Afayeenka Alshabaab Sheikh Cali Maxamuud raage “Cali Dheere” oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha Afka Alshabaab ayaa ka hadlay soo gelitaanka Ciidamada Ethiopia magaalada Beledweyne.Afayeenka Alshabaab ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay ka faa’iidaysteen markii maalmihii ugu dambeeyey ay qabyaalad soo kala dhexgashay Ummada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay,isagoo intaa ku daray inay Itoobiyaanku yaqaanaan Alshabaab laakiin ay maalmahaan jiifteen kana faa’iidaysteen Itoobiyaanku.
Cali Dheere ayaa Shacabka ugu baaqay inay isu diyaariyaan dagaal looga saarayo Itoobiyaanka Magaalada Beledweyne sida uu hadalka u dhigay, isagoo ku goodiyey in ay ka saari doonaan Ciidamada Itoobiya Beledweyne.
Dhanka kale Cali dheere ayaa ka hadlay Ciidamada Kenya oo tan iyo markii ay Soomaaliya soo galeen uu howlgalkoodu 100 maalin jirsaday ,isagoo sheegay in ay awoodi waayeen ciidamada Kenya inay soo dhaafaan Deegaanada Qooqaani iyo Taabto waxana uu sheegay inaysan awoodin inay isaga gudbaan labada Deegaan ayagoo ka cabsanaaya Ciidamada Alshabaab sida uu warka u yiri.
Kenya ciidamadeeda ayaa u buuxsantay 100 Maalin tan iyo markii ay soo galeen Soomaaliya bishii Octobart waxaana dhowr degmo kala wareegeen Ururka Alshabaab, duqaymo dad rayid ah ay ku geeriyoodeene u geystay Tuulooyin iyo Degmooyin kala duwan taas oo keenta inay dhaleeceyn ay kala kulmeen gudaha iyo Dibadda.