War deg deg ah: Mareykanka oo xoog ku furtay Shaqaale Ajnabi ah oo kooxo burcadbadeed ah ugu afduubnaa Bartamaha Soomaaliya

Howlgal ay ka qaybgaleen lix diyaradood oo nooca qumaariga u kaca ah (Helicopter) oo Mareykanku leeyahay ayaa xoog ku furtay laba shaqaale ah oo u shaqeynayay hay’adda miino-baarista dalka Denmark ee DDG, kuwaasoo sannadkii hore laga afduubay degmada Gaalkacyo xilli ay doonayeen inay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha degmadaas.

Weerarka oo xalay saqdii dhexe la fuliyay ayaa wuxuu ka dhacay lagu magacaabo Far-caano oo u dhexeeya degmada Gallinsoor iyo degmada Cadaado waxaana lagu dilay sagaal ka mid ah kooxihii burcadda ahaa ee haystay labadan shaqaale.Sidoo kale, wararku waxay xaqiijinayaan in shan ka mid ah burcadbadeedda iyagana gacanta lagu dhigay, balse lama sheegin khasaare soo gaaray ciidamadii howl-galka fuliyay.

“Labada qof oo nabad-qaba ayaa laga soo saaray kooxaha burcadbadeedda ah gacantooda, waxaana isla xalay ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo diyaarado uu Mareykanku leeyahay,” ayuu yiri suxufi ku sugan degmada Gaalkacyo oo la hadlay WAAJIDPRESS.

Howlgan waxaa lagu diley 8 ka mid kuwii afduubka u heystay shaqaalaha hay’adaas, iyada oo la sheegey in mid walba xabada kaga taalay madaxa.Poul Thisted oo nin u dhashay dalka Denmark oo 60-jir ah iyo Jessica Buchanan oo ah gabar u dhalatay Mareykanka oo da’deedu tahay soddomeeyo iyo ruux Soomaali ah oo la socday ayaa waxay kooxaha burcadbadeedda ah ka afduubeen Koonfurta Gaalkacyo 25-kii bishii Oktoobar ee sannadkii hore, waxaana tan iyo xilligaas ay ku jireen gacanta afduubayaasha.

Lama sheegin in howlgalka lagu soo furtay ruuxa Somaaliga ah ee la afduubnaa labadan qof iyo in kale. Iyadoo saraakiil Mareykan ah ay sheegeen in labadan qof ee ajnabiga ah la geeyay saldhig uu Mareykanku ku leeyahay dalka Jabuuti.

Kooxaha burcadbadeedda ah ayaa waxay ku xireen sii daynta labadan qof ee ka tirsanaa shaqaalaha DDG malaayiin doollar oo madaxfurasho lacageed ah, basle ma jirin cid ka jawaabta lacagtaas.

Ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxay sannadkii hore dhammaadkiisa kula dagaalameen deegaannada ay maamulaan kooxaha xoogga looga furtay shaqaalaha DDG ka tirsanaa, waxaana iskahorimaadkaas lagu dilay laba ka mid ah kooxaha burcadda ah, waxaana lagu dhaawacay dhowr kale.

Guuxa diyaaradaha ayaa xalay oo dhan laga maqlayay gudaha degmada Gaalkacyo iyadoo waxayna ahayd markii ugu horreysay oo diyaarado joog hoose ku socda lagu arko degmada Gaalkacyo tan iyo markii la dhisay maamulka Galmudug.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Ciidamo gaar ah oo watay ilaa lix diyaaradood oo nuuca qumaatiga u kaca ee Helcoptariska ah howlgal ay ka sameeyeen gudaha Soomaaliya ay kusoo furteen la haystayaal u kala dhashay wadamada Maraykanka iyo Denmark.
Saraakiil u hadlay dowladda Maraykanka ah ayaa Tv- laga leyahay dalkaasi u sheegay in intii howlgalkaasi uu socday ay dileen ilaa 9-burcad badeed Soomaali ah kuwaasi oo afduub u haystay shaqaalahaasi u howlgalayay Hay’adda ku shaqo leh miino baarista oo lagu magacabo DDG oo ka howlgasha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.