War deg deg ah: Ethiopia oo sheegtay in aysan ka baxeynin Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi oo Saxaafadda kula hadlayey magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in ciidamadiisa ay kusii sugnaan doonaan gudaha dalka Soomaaliya inta ay ciidamo ka socda AMISOM ay kala wareegayaan goobihii ay ka qabsadeen Xarakada Al Shabaab.

Ra’’iisul wasaare Meles Zenawi ayaa waxa uu tilmaamay inay dowladiisa taageero buuxda siineyso dowlada KMG Soomaliya hadii ay ka dalbato waxaana uu ka dhawaajiyey in Al Shabaab ay qatar ku yihiin amaanka geeska Africa.

“Waxaan filaynaa in ciidamo ka socda midowga Africa ay soo gaaraan goobaha aan ka qabsanay Xarakada Al Shabaab” sidaa waxaa yiri Ra’’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Ethiopia oo u waramayey Reuters ayaa waxa uu sheegey inay dowladiisa ka fakireyso weerar ay ku qaado magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab. Waxaan kaloo fiirineynaa cadaadiska iyo dhibka ay AL-SHABAAB ku heyso qabiilka SOOMAALIYA ugu tirada badan ee DIGIL iyo MIRIFLE. ayuu intaas raaciyey Wasiirka Arimaha dibada ee Ethiopia.
Sanadkii 2006-da ayey ahayd markii ciidamo badan oo ka socda Dowladda Ethiopia ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya xiligaasi oo ay meesha ka saareen midowgii Maxkamadaha oo inta badan ka talinayey koofurta dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.