War deg deg ah: Ciidamo Ethopian ah oo hor leh oo ka soo gudbaya xadka Dolow ee Soomaaliya

Ciidamo Ethopian iyo kuwo DIGIL & MIRIFLE ah oo wata Gadiidka Dagaalka sida Taangiyo iyo gawaaridii u xambaari lahayd goobaha Fog Fog ayaa hareeyay saaka buundada isku xirta labada Dolow ee Dalalka Ethopia iyo Soomaaliya.

Ciidamadan ayaan la ogeyn halka ay saaka ku wajahan yihiin, hase ahaatee waxaa hadal haynta ugu badani sheegaysaa in ay ku wajahan yihiin Degmada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay oo ay haatan gacanta ku hayaan Xarakada Alshabaab.

Guud ahaan waxaa la xanibay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo midka ganacsiga ee Degmada Dooloow Gedo Soomaaliya waxaana gaaf wareegaya gudaha Dolow Somaliya Ciidamo Ethopian ah oo aad u muujinaya Feejignaan .

Warar aanu ka helayno dadka u dhuun daloola xaaladaha iminka ee dagaalka Gobalka ayaa sheegaya in ciidamadani ay yihiin kuwii ugu badnaa ee dhawaanahan ka soo gudba xadka kala qaybiya Dalalka Soomaaliya iyo Ethopia.

Waxaa la filayaa dhaqdhaqaaqani oo soo bilowdey 8:00 Subaxnimo in uu qaadan doono ilaa 2:00 Duhurnimo ee maanta xadiga ciidamada iyo gaadiidka dagaalka oo badan aawadii.

Tanina waxa ay imaneysaa xili ay dagaalada Gobalka ee lagula jiro Al-shabab ay si kordhayaan isla markaana ay soo baxayaan talaabooyin muujinaya sii wiiqitaanka Awoodii Al-shabaab.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo shalay Galab Shir ku qabtay Magaalada Adis Ababa ayaa sheegay in Ciidamadooda ay tagi doonaan Gobolo hor leh oo kabaxsan Gobolka Hiiraan isla markaana ay la dagaalami doonaan Al-Shabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.