War deg deg ah: Sheekh Shariif iyo C/wali oo u kala anbabaxay Ethiopia iyo Talyaaniga

Wafdi ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta ukala anbabaxay dalalka Ethiopia iyo Talyaaniga halkaasi oo ay ka dhacayaan kulamo ku saabsan arimaha Soomaaliya.

Wafdigaani ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta ukala anbabaxay dalalka Ethiopia iyo Talyaaniga si ay uga qeyb galaan kulamo ku saabsan arimaha Soomaaliya oo dalalkaasi ka dhacaya.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegay in uu ka qeyb galayo Shir madaxeedka Ururada Midowga Afrika iyo IGAD kaasi oo bari ka furmaya magaalada Addis Ababa loogana hadlayo arimaha gobolka gaar ahaan arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihihiin hormarka dhinaca amaanka oo ay gaartay dowladda KMG iyo sidii dalka intiisa kale ay uga howlgali lahaayeen ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale Ra’’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali oo isna la hadlay Saxaafadda iyo WAAJIDPRESS ka hor inta uusan ka anbabixin magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu casuumaad qaadanaysa mudo 3 maalmood uu ka helay dowladda Talyaaniga, isagoo sheegay in halkaasi uu kula kulmi doono Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka arimaha dibadda dowladaasi kuwaasi oo Ra’iisul wasaaraha uu sheegay in ay ka wada hadli doonaan sidii loo taageeri lahaa geedi socodka Nabadda Soomaaliya iyo arimo kale.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.