War aan ka helnay ilo ku dhowaa kulankii shalay Khamiistii dhex maray Shiikh Shariif Axmed, madaxweynaha DFKMG Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Max’ud (Siilaanyo) in kulankii shalay arrimaha looga hadlay ay ku jireen arrimo gaar u ahaa labada Madaxweyne iyo shirkadda Dubai Ports World[DPW] oo iyadu ku caam baxday qandaraasyo ay ku kiraysato gigooyinka diyaaradaha iyo dekedaha dalalka dunida, iyagoo markaas la wareegay maamulka gigooyinkaas.
Sida uu warka sheegayo, madaxda Somaliland ayaa in muddo ahba wada hadalo arrintaan la xiriira kula jiray Dubai Ports World [DPW] laakiin markii u dambaysay oo heshiisku soo dhammaaday DPW ay ku xujaysay in heshiiska ay qayb ka noqoto DFKMG isla markaasna ay wax ka saxiixsdo haddii kale aysan shirkaddu aqbalayn, waxaana warku intaas ku darayaa in dadaalka ay DPW ugu jirtay arrintan ay soo socotay ilaa iyo xilligii uu Daahir Riyaale madax-weynaha ka ahaa gobolkaas.
Warkan oo aan ka helnay ilo aan doonayn in la magaacaabo ayaa intaas ku daraya in heshiiskan oo la mid mid ay shirkadda DPW horay ula gashay dalka Djibouti ay qodobbada ku jira ka mid yihiin in shirkaddu ay dhisto, balaariso, oo ay casriyeeyso agabka adeegyada dekedda Berbera iyo gigada diyuuradaha ee magaaladaas, hasa yeeshee ma cadda saamiga boqoleyda ee shirkaddan DWP ee dowladda Dubai ee kula heshiisay maamulka Somaliland, halka sida la sheegay ay Djibouti kula heshiisay inay siiso saami ka yar 35% canshuuraha ka soo baxa dekedda iyo gigada.
Warka ayaa sheegay in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu qoraalka heshiiskaas saxiixay isaga oo aan wax dood ah ka keenin ka dib markii ay madaxda Somaliland ku qanciyeen sidaas isagoo taas dhaafsaday balan qaad ay madaxdaas ku siiyeen inay doorashada soo socota ee bisha agoosto ay isaga ku taageerayaan cododka xubnaha ka soo jeeda beelaha dega Soomaaliland ee ka qayb qaadanaya doorashadaas isla markaasna ay dhaqaale ahaan gacan weyn ka gaysan doonaan ololaha doorashadiisa.
Bishii February 2006dii dowladda Maraykanka ayaa diiday mashruuc ay shirkadda DPW rabtay sidan oo kale inay ku gadato dekedaha iyo gigooyinka diyaaradaha lix gobol (States) oo ka mid ah dalka Maraykanka, taasoo uu markaas u ololeynayay madax-weynihii hore ee dalka Maraykanka George W. Bush.
Shirkaddaan Dubai Ports World, oo markii ugu horeysay la aasaasay 1999kii ayaa waxaa saamigeeda ugu badan iska leh Amiirka Dubai Muxamad Bin Raashid Al-maktuum oo isagu ah ra’iisal wasaaraha isla markaasna ah madax-weyne ku xigeenka dalka Isutaga Imaaraadka-ka carabta, iyo waliba Amiirka sharciga ah ee Dubai.
Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goob jog ka ahaa madax-weynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaal Kaahin, oo sida warku sheegayo isagu ka mid ahaa dadka u ololeeyniyay dhaqan gelinta heshiiskaan, Faysal Cali Waraabe, iyo xubno sarsare oo ka tirsan maamulkaas, waxaa sidoo kale joo gay xubno kale oo ka socda DFKMG inkastoo aan la magacaabin oo wehliyay madax-weyne SHiikh SHariif.
