Ra’’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa isku shaandhayn ku sameeyay wasiiro ku xigeenada iyo wasiiro dowlayaasha Xukuumadda KMG Soomaaliya kadib markii ansixiyay Madaxweynaha.
Iyadoo maalmihii u dambeeyay la hadal hayey in isku shaandhayn lagu samaynayo Golaha wasiiradda Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa kasoo baxay Warsaxaafadeed ku saabsan isku shaandhayn lagu sameeyay wasiir ku xigeenada iyo wasiiro dowlayaasha Xukuumadda KMG Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali ayaa waxaa lagu sheegay in isku shaandhaynta uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha uu ansixiyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana loogu dhawaaqay liiska wasiiradda oo gaaraya 18 sida tan.
1 Mudane C/kariim Cabdi Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Madaxweyna.
2 Mudane Cali Nuur Ducaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha.
3 Mudane Cabdi Cali Xuseen waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.
4 Mudane Ibraahiim Suleeymaan Xaaji Nuur, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.
5 Mudane Axmed Xasan Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga qeyraadka Badda iyo Bay’adda.
6 Mudane Axmed C/llaahi Xuseen {Fanax] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.
7 Mudane Max’ed Cumar Max’ud, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka.
8 Mudane Xirsi Aadan Rooble waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo xanaadada Xoolaha.
9 Mudane C/qaadir Maxamed Barre, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sarre.
10 Mudane Axmed Maxamuud Axmed, {Yaaqshiid}, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamanka iyo xukuumadda.
11 Marwo Luul Cabdi Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska.
12 Mudane C/llaahi Sheekh Cali [Qaloocoow] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada Dhalinyarada iyo isboortiga.
13 Mudane Xasan Maxamuud Jimcaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.
14 Mudane Macalin Cali Aadan Cabdi waxaa loo magacaalay wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta.
15 Mudane C/kariim Xaaji Cabdi [Buux] waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.
16 Mudane C/nuur Sheekh Ibraahin Rooble waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada.
17 Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.
18 Marwo Muna Ibraahim Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska.