Wararka naga soo gaaraaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa soo sheegaaya in Idaacadda Al Andulus ee ku hadli afka Al shbaaab laga raray magaalada.
Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa horay ugu yiilay Idaacada lagu magac daray magaalada Jowhar ,wallow markii dambe Alshabaab magaalada ay keeneen Idaacadda ku hadasha Afkooda ee Andalus.
Idaacadda Andalus ayaa habeen hore Saqdii dhexe waxaa laga qaaday qalabkeeda xarunta Shabeelaha Dhexe.
Ilaa iyo hadda lama oga halka Alshabaab ay u qaadeen Qalabka Idaacadda Andalus,laakiin wararka ayaa sheegaya in qalabka ay la aadeen Gobolka Hiiraan.
Idaacadda Andalus ayaa mudooyinkii dambe ka shaqeynaysay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dadka Degmada Jowhar ayaa sheegay in muddo 48 saac ah aysan maqlin Idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Alshabaab.
Qaar ka mid tirsan Alshabaab oo magacooda qariyay sababo jiro Awgeed ayaa sheegay in qalabka Idaacada loo furay cabsi Alshabaab ay ka qabaan in degmada lagala wareego.
Alshabaab ayaa Idaacadda Andalus waxay xarumo ay leedahay ka fureen gobolo dhowr ah oo ay maamulaan.
Xarunta Idaacadda ay ku laheyd magaalada Jowhar ayaa waxaa laga sii deyn jiray Warbixinada ku aadan guulaha ay sheegtaan Alshabaab.
July 31, 2012 at 11:03 am |
[...] Al Shabaab oo Jowhar ka Rartay Idaacaddii AlĀ Andulus [...]