Muqdisho : Xildhibaanadaani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya kana soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee dalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacayey deegaanadaasi.
Xildhibaan Xaaji Cabdi Max’ed Cali ayaa waxa uu sheegay in dulmi bareer ah lagu soo weeraray shacabka ku dhaqan deegaanada ku yaalla goboladaasi oo uu sheegay in ciidamada Somaliland ay waxyeelo kala duwan u gaysteen shacabka ku dhaqan goboladaasi oo ay ka go’an tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu intaasi raaciyay in aan marna la aqbali karin in la hor istaago rabitaanka shacabka oo ah mid muqadas ah.
Xaaji Cabdi Max’ed ayaa waxa uu xusay in dhaqaalaha Somaliland ay ku dagaalanto uu kasoo galo wadamada deeqaha bixiya iyo Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla deegaanada Maamulkaasi, isagoo shaaca ka qaaday in dhaqaalihii loogu tala galay in lagu caawiyo dadka danyarta ah in Maamulkaasi uu kusoo iibsado hub iyo saanad Milatari, waxaana uu ugu baaqay beesha Caalamka in ay wax ka qabato dhibaatooyinka Somaliland ay ku hayso shacabka doonaya midnimada Umada Soomaaliyeed.
Xildhibaan Deeq Xaaji Cumar oo isna kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in beesha Caalamka iyo dowladda KMG Soomaaliya ay xadidaan dhaqaalaha maalin walba logu laynayo shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaasi ku nool kuwaasi oo rabitaankooda uu yahay midnimada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Dhawaan ayey ahayd markii dagaal u dhaxeeyay Maamulka Somaliland iyo meeleeshiyaad deegaanka ah oo taabacsan Maamulka Qaatuma ee dhawaan looga dhawaaqay goboladaasi uu ka dhacay duleedka degmada Buuhoodle kaasi oo gaystay qasaaro soo gaaray dad shacab ah.