Archive for April, 2012

War deg deg ah: Qarax xoogan oo gil-gilay Xaafadda Laba dhagax ee Degmada Wardhiigley

April 30, 2012

Qarax xooga ayaa gil-gilay Xaafadda Laba dhagax ee Degmada Wardhiigle Magaalada Muqdisho,
Qaraxa ayaa ahaa miino ku Aasneyd wadada taasoo ay ku wax yeelobeen Dad rayid ah oo iyagu halkaasi ku sugnaa, Dadka deeganka ayaa shabakada markonews ayaa u sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay lagu arkaayay Gawaarida Ambalaasta ah oo iyagu daad gureynaayay dhaawacyo iyo meydadka dadkii halkaasi ku sugnaa
Maamulka Degmadaasi ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka danbeeyen Kooxda Alshabaab islamarkana ay u dhigeen Ciidamo katirsan Dowladda KMG oo iyagu halkaasi maraayay, wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxaasi ay ku wax yeelooben ciidamo goobta qaraxa ku sugnaa walow maamulka Degmadaasi ay beeniyeen in Qaraxa ay ku wax yeelooben Ciidamo Dowladda katirsan
Lama hubo ilaa iyo iminka Khasaaraha dhabta ah oo ka dhashay Qaraxaasi miino walow ay jiraan Khasaaro soo gaaray dadka rayidka halkaasi ku sugnaa …

Raisal Wasaare Gaas Iyo Shariif Xasan oo Booqday Guriga la Dajinayo Odayaasha (Daawo Sawirada)

April 30, 2012

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta kormeer ku tagay goobtii la dajin lahaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Digil iyo Mirifle iyo Puntland.
Waxaana Ra’iisul Wasaaraha kormeerkiisa ku wehlinayay qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii kale ee la socday Waxay warbixin ka dhageysteen gudigii loo xilsaaray soo dhaweynta Odoyaasha Dhaqanka kuwaa oo soo xuli doono gudigii ansixin lahaa Dastuurka Cusub ee Qabyo-Qoraalka dalka.

Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixino ka dhageystay gudi iyagana loo xilsaaray iney sugaan amaanka goobta oo ay ka mid yihiin Ciidamada NabadSugidda Qaranka,Kuwa AMISOM iyo hay’adaha kale ee dowladda kala shaqeeya Amaanka, Iyagoona Sheegay in goobta ay tahay mid amaankeeda uu aad u sareeyo laguna kalsoon yahay islamarkaana ay il-gooni ah ku eegi doonaan amaanka goobta ayna si wada jir ah isaga kaashanayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya.

Warbixinta kadib ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnihii la socday soo kormeereen goobtii loogu talagayay Odayasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed in la dajiyo, Isagoona Ra’iisul Wasaaruhu mid mid u galay qolalkii loogu talagalay Odayaasha Dhaqanka, kuwaa oo gaaray 135 Odey Dhaqameyd oo ka kala imaanaya gobalada dalka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa la filayaa horaanta bishaan soo socota iney soo xulaan Ergadii ansixin laheyd Dastuurka Cusub ee Qaybo-Qoraalka dalka.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa u mahadceliyay gudigii isku xilsaaray soo dhaweynta Odayaasha Dhaqanka iyo waliba kuwa sugaya amaanka goobta loogu talagalay in la dajiyo Odayaasha Dhaqanka.

Shaqo Nuucee ah ayaa ka Dhaxaysa RW Gaas iyo Safiirka Soomaliya ee Talyaaniga Nuur Cadde (Waraaq Sir ah oo la Helay)

April 30, 2012

Waxaa Soo baxaya Xoga hoose oo sir ah oo ku aadan Shaqada ka dhaxeysa Raizul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde horeyna u ahaa Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

xog ay heshay Shabakada Allbanaadir.com ayaa muujinaya in Xiriir hoose oo aad u xidideestay uu ka dhaxeeyo Labada Masuul kaa oo ku aadan isdhaafsiga lacago iyo Fiisooyin si farsameesan looga qaado Dalka Talyaaniga kadibna la suuq geeyo.

Labada Masuul ayaa marar badan Safaarada Kenya ee Talyaanigu ku leeyhaya waxa ee ka qaadeen Fiisooyin ee Talyaaniga kaga codsadeen in Dad jiran Daawo ahaan Talyaaniga loogu qaadayo hasa ahaatee Dad Caafimaad qaba laga iibsaday kuna dhoofeen Fiisooyinkaasi.

sida aad ka aragtaan waraaqdan sirta ah aan helnay waxaaku saxiixan Rizul Wasaaraha Soomaaliya waxa uuna Safaarda Talyaaniga Niribi ku leedahay kaga codsanayaa in Dawo Dalkooda loogu qaado nin ay isku heyb yihiin oo Puntland kasoo jeeda kana tirsan maamulkaasi iyo xaaskiisa waxa uuna Safaarada Fiisahaas kaga codsaday in Ninkan jiran yahay una baahanyahay caafimaad in uu u tago Talyaaniga.

Sidoo kale waxaa jira Fiisooyin iyana laga helay Wadamo katirsan Midowga Yurub kuwaa oo si hoose u heleen una qeybsadeen Raizul Wasaare Gaas iyo Nuur Cadde uuna kasoo galay Fiisooyinkaasi Daqli Badan iyagoo dalalkaasi kaga qaatay Fiisooyinka dad jiran oo been ah iyo farsamooyin kale.

Midowga Yurub ayaana marar badan ka shakiyay Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga Iyo Raizul Wasaaraha Soomaaliya taa oo ka dhalatay Fiisooyinka Beenta ah ee labada Masuul marar badan ka heleen Talyaaniga iyo Midowga Yurub taa oo keentay in wax badan la iska weediiyo.

Waxaa sidoo kale marar badan Dhacday iyo Wafuud beenaad lasocotay Raizul Wasaare Gaas si hoose ugu dhaxdhuuntaan Dalka Talyaaniga xiliyo kala duwan uu Raizuil Wasaaruhu booqday taasna uu fududeeyay Nuur Cadde sidii ragaas suuqa u sii gali lahaayeen.

Mudooyinkii ugu Danbeeyay waxaa soo if baxayay Musuq maasuq iyo Qeylo dhaan kasoo yeereysay Soomaalida kunool Dalka Talyaaniga taa oo ka dhalatay maamul xumo iyo wax is daba marsi balaaran oo kajira Safaarada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga oo noqotay Safaarad Qabiil gaar ah u xiran kana shaqeetaan Nuur Cadde iyo Qaraabadiisa..

Dhacdo layaab ku noqotay shacabka reer Boosaaso oo maanta ka dhacday Magaalada Boosaaso

April 30, 2012

Dhacdo ka yaabisay shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaso ayaa waxay maanta ka dhacday Magaalo Xeebeedka ee Boosaaso, ka gadaal markii rag ilaalo ahaa ay rasaas si cad ula dhaceen ilaa sideed arday ah.

Ciidamadda Ilaalada Xaruunta Daryeelka Caruurta ee Al Badriya ee Magaalada Boosaaso, ayaa waxay maanta rasaas ay ku fureyn ardayda goobtaasi lagu xanaaneeyo, ka gadaal markii ardayda la-sheegay inay gadood-sameeyeen.

Ciidamadda Ilaalada ee Al Badriya ayaa waxaa la-sheegay inay hujuum kala kulmeyn ardayda, waxayna bilaabeen inay rasaas ku furaan caruurtaasi, oo la-sheegay inay isu dayeen inay baxsadaan, inkastoo aanu warkaasi kala cadeyn.

Ardayda daryeelka loogu sameeyo Xaruunta Al Badriya oo aad u tiro badan, ayaa waxaa la-xaqiijiyay in sideed ka mid ah ay dhaawacmeyn, waxaana dhaawacyadoodu xilligaan lagu daaweynaayaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso.

Ciidamadda Booliska ee Magaalada Boosaaso ayaa waxay gacanta ku soo dhiggeen Ciidamadda Ilaalada ee Xaruunta Daryeelka Caruurta ee Al Badriya, kuwaa oo xilligaan lagu baaraayo Saldhigga Magaalada Boosaaso, waxna laga weydiinaayo sababta ay rasaas ugu adeegsadeen caruur u badan kuwo aanu weli qaan-gaarin.

Arinta ay hadalka hayaan shacabka Magaalada Boosaaso, misena layaabka ku noqotay ayaa waxay tahay, in iyadoo rasaas loo-adeegsaday caruur in lagu daryeelo loo-keenay Xaruunta Daryeelka Caruurta ee Al Badriya.

Taasi oo tuhun ku dhalisay Ciidamadda Booliska ee Boosaaso ee ee Gobolka Bari, ayaa waxay hubka kala wareegeen Ciidamadda Ilaalada ee Al Badriya, waxayna xilligaan ku wadaan baaritaano balaaran, oo ay ku ogaanayaan sababta ay rasaas ugu adeegsadeen caruur in lagu daryeelo loo-keenay Xaruunta Daryeelka Caruurta ee Al Badriya.

Xarakada Al-Shabaab oo Maanta Xoog kula wareegtay mid kamid ah Idaacadaha Madaxa Banaan ee ka howlgala Magaalada Baar Dheere

April 30, 2012

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Baar Dheere ayaa sheegaya in Saakay Al-Shabaab gudaha u galeen lana wareegeen Idaacada Markabley ee ka howlgaleesay Degmada Baar Dheere.

Saraakiil iyo Ciidamo katirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Xarunta Idaacada xili Shaqaalaha Idaacadaasi ku hoolanyeen Howlhooda shaqo iyagoona Shabaab ku amreen Shaqaalaha Idaacdaa in dibada uga baxaan Xarunta.

Amarkan Shabaab kula wareegeen Idaacada Markabley ayaa la sheegay in uu kasoo baxay Madaxda sare ee Al-Shabaab gaar ahaan Qeybta Warfaafinta Shabaab u qaabilsan.

Warar hoose aan helany ayaa sheegaya in Shabaab Idaacadan Magaca ka badalayaan una bixin Doonaan Al-Andulus si ay uga qeyb qaadato Dagaalada xoogan ee kaga furan Gobolka Gedo eena marin habaabiso Dadka ku dhaqan Baar Dheere.

Maamulka Idaacada Markabley ayaa ka gaabsaday in faah faahin badan bixiyaan la wareegida Idaacada inkastoo ay xaqiijiyeen jiritaanka ah in Idaacadaasi Shabaab la wareegeen ayna hawada hada ka maqantahay.

Al-Shabaab ayaa horey xoog kula wareegay Idaacado badan oo ku yaalay Gobolada ay ka taliyaan taa ee kujirto Idaacadii Horn AFrik iyo Capital Voice oo Muqdisho ka shaqeyn jiray taa ee Shasbaab ee qalabkeedii xoog kula wareegeen una rarteen Gobolada ee Maamulaan hada.

War deg deg: Al-Shabaab oo digniin culus u jeedisay Ajaaniibta ka howlgasha deegaanada Puntland

April 30, 2012

Afhayeenka Ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo warbaahinta kula hadlay duleedka Muqdisho ayaa digniin u jeediyay dadka ajaanibta ah ee ku nool deeganada Maamulka Puntland.

Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole uusan damaanad qaadi karin ammaanka dadka ajaanibta ah ee ku sugan deeganada puntland.

Wuxuu sheegay Cali Dheere Madaxweyne Faroole in uusan ka shaqeyn danta iyo rabitaanka dadka ku nool deeganada Puntland isaga oo sheegay in uu ku fashilmay.

Afhayeenka guud ee Ururka Al-shabaab ayaa hadalkiisa intaa waxa uu raaciyay in dadka ajaanibta ah ee ku nool deeganada uu ka arrimiyo maamulka Puntland in aysan ku qaldamin deeganada Puntland islamarkaana ammaankooda aan lagu damaanad qaadi karin.

Hadalka Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere waxa uu imaanaya iyadoo labo maalin ka hor deeganada maamulka Puntland lagu dilay sarkaal la shaqeynayay shirkadda SARACEN ee ka howlgasha deeganada maamulka Puntland.

Shacabka Somaliyed oo lagu baaqay Banaanbax ka dhan ah Dastuurka

April 30, 2012

Muqdisho: (WAAJIDPRESS): Iyadoo muddooyinkii dambe uu muran baahsan ka taagnaa ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Soomaaliyeed waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay dhigaan banaanbax ka dhan ah Dastuurkaasi oo la sheegay in uu hoos u dhigayo Diinta iyo Jiritaanka Umadda Soomaaliyeed.

Max’ed Faarax Jimcaale oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliya oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah u dan ugu jiro Madaxda dowladda KMG ah kaasi oo uu sheegay in uu u baneynayo inay kusii nagaadaan kursigooda sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dhigaan banaanbax nabadeed oo ay ka muujinayaan sida ay ugu horjeedaan Dastuurkaasi.

Sidoo kale Suldaan C/naasir Jaamac Xuseen oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in dadka loo xulay Dastuurka qabyo qoraalka aysan ka mid ah aheyn waxgaradka Soomaaliyeed islamarkaana ay yihiin dad ganacsato oo dani gaar laga leeyahay, isagoo ku baaqay in la saxo qaladaadka jira.

Siyaasiyiin, Aqooyahanno, waxgarad, Xildhibaano, Culumaa’uddiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo horjeestay ansixinta Dastuurka cusub oo la sheegay inay ku jiraan qodobo ka hor imanaya Diinta Islaamka.

Ra’iisul WASAARE GAAS oo Fashil lagu eedeeyey

April 30, 2012

Iyadoo maalmaha soo sacda lagu wado in magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya ay gaareen odoyaal dhaqamedyo ka kala imaanaya qaar ka mid ah gobalada dalka soomaaliya si loo ansixiyo dastuurka soomaaliya aya sii kordheysa eedeynta loo jeedinayo ra,iisul wasaare gaas. Xildhibaan boot cabdule magan oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada muqdisho ayaa waxaa uu si kulul u weeraray ra,iisul wasaaraha xukuumada KMG ee soomaaliya C/wali Maxamed cali gaas,isagoo ku eedayay gaas inuu fuliyo danaha madaxweynaha puntland faroole.
Xildhibaanka oo hadalkiisa si wata ayaa waxaa uu shaaciyay in xukuumada uu hogaamiyo Ra,iisul wasaaraha soomaaliya mr.gaas gabi ahaanba ay ku hungowday wax ka qabashadooda sida xaqiijinta amaanka dalka soomaaliya,mid siyaasadeed iyo dhameynta khilaafka barlamaanka ka dhaxtaagan.

Boot cabdule magan wuxuu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inaan aqbalin dastuurka dhowaan lagu wado in la ansixiyo kaasi oo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay kazoo horjeesteen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

April 30, 2012

Muqdisho, Axad, April 23, 2012—– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

Kulanka maanta uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah, Iyadoona looga hadlayay Arrimaha Roadmap-ka, Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isgaarsiinta Maamuladda, Dhameystirka Dastuurka, Dib-u-habeynta Baarlamaanka iyo dowlad wanaaga, Iyadoona dowr muhiin ah ay dowladda ka siiyay bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay in dowladda iyo Bulshada Rayidka ah ay kala warqaataan oo ay is dhaafsadaan fikirado iyo talooyinka ay u hayaan dowladda maadaama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Bulshada Rayidka kaalin muhiin ah ka qaataan isbedelladda soo socda si loogu guuleysto hadafka ah in la helo dowladd rasmi ah oo karti leh iyo iney dalka ka saarto marxaladaha adag.

“Bulshada rayidka waa iney kaalin hogaamineed ka qaataan arrimaha bulshada sida, Waxbarashada,Caafimaadka, dhamaan adeegyadda bulshada iyo in Bulshada Rayidka lagu dhiiri geliyo iney si joogta ah ula xisaabtamaan dowladda si loo gaaro maamul wanaag dhameystiran”.

Waxaa kaloo warbixin laga bixiyay Roadmap-ka iyo hormarka laga sameeyay iyadoona la xusan in Roadmap-ka la saxiixay 6-dii September, markaa kadib waxaa bilowday in Soomaalida ay dalka gudihiisa shirar ku qabsadaan kana hadlaan mustaqbalkooda iyagoona isku xirmay gaaridda maamul gobaleedyada, Bulshada Rayidka iyo dowladda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Dastuurka la soo dhameystiray 20-kii April muddo 8 sano kadib, Dastuur ku saleysan Shareecadda Islaamka iyo xeerarka Soomaaliyeed, Wadatashiyo lala sameeyay bulshada rayidka welina ay sii socon doonaan inta laga ansixiyano dastuurka.

“135 Oday dhaqameed ayaa soo xuleyso Ergadii Ansixin laheyd Dastuurka oo dhan 825, 15 may ayay isku imaan doonaan oo ay ka doodaan Dastuurka-Ansixintoodana ay noqoneyso mid Kumeel Gaar ah inta laga helayo Afti guud ee Shacabka, iyo in June bartamaheeda Dib u habeyn lagu sameeyo Baarlamaanka la helana Baarlamaan tayo leh”.

Ugu dambeyntii Bulshada Rayidka ayaa lagula dardaarmay iney kaalin hogaamineed ka qaataan oo ay la shaqeeyaan Odey dhaqameedka oo ay ka saacidaan sidii loo soo xulli lahaa Ergo tayo lehoo si wanaagsan uga doodi kara dastuurka kuna sameyn karta isbedelada laga mamaarmaanka ah si ay KMG u ansixiyaan, islamarkaana ay bulshada rayidka ah ay kaalin firfircoon ka qaataan wacyi gelinta bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ka shaqeyso nabadeynta iyo xasilinta dalka iyo waliba in Bulshada Rayidka iyo dowladda ay isku xirmaan oo ay yeeshaan wada shaq1eyn dhab ah iyo in Bulshada Rayidka ay ka mid noqdaan guddiyada soo dhaweynta iyo fulinta shirarka soo socda.

CAAWA KA SOCONAYA KONTOROOLKA BAKIIN EE BAYDHABO

April 29, 2012

Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay Caawa Markale Weeraro kusoo qaadeen Warshada Hasey Ee Magaalada Oo ay Joogaan Ciidadma Dowlada Ethiopia,Galab Dhacii caawa ayaa waxay Dagaalo kusoo qaadeen Magaalada Baydhabo habeenkii labaad Xarakada al Shabaab oo xarumo u ah duleedka Magaalada Baydhabo.

Dagaalkii oo goordhow istaagey ayaa waxaa ka hadley Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashandhiga Maxamed Cali Atoosh oo Baydhabo kusugan .

Atoosh wuxuu sheegey in laba dhinac ay caawa kasoo weerareen Baydhabo xoogaga shabaab dhinaca Boonkaay & Dhinaca Warshadii Hasey waxayna ku garaaceen Caawa Magaalada Shabaabku Hub Cul culus oo ubadnaa Hoobiyaal & Baasuuke.

Dagaalkaan ayaa wuxuu udhaxeeyaa Ciidamada Shabaab & Kuwa Maamulka gobolka oo kaashanaya Ciidamada Militiriga Dowlada ethiopia.

Maxamed Cali Atoosh Oo Wareysi Siiyey Mukhtaar Maxamed Atoosh Oo VOA Usoo warama ayaa wuxuu yiri:- ka dhageyso qeybta kore.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers