ka qeyb galeen kulankaa ee Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka kaa oo looga hadlayay ajandayaal kala duwan.

Sheekh Xuseen oo kamid ahaa Xildhibaanadii taageersanaa Shariif Xasan oo maanta ka hadlay Kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in ee kasoo tageen Garabkaasi kadib markii ee arkeen sida ee wax u socdaan eena go’aansadeen in ee kusoo biiraan Garabka uu Hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamad oo ku taagan sharciga sida uu sheegay.

Waxaa maalmahan Muqdisho si weyn uga socda kala iibsi Xildhibaanada ,waxa eena labada Nin ee isku haya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka mid waliba uu doonayaan in Xildhibaanada taageeradooda uu helo eena garab istaagaan si uu ugu shir tago.

Shariif Xasan ayaana hada u muuqda mid si tartiib tartiib ah saaxada uga baxaya iyadoo isa soo dhimayaan taageerayaasha uu ku leeyahay Baarlamaanak Soomaaliya oo dhawaan cod aqlabiyad leh ku doortay Madoobe Nuunow Maxamad in uu Gudoomiyo noqdo kadib markii xilkii ka qaadeen Shariif Xasan.

loolanka labada dhinac ayaa ah mid waliba socda ahna faanoole fara kama qoda ,waxaan hada Xarunta Golaha Shcabaka la wareegay oo maalin walba ku shira Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Cusub Madoobe Nuunow Maxamad.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 51 other followers