Archive for May, 2012

Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo xabsiga u taxaabay Diyaad Cabdi Kaliil “Sababtu Maxay Tahay”

May 31, 2012

Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ayaa waxay xabsiga u taxaabeen Diyaad Cabdi Kaliil, kadib markii lagu eedeeyay in uu sameeyay amar-diidnimo, ayna taasi ka dambeysay sida la-sheegay inay xabsiga u taxaabaan.
Diyaad Cabdi Kaliil ayaa wuxuu yahay Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isla-markaana waxaa la-sheegay in loo-xil saaray Magaalada Garbahaarey, oo laga qaadaayo dagaalo lagu doonaayo in Al Shabaab looga saaro Degmada Buurdhuubo, oo ay gacanta ugu jirto Al Shabaab.
Diyaad Cabdi Kaliil ayaa wuxuu shalay uu ka baxay Magaalada Garbahaarey ee Xaruunta Gobolka Gedo, isagoona aaday dhinaca Degmada Luuq ee isla Gobolka Gedo, isla-markaana waxaa dacwad loo-gudbiyay Ciidamadda Itoobiya ee joogga Degmada Luuq.
Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ayaa waxay durbaba ay gacanta ku dhiggeen Diyaad Cabdi Kaliil, waxayna isla shalay ay ku xireyn Degmada Luuq, isagoo xalay ku baryay xabsiga Degmada Luuq.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin xariga loo-geystay Diyaad Cabdi Kaliil, oo ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil iyo Diyaad Cabdi Kaliil, ayaa waxay yihiin laba nin oo walaalo ah, kana soo jeeda Deegaanada Gobolka Gedo.

War deg deg ah: Ciidamada Is garabsanaya ee Kenya iyo dowladda oo la wareegay degmada Afmadow

May 31, 2012

Ciidamada isbahaysiga ee Kenya, kuwa dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminaya Gen. Isaaq Cali Maadeey (oo ka soo jeeda DIGIL Iyo MIRIFLE)ayaa abaarihii 2:30 gudaha u galay degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose, kadib markii barqanimadii saaka ay isaga baxeen dagaalyahanadii Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada huwanta oo markii hore kaabiga ku hayay degmada, isla markaana tan iyo shalay ku soo siqayay ayaa labo jiho ay gudaha ugu soo galeen, iyagoo si nabdoon kula wareegay.
Ma jirto wax xabad ah oo ka dhacday degmada, Ciidamada ayaa fariisimo ka kala sameystay Saldhiga iyo Xarunta degmada oo aheyd halkii Shabaabka uga arimineysay degmada.
Xaalada degmada ayaa ah mid degan, iyadoo saacado ay magaalada aheyd wax maamul la’aan ah, hase ahaatee haatan ay is bedel dhab ah ay gashay.

Saraakiisha hogaamineysa ayaa la hadlaya dadka deegaanka qaarkii ku haray, waxaana jira dad aan badneyn oo isugu soo baxay.
Hogaamiyaha Ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Madoobe iyo Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Jubooyinka Jen. Saxardiid ayaa dadweynaha ugu baaqay inay is dejiyaan, iyagoo sheegay in aan Shabaab laga hari doonin.

Ciidamada huwanta ayaa goor dhow u jiheystay labo wado oo ka baxda Afmadow, waxaana wali socota howsha xaqiijinta ammaanka degmada Afmadow, maadaama Shabaabka ay dagaal la’aan uga baxeen.
Dagaalyahanada Shabaab iyo Maamulkooda ayaa ka baxay labo wado oo kala aada Bu’aale ee xarunta Jubada Dhexe iyo dhinaca Kismaayo.
La wareegitaanka Afmadow ayaa ka dhigeysa guushii ugu weyneyd ee Ciidamada is garabsanaya ay ka gaaraan dagaalka ay kula jireen Shabaab, waxaana Afmadow ay tahay caasimada labaad ee Jubada Hoose, isla markaana ah degmo muhiim u ah isku xirka deegaanada kale ee Jubooyinka.
Waa degmadii labaad oo labo todobaad gudahood Al-Shabaab lagala wareegay, waxayna tani sii kordhineysa culeyska baaxada leh ee Al-Shabaab dhinaca milateriga ka soo fuulay, kadib markii todobaadkii hore laga qabsaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shirka Istanbul Laba oo maanta ka furmay Magaalada Istanbul iyo qodobada maanta looga hadlaayo “Aqriso”

May 31, 2012

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa maanta ka furmay Shirka Istanbul Laba oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Turkiga, iyadoo sanadkii 2010-kana uu dalkaasi ka dhacay Shirkii Istanbul Kow.

Shirka Istanbul Laba oo saacado kahor ka furmay Magaalada Istanbul ayaa waxaa ka soo qeyb gallay Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, Raa’isal Wasaare Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha
Galmudug, Dr Augustine Mahiga, Madaxweynaha Puntland iyo Ergada Somaliland ka socoto ayaa waxaa la-sheegay inaysan weli shirka ka soo qeyb-gelin, balse ay ku sugan yihiin Hoteelada ay ka deggan yihiin Magaalada Istanbul.

Shirkaan ayaa waxaa daah furay Raa’isal Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Turkiga Mr Bekir Bozdag, kaasoo ka hadlay ujeedada Shirka Istanbul Laba loo-qabtay iyo danaha laga lee-yahay in shirkaasi lagu taabo galliyo, iyadoo shirku ay ka soo qeyb galleen tiro ka badan ilaa 54 Dowladood.

Waxaa ka hadlay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, isagoona shirkaasi ka jeediyay qodobo diiran oo u muuqday kuwo soo jiitay dhagaha iyo dareenka shacabka Somaliyeed.

“Xalka Soomaaliya maaha in dhaqaalo la-siiyo oo ay sidaasi ku sii jirto muddo kale, Somaliya 22 sano ayay ku soo jirtay dagaalo, barakac iyo burbur, Somaliya waxay u baahan tahay in si wanaagsan loo-taageero, haddii wax loo-qabanaayo” ayuu yiri Dr Gaas.

“Somaliya xalkeedu waxaa weeye inay hesho taageerada ay u baahan tahay oo ah, in laga taageero dhismaha Dowladnimo, ciidamadda, waxbarashada iyo in wadooyinka la-dhiso, ee Somaliya ugama baxeyso lacag yar oo la-siiyo dhibaatada” ayuu sii raaciyay Dr Gaas.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Somaliya Dr Augustine Mahiga, oo isaguna goobtaasi hadal-dheer ka jeediyay, ayaa wuxuu mahad-celin gaar ah uu u jeediyay Dowladda Turkiga oo iyadu shirku soo qaban qaabisay iyo Dowldaha ka soo qeyb-gallay.

Shirka Istanbul Laba ayaa waxaa maanta looga hadlayaa qodobo la-xiriira Arrimaha Biyaha, Tamarta, Dhaqaalaha iyo Waxbarashada, waxaana madasha shirka ku sugan Dowladdo xiiseynaaya amuuraha Somaliya.

DEG DEG: Diyuuradaha dagaalada ee Kenya oo duqeymo culus la-dhacaaya Degmada Afmadow

May 31, 2012

Duqeymo culus ayaa waxay xilligaan ku socdaan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo diyuuraduhu ay bartilmaameydsanayaan goobo cayiman oo ay Shabaabku kaga sugan yihiin Degmada Afmadow.

Dacalada Degmada Afmadow ayaa waxaa laga maqlayaa duqeymo culus oo ay geysanayaan diyuuradaha dagaalada ee Dowladda Kenya, kuwaa oo si rasmi ah loo-arkaayo iyagoo duqeymo ku asqeynaaya Degmada Afmadow.

Goobaha ugu muhiimsan ee duqeymuhu ku socdaan ayaa waxaa ka mid ah, Xerooyinka Milatariga ee ay Shabaabku ku lee-yihiin Degmada Afmadow oo mid istaraatiiji ah, waxaana weeyaan xaaladda Degmada Afmadow maanta mid cakiran.

Sawaxanka duqeymaha cul culus ee lagu garaacaayo Degmada Afmadow ayaa waxay isqabsadeen guud ahaan Degmada Afmadow, waxayna taasi baqdin xoogan ay ku dhalisay dadka rayidka ah ee ku dhaqan Degmada Afmadow.

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaan sameyneyn wax iska caabin ah oo ku aadan duqeymaha lagu garaacaayo Degmada Afmadow, isla-markaana duqeymaha ayaa waxaa la-soo warinayaa inay geysanayaan khasaarooyin kala duwan.

Shacabka ku dhaqan Degmada Afmadow ayaa waxay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda, bacdamaa ay Degmada Afmadow soo food saartay xaalad murugsan, lana doonaayo in meesha laga saaro Maamulka Shabaab ee ka arrimiya.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay u muuqataa mid ka qalab guraneysa Degmada Afmadow, kuna sii wajahan dhinaca Magaalada Kismaayo, oo iyaduna xilliyadii ugu dambeysay marti u ahayd duqeymo culus.

War deg deg ah: Md: Yoweri Museveni Oo Tagay Istanbul, Kaddib Markii uu soo Maray Asmara

May 31, 2012

Istanbul (WAAJIDPRESS): Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa la dagay magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga, si uuga qeybgalo shirka labaad ee loo qabaanayo Soomaaliya, kaa oo ciwaan looga dhigay diyaarinta mustaqbalka Soomaaliya.
Shirkan oo la filaayo in uu socdo labo maalin, waxa ka qeybgalaya 54-dowladood, sidoo kale waxa ka qeybgalaya xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon.
Madaxweynaha ayaa ka mid ah madaxda lagu casuumay shirka Istanbul, oo dadka ka hadlaya uu ka mid yahay ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyo madaxweynaha KMG ah Soomaaliy Sheikh Sharif Ahmed
Madaxweynaha oo ay la socotay xaaskiisa waxa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ataturk International Airport,waxana halkaas ku soo dhaweeyay duqa Istanbul Huseyin Avni Mutlu,
Wafdiga madaxweynaha Uganada waxa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda the Okello Oryem, wasiirka gaashandhiga Crispus Kiyonga iyo taliyaha guud ee Major General Nathan Mugisha oo ku xigeynka danjiraha Uganda uqaabilsan Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay soo dhameesteyn booqasho labo maalin ah oo ay ku joogeyn dalka Eritrea, kaddib markii uu casuumad ka helay madaxweyne Issaias Aferwerki.
Madaxweynaha Eritrea ayaa booqday dalka Uganda bishii August sanadkii hore markii uu seddax maalin casuumad uu ka helay hogagamiyaha Uganda, waxa ay ka wadahadleyn labada hoggaamiye arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, ammanka guud ee gobalka iyo xiriirka wadashaqeyn.
War saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda Uganda ayaa lagu sheegay Afwerki in uu ammaanay doorka Uganda ay ka qaatay arrimaha nabadgalyada gobalak sida Soomaaliya,
Waxa uu ku ammaanay madaxweynaha Eritrea doorka ciidamada Uganda ay ku lee yihiin howlgalka AMISOM.
Eritrea waxa hadda heesta cadaadis ballaaran, oo ay ka mid yihiin dagaalka ay kula jiro dowlada dariska ay yihiin ee Ethiopia iyo galaangalka ay ku lee dahay dagaalada ka socda Soomaaliya oo dhinacyada dagaalamaya ay gacan siiso, waxana dhowr jeer la sheegay in hub xagga badda iyo cirka ay kaga soo gudbisay Al-Shabaab, laakin xukuumada Asmara arrimahaas oo dhan gaashanka ay u daruurtay.
Madaxweyanaha dalka Uganda waxa garoonka diyaardaha caalamiga ee ku yaala Asmara ku soo dhoweeyay madaxweyne Isaias Afwerki.
SI kastaba, Uganda waxa ay dalka ciidamada ugu badan ku deeqay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxana dowladda Eritrea lagu eedeeyaa in ay gacan siiso kooxaha ka dagaalamka Soomaaliya oo ay ku jirto ururka Al-Shabaab.

Alshabaab oo dadka reer Kismaayo digniin u jeediyey (Maxay tahay digniintu?).

May 31, 2012

Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ee ka arimiya magaaladda Kismaayo ee gobalka Jubadda hoose ayaa dadka magaaladaas digniin adag u jeediyey, iyagoo uga digay inaaney bixin war ku saabsan xaalka magaalada iyo dhaqdhaqaaqyada militeri oo uu ururku halkaa ka wado.

Digniintan ayaa timid xili ciidamada ururkaas ay maanta magaalada Kismaayo ka sameynayeen dhoolatus ciidan, iyagoo dadka cod baahiye ugu sheegay digniintan.

Waxa kale oo ay bilaabeen in ay dadka ku baraarujiyaan ka qeybgalka dagaalada ay uga horjeedaan ciidamada Kenya iyo maliishiyooyinka Raaskambooni ee dhinaca ka soo jeeda iyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah ee iyana dhinaca Gedo ka dagaalamaya.

Alshabaab ayaa dhoolatuskaan ku soo bandhigay tiro gaadiidka dagaalka ah kuwaa oo ay ku muujinayeen inaaney weli awoodoodii kala daadan kadib duqeymo cirka iyo dhulka kaga socda iyo weeraro xaga bariga kaga furan.

Ciidamada Puntland oo Gaalkacyo ku Xirxiray in Ka Badan 20-Timajarayaal ah

May 31, 2012

Gaalkacyo (WAAJIDPRESS): Hawlgal gaar ah oo ay shalay gelinkii dambe ay qaadeen ciidamada amaanka ee maamulka Puntland ayay ku beegsadeen dhalinyarada timajarayaasha ee ka shaqeysata waqooyiga magaalada Gaalkacyo kadib markii wasiirka amniga maamul goboleedka Puntland Khakiif Ciise Mudan uu warbaahinta ka jeediyey in nin habeen hore miino lagu dilay uu ahaa timajare ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool.

Hawlgalkan ayaa intii uu socday waxay ciidamadu ku galeen goobaha timaha lagu jaro ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyadoo si gaar ah loo beegsanayey dadka ku hadla lahjadda ‘MAAY-ga’ ee ka xoogsada timajarayaasha.

kuwaasoo wasiirka amnigu uu ku eedeeyey inay iyagu yihiin dadka qaraxda soo maleega.
Duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax oo xalay Shabakada Raxanreeb la xiriirtay ayaa sheegay in hawlgalkan uu ahaa mid amni isla markaana dadka la soo qabqabtay la baari doono wixii aan dembi lahayna la siideyn doono.

Duqa degmada Gaalkacyo wuxuu sheegay in cadeymo ay u hayaan in ninkii shalay meydkiisa lagu soo bandhigay magaalada Gaalkacyo ee ay ciidamada amaanka ee xaafada Garsoor toogteen u ahaa timajare ka shaqeysan jiray suuqa magaalada Gaalkacyo isagoo intaa ku daray inuu jiro nin labaad oo la socday kaasoo ciidamada aysan weli helin.

Warar dadka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in dadka la xirxiray oo dhamaantood ahaa xoogsato timajarayaal ah lagu hayo saldhiga degmada Gaalkacyo, waxaana warar hoose ay sheegayaan in saraakiisha amniga ay ka fekerayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen.

Qarax miino oo dilay ugu yaraan afar ruux oo saddex ka mid ahaayeen ciidamada amaanka ayaa shalay subax ka dhacay xaafada Garsoor, iyadoo habeenkiina ciidamada xaafadaasi ay toogteen nin la sheegay inuu miinada bac ku sitay kaasoo meydkiisa shalay lagu soo bandhigay Gaalkacyo. AKHRI WARKA QARAXA SHALAY
Hawlgalka ciidamada booliska Puntland ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ayaa yimid ka dib markii wasiirka amniga Puntland Khalkiif Ciise Mudan oo ku sugan degmada Xaafuun uu idaacadaha ka sheegay in dadka qaraxyada ka sameeya Gaalkacyo ay yihiin timajarayaasha ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool arintaasoo dadka qaar ku tilmaameen inay keeni karti beegsi lagula kaco  dadka u dhashay Baay iyo Bakool ee ku nool deegaanada Puntland.

Qaar ka mid ah dadka timaha xiira ee magaalada ka shaqeysta ayaa la soo sheegayaa in iyaguna shalay ka baxsadeen ciidamada kadib markii ay ka warheleen hawlgalka, waxayna illaa hadda isku qarinayaan guryaha iyagoo ka welwelsan caqabada soo wajahday shaqadooda halka qaar kalana ayba bilaabeen inay magaalada isaga baxaan.

DAAWO: HEES QIIRO LEH

May 31, 2012

War deg deg ah: Ciidamada Dowladda KMG ah oo gacanta ku dhigay gudoomiyihii Al Shabaab ee Maxkamadda degmada Afgooye.

May 31, 2012

Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa shalay gacanta ku dhigay Gudoomiyihii Xarakada Al Shabaab ee Maxkamadda degmada Afgooye Sh. Cismaan Siidow xilli baaritaano maalintii seddexaad ay wadaan xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sh. Cimsaan Siidow ayaa horey u ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda degmada Afgooye ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam, isagoo markii la wareegeen Xarakada Al Shabaab shaqadiisa halkaas kasii watay waxaana loo wareejiyey degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sh. Cismaan Siidow ayaa lagu xusuustaa xukunkii rajmiga ahaa ee uu riday xilligii Xisbu Islaam ay ka talinayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose xukunkaas oo loo bixiyey xukunkii qancinta Al Shabaab.

Gudoomiyaha hore Maxkamadda Degmada Afgooye ayaa bilihii ugu dambeeyey la il darnaa xanuuno, iyadoo laga deyrinayo xaaladiisa caafimaad.

Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay rag kale oo la shaqeyn jiray Xarakada Al Shabaab waxaana ka mid ah Mayow Baalle iyo rag kale oo badan.

Sh. Cismaan Siidow iyo Mayow Baalle ayaa saaka loo dhaadhiciyey xarunta dambi baarista ee CID ee magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kalena la sheegay qaar ka mid ah dhalinyaradii lasoo qab qabtay shalay iyo doraad iyagana loo qaaday dhanka magaalada Muqdisho.

DAAWO: MADAXWEYNAHA OO MADAXTOOYADA DHEXDEEDA TUS TUSEY WARIYEYAAL

May 31, 2012


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers