Saxaafiyada Caasha Cuud oo jiidatay dareenka bulshada Soomaaliyeed

20 Febaury 2012 Barnaamijka Cawayska Washington ee ka baxa idaacadda AFka Somaliga VOA ayaa jiitay dareenka bulshada Soomaaliyeed oo si weyn uga helay habka ay Saxaafiyadda Caasho Ibrahim Aden (Caasho Cuud) u daadihiso.
Saxaafiyad Caasho cuud oo ah gabadh ku soo barbaartay Idaacadda Radio Muqdisho Codka Shacabka waxay isku darsatay Cod cajiiba,aftahanimo iyo soo saaris barnaamij xiiso leh.

Caasho Cuud marka ay daadihineyso barnaamijka Cawayska Washington waxyaabaha bulshada jiitay waxaa ka mida qaabka turxaan bixinteeda ee barnaamijkeeda looga xiiso dhaceen.

Fanaanka ay Wareeysaneyso oo laga yaabo inuu gaboow dartiis heesta uga xishoodo inuu qaado ama ay suurtagal tahay inuu iloobay heesta luuqdeeda ayey Saxaafiyada heesta u qaada taas oo durba qofka ay wareeysaneyso ku qasbo inuu heestii la qaado.
Caasho Cuud maaha Saxaafiyad kaliya hasse yeeshee waa Fanaanad cod macaan oo aan masrax tegin wali,waxaana dad badan jiitay duurxulkeeda heesaha iyo sida ay fanka u taqaan.

Caasho Cuud waxay sameeysaa farsamooyin cajiiba oo laga xusi karo in Fanaanka ay wareeysaneyso si Live ah u dhageeysiiso heesta uu qaado,waana cilmi la barto ama caqli loo dhasho oo qofka la wareeysanaya ku qasbayo inuu dareenkiisa qofeed kaco ama si kooban loo dulgeeyo waayo xasuus badan.Dhinaca Kaftanka marka laga eego Caasho waa gabadh furfuran oo bulshaawiya,waxay arrimaha siyaasada ka jeceshahay madaadalada qosolka,kaftanka iyo hal xiraalaha.
Wariyeyaasha la soo shaqeeyay Caasho waxay ku amaanaan inay tahay Kiyaawa Ingiriis,qof jili taqaan barnaamij kasta sida war akhrin,war soo saarista,barnaamij arrimo bulsho,dood siyaasadeed,Caafimaad iyo Sports.
Barnaamijka Salaamaha marka ay Caasho ku qoran tahay Radio Muqdisho wuxuu ahaa mid aad loo jecel yahay.
Caasho Cuud oo aysan jirin gabadh kula tartami karta dhinaca codka ama balaaqada waxay bulshada barnaamijyadeeda ku deeqsiisaa hab fudud oo qosol iyo xiiso badan.
Caasho Ibrahim Aden xigmad aan ku xasuusto oo ay igu tiri 2001 waxay ahayd” SHALAYNA BUURTII,MAANTANA BACAADKA,ILAAHOOW BERRI MEEL WANAAGSAN”
Xigmadaan oo sideey u tiri alle ugu aqbalay,qof walboow adigu isweydii waxay kala jeeday.

About these ads

One Response to “Saxaafiyada Caasha Cuud oo jiidatay dareenka bulshada Soomaaliyeed”

  1. jamalamcn@gmail.com Says:

    Anigoo ah Abdirizak Ibrahim Mohamoud ku nool somalia gaar ah gobolada puntland gaar ahaan Magalada Bosasso waxaan runtii aad ula dhacay ama aan u xiiseyaa Cashi Ibrahim Adan (Aisha CUUD) Si walaalnimo ah si somalinimo ah Runtii marka ay Barnamijka Casho ku jirin ma xiiseyo Casho noolooow Waxaan jeclaan lahaa inaad emailkaga ii soo dirto ama phonkaga aniga emailkeyga waa jamalamcn@gmail.com.thaks casho war lee ha lagaa helo plz

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 49 other followers

%d bloggers like this: