Gaalkacyo (WAAJIDPRESS): Hawlgal gaar ah oo ay shalay gelinkii dambe ay qaadeen ciidamada amaanka ee maamulka Puntland ayay ku beegsadeen dhalinyarada timajarayaasha ee ka shaqeysata waqooyiga magaalada Gaalkacyo kadib markii wasiirka amniga maamul goboleedka Puntland Khakiif Ciise Mudan uu warbaahinta ka jeediyey in nin habeen hore miino lagu dilay uu ahaa timajare ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool.
Hawlgalkan ayaa intii uu socday waxay ciidamadu ku galeen goobaha timaha lagu jaro ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyadoo si gaar ah loo beegsanayey dadka ku hadla lahjadda ‘MAAY-ga’ ee ka xoogsada timajarayaasha.
kuwaasoo wasiirka amnigu uu ku eedeeyey inay iyagu yihiin dadka qaraxda soo maleega.
Duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax oo xalay Shabakada Raxanreeb la xiriirtay ayaa sheegay in hawlgalkan uu ahaa mid amni isla markaana dadka la soo qabqabtay la baari doono wixii aan dembi lahayna la siideyn doono.
Duqa degmada Gaalkacyo wuxuu sheegay in cadeymo ay u hayaan in ninkii shalay meydkiisa lagu soo bandhigay magaalada Gaalkacyo ee ay ciidamada amaanka ee xaafada Garsoor toogteen u ahaa timajare ka shaqeysan jiray suuqa magaalada Gaalkacyo isagoo intaa ku daray inuu jiro nin labaad oo la socday kaasoo ciidamada aysan weli helin.
Warar dadka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in dadka la xirxiray oo dhamaantood ahaa xoogsato timajarayaal ah lagu hayo saldhiga degmada Gaalkacyo, waxaana warar hoose ay sheegayaan in saraakiisha amniga ay ka fekerayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen.
Qarax miino oo dilay ugu yaraan afar ruux oo saddex ka mid ahaayeen ciidamada amaanka ayaa shalay subax ka dhacay xaafada Garsoor, iyadoo habeenkiina ciidamada xaafadaasi ay toogteen nin la sheegay inuu miinada bac ku sitay kaasoo meydkiisa shalay lagu soo bandhigay Gaalkacyo. AKHRI WARKA QARAXA SHALAY
Hawlgalka ciidamada booliska Puntland ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ayaa yimid ka dib markii wasiirka amniga Puntland Khalkiif Ciise Mudan oo ku sugan degmada Xaafuun uu idaacadaha ka sheegay in dadka qaraxyada ka sameeya Gaalkacyo ay yihiin timajarayaasha ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool arintaasoo dadka qaar ku tilmaameen inay keeni karti beegsi lagula kaco dadka u dhashay Baay iyo Bakool ee ku nool deegaanada Puntland.
Qaar ka mid ah dadka timaha xiira ee magaalada ka shaqeysta ayaa la soo sheegayaa in iyaguna shalay ka baxsadeen ciidamada kadib markii ay ka warheleen hawlgalka, waxayna illaa hadda isku qarinayaan guryaha iyagoo ka welwelsan caqabada soo wajahday shaqadooda halka qaar kalana ayba bilaabeen inay magaalada isaga baxaan.
May 31, 2012 at 5:14 am |
Alqaacida(Alshabaab) Reer Baay iyo Bakool oo keliya ma aha, waa argagixiso caalami ah, Reer Mudug, Reer Bari, Reer Nugaal, Galgaduud, Reer Woqooyi, all Soomaali iyo ajaanib bey ka kooban tahay Alshabaab.
Maxaa markasta loo buunbuuniya beenta iyo masabitka dad gaar ah. Alshabaabka Mijerteen weligii waxba ma dilo miyaa mise ariga ka yimid Koonfurta ee xerooyinka ka buuxa ayaa loo fidyeeya( madax furasho) ruuxii Puntland ka soo jeeda hadduu wax laayo si qabaa’ilka isugu dhicin.???? !!!!!
Waa siyaasadda gurracan ee Faroole caanka ku yahay si uu ugu maldaho ceebtiisa iyo fashilkiisa siyaasadeed.
Dunidu wey ka dheregsantahay gumaadka iyo gabood-falka waxashnimada ah ee Faroole iyo bahdiisa ay u gaysteen reer Koonfurka. Fadhiid kacay iyo Fulay maalin raaya faan badanaa
Ma illowdey Khayraadkii iyo maalkii koonfur ka yimid inaad ku nooleydeen oo la idinku soo koryey si toos ah iyo si dadbanba.
Runttii Soomaaliya waxay ku dhisnayd oo lafdhabar u ahaa khayraadka Gobollada Koonfureed. Halka Gobollada dhexe ay weligood ahaayeen gundhigga dib u dhaca, colaadaha iyo baabi’ii qarankii Soomaaliyeed. waxay na bareen waxay na badeen baa ka sii daran.Weli dhbtii wey sii wadaan.
Haddii Mudug iyo Mujeertiiniya laga dhex saari lahaa Soomaaliya, barwaaqo iyo nabad bey ahaan lahayd . Wallaahi been ma aha ee Taariikhda dadka gobolladaas dib u baar .
Colaadda iyo dhiillada Iyo baaba’a Soomaaliya yaa dhigey halaagggan, maxaa dadkan ka barakiciyey dhul aan welgiis laga barakicin. Weligiin ma maqasheen dad ka daaduumey Bay iyo Bakool ama koonfur oo idil oo nolol u doonta Mudug iyo Mijeertiinya maanta ka horow.
Ku qabatey iyo qadarka Alle waa la qaataaye samir yeesha barakacayaashow fatxigu waa dhowyahaye
Dhabayacooy maanta waa maalintiin ee ku sameeya waxaad doontaan, intaad soo uruurisaan sidii cayayaanka sun ku buufiya, Rabbigey Caza Wajallah ma seexdo, ma ilduufo, ma illaabo, wuu u kaadshaaa mujrimiinta si ay dembiga u badsadaan, markaasuu ku dhuftaa dharbaaxo bir ah iyo halaag aan waxba reebin.
BAHDILA OO RIFA REER BAAY IYO BAKOOL, BOORKA KU JIIDJIIDA
Eedeeya Barakacyaasha, ha u turin biri-ma-geydada
Boqollaalkaad ku gumaaddeen bilaashka, baadil iyo aabi dheh.
Magan waa la bixiyaa ruuxa baahan waa la sooraa,
Bakhaylnimo iyo tiinu gunnimo baarkeed dheh.
Been abuurka iyo fatooshkiinu fulaanimo baabkeed dheh.
Baabi’nta miskiinkiyo musaafir beegsiga nacasnimo badatey dheh.
Bihinbiha Faroole iyo tolkii biiq iyo baqa-carakiisii dheh.
Bowe Bari laga reysey iyo bariis caana leh bixisadii illow dheh.
Boodboodka haatan iyo bootadu wey hari beryo dhowaaneed dheh.
Rabbigey Baarri ah ma mooga baaska aad dhigteen Billaahii yaqiin dheh
Barteydaan ka arkaa durbaba nabadweeyee xaalku isbeddel
Basanbaaskii iyo abaartii waa tan sii baxaysee laga bogsey colaaddii
Barwaaqadii lagu yiqiin Baay iyo Bakool ma foga way ii bidhaantaaye
Banaadir , marka iyo beerihii Janaale nuur baa ka baxaya Afgooye Baallaheede
Buuryaqabka Mijerteen adoo diifeysanoo beddenkaadu isbeddeley
Berriba filo, waxaan kugu sugi Baydhabo iyo Xamar baalaheede.
Waxaad na baddeen iyo baaskii weli ma aan dhayin boogahaygii.
Busta iyo omoska Boosaasood Rabbaa i badey mooyee beri ma haweysane.
Beer ololka iyo gaajada Mudug, biyo iyo baad laysku laayo halkey beledu taal
Baahi dileydii Reer Garoowe, jeeb yaraha baytkiisii halkuu Faroole ku barbaarey
ALLAA I BADEY MOOYEE BERINA MA HAWAYSTEENE
Boqorku wuxuu ku qoraad baalna u dhaafeyne, Shartiinana waxaan iri Bisinka iyo Yaasiinka.
Baryadaada Eebbow waa lagu baraaraaye, Berisamaadkii soo celi Rabboow nimcadii aan baranay..
AAMIIN>
May 31, 2012 at 5:43 pm |
asc arintaan wey cadahayee goormee gumaadka lanaga deyn doonaa hadii aanahy dadka kasoo jeeda baay iyo bakool? jawwabta qoraaga ayaan karabaa emailkeyga igusoo dir