Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Maalmahan ka caagan Safaradii Dalka Dibadiisa(Sababtu maxaey tahay)

Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahan Noqday guri joog isaga oona ka caagan in uu dalka dibadiisa u baxo arimo jiro owgeed.

Shariif Xasan ayaana horey looga bartay in uusan labo isbuuc oo isku xigta Muqdisho ku sugnaan Safaro dalka dibadiisana mar walbo diyaarad usii raaci jiray balse taasi hada ee meesha ka baxday .

Waxa eena aheed Safarkii ugu danbeeyay uu Shariif ku baxo kii uu ku qasaaray ee lagu af ganbiyay kuna aaday Dalka Talkyaaniga xiligaas oo xilka Gudoomiyaha laga qaaday isaga oo Talyaaniga kusugan.

waxaii xiligaasi ka danbeeyay markii Shariif Xasan oo Muqdisho dib ugu soo laabtaay safar dibada uma bixin waxa uuna kusugan yahay Xaruntiisa Villa Hargeysa halkaa uu ku hoolan yahay qorsho uu ku doonayo in uu ku kala furo xildhibaanadii xilka ka qaaday.

Waxa uuna inta badan Shariif Xasan hada waqtigiisa ku lumiyaa sidii uu ugu sii fadhin lahaa Kursiga Gudoomiyah Baarlamaanka oo hada muran laga galiyay uuna ku fadhiisatay kursigaasi Ninka ee jaalka yihiin ee Madoobe Nuunow Maxamad.

Waxaa hada aad u yar rajada ah in Shariif Xasan uu shir gudoomiyo Baarlamaanka Soomaaliya inta uu tago xarunta Golaha Shacabka oo hada xarun ee mar walbo ku shiraan u ah garabka Gudoomiyaha Baarlamaanka u doortay Madoobe Nuunow Maxamad.

Xarunta Villa Hargeysa waxaa maalin walba isugu taga xildhibaano aan sida au badneen kuwaa oo taageero u muujiyay Shariif Xasan una aqoonsan Wali Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya .

kahor intii aan xilka laga Qaadin Shariif Xasan kama dagi jirin Diyaaradaha waxa uuna noqday Gudoomiyihii Baarlamaan ee Soomaaliya kaalinta koobaad ka gala safarada dalka dibadiisa iyo Dalxiiska.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.