Shacabka Somaliyed oo lagu baaqay Banaanbax ka dhan ah Dastuurka

Muqdisho: (WAAJIDPRESS): Iyadoo muddooyinkii dambe uu muran baahsan ka taagnaa ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Soomaaliyeed waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay dhigaan banaanbax ka dhan ah Dastuurkaasi oo la sheegay in uu hoos u dhigayo Diinta iyo Jiritaanka Umadda Soomaaliyeed.

Max’ed Faarax Jimcaale oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliya oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah u dan ugu jiro Madaxda dowladda KMG ah kaasi oo uu sheegay in uu u baneynayo inay kusii nagaadaan kursigooda sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dhigaan banaanbax nabadeed oo ay ka muujinayaan sida ay ugu horjeedaan Dastuurkaasi.

Sidoo kale Suldaan C/naasir Jaamac Xuseen oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in dadka loo xulay Dastuurka qabyo qoraalka aysan ka mid ah aheyn waxgaradka Soomaaliyeed islamarkaana ay yihiin dad ganacsato oo dani gaar laga leeyahay, isagoo ku baaqay in la saxo qaladaadka jira.

Siyaasiyiin, Aqooyahanno, waxgarad, Xildhibaano, Culumaa’uddiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo horjeestay ansixinta Dastuurka cusub oo la sheegay inay ku jiraan qodobo ka hor imanaya Diinta Islaamka.

About these ads

One Response to “Shacabka Somaliyed oo lagu baaqay Banaanbax ka dhan ah Dastuurka”

  1. Shir lagu diidanyahay Dastuurka qabyada ah oo ay isugu yimaaden Beelaha hawiye oo ka dhacay Magaaladda Lewiston, gobolka Maine « Anti-Tribalism Says:

    [...] Shacabka Somaliyed oo lagu baaqay Banaanbax ka dhan ah Dastuurka [...]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: