Xildhibaan lagu magacaabi jiray Bile Maxamuud Yuusuf (Cidlo u carar) oo ka tirsanaa xildhibaannada baarlaanka ee maamulka Puntland ayaa caawa lagu dilay koontaroolka deegaanka Baargaal ee gobolka Bari, iyadoo sidoo kalena la dhaawacay wadihiisii iyo qof kale oo la socday.Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in gaariga xildhibaanka rasaas lagu furay xilli uu ka yimid degmada Caluula oo uu soo galayay deegaanka Baargaal ee gobolka Bari.
Jawaahir Aw-Macallin oo ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka Baargaal ayaa xaqiijisay geerida xildhibaanka.
Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin ka ambabaxay magaalada Boosaaso, kuwaas oo ka shaqeynayay in la wanaajiyo xiriirka degmooyinka gobolka Bari qaarkood iyo maamulka Puntland oo uu madmadow soo kala dhex galay.