War deg deg ah: HUB UU LAHAA AADAN SARAN SOOR OO AMISOM QAADATEY KADIB MARKII LAGU SOO BASAASEY

WAAJIDPRESS: Aadan SARANSOOR oo KA soo jeeda Digil IYO Mirifle ahaana Taliyaha Ciidamada RRA ayaa maanta Gurigiisa weyn oo ku yaala Madaxtooyada SOOMAALIYA agteeda AY AMISOM TAGTEY kana soo bixisey Hubkii ugu badnaa EE shakhsi laga qaado.

Hubkan aad IYO aad u faro badan oo noocyo kala duwan leh ayaa loogu tegay guri ku yaalla degmada Wardhiigley oo dhowr tallaabo u jira xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaasoo uu Lahaa Aadan Saransoor.

Guriga hubka laga helay ayaa beryahanba waxaa ka taagnaa dood ku saabsan lahaanshihiisa kadib markii qoyskii iska lahaa oo mudo dheer dibadaha ku maqnaa oo dhowaan soo laabtay ay u dacwoodeen in gurigooda la siiyo.

Waxaana ugu dambeyntii Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in guriga laga saaro rag hubeysan oo ilaalo u ahaa Aadan Saransoor oo guriga ay dejisay dawladii Madaxweyne C/laahi Yuusuf .

Hawlgal labo maalmood qaatay oo ay fuliyeen ciidamada nabadsugida Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii ay ku suurtagashay in guriga oo u dhow safaaradii hore ee Yemen laga saaro dadkii ku jiray, waxaana qoyskii iska lahaa ay dalbadeen in la baaro guriga si loo hubiyo wixii qalab ah ee ay dadkii hore u deganaa guriga iska leeyihiin si aysan dacwad kale uga imaanin, waxaana baaritaankiisa uu sababay in qeybo dhan oo guriga ka mid ah laga helo hub noocyadiisu kala duwan yihiin oo ku keydsanaa.
Noocyada hubka iyo tiradiisa
Saraakiil ka qeybqaatay hawlgalkaasi oo
WAAJIDPRESS u waramay ayaa faahfaahin naga siiyey tirada hubka iyo noocyadiisa, kuwaasoo kala ah sidan;-
- Qoriga DHSK = 125 Xabo
- Qoriga BKM= 250 Xabo
- Qoriga RPG = 300 Xabo
- Qoriga AK47 = 300 Xabo
- Qoriga Hoobiyaha = 222 Xabo
- Bambooyinka gacanta (F1) = 3,200 Xabo
- Rasaas aad IYO aad u fara badan isuguna jirta noocyada kala duwan.

Muranka ka dhashay hubka:

Sida saraakiisha u sheegeen BANA , intii hawlgalka hubkan lagu soo qabtay uu socday waxay ciidamada nabadsugida la kaashadeen ciidamada AMISOM gaar ahaan cutubka Uganda ee ilaaliya madaxtooyada, waxaana su’aalo la weydiiyey qaar ka mid ah ilaaladii hore ee guriga u joogtay intii uu deganaa Aadan Saransoor iyadoo hubka iyo rasaastii loo daabulay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo lagu hayo illaa hadda.

Dood xoog leh ayaa arintan ka taagan illaa hadda kadib markii taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye oo KA soo jeeda TUNNI-DIGIL IYO MIRIFLE iyo Aadan Saransoor oo wada socda ay u dacwoodeen AMISOM iyagoo sheegay in hubka lala wareegay uu ahaa hub beeleed lana soo celiyo, arintaasoo AMISOM weli ka biya diidsan.

Madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed iyo taliyaha booliska Gen Sheekhuna Maye oo aad isugu dhowaa ayaa iyaguna hadda ku kala tagay arinta hubkan laga helay meel u dhow madaxtooyada, waxaana wararka qaar ay sheegayaa in madaxweynuhu amaray in xilka taliyaha booliska uu sii wado taliye ku xigeenka booliska illaa inta doorashada madaxtinimada ay ka dhacayso oo dawlada cusub xilka kala wareegeyso.

Saraakiisha Villa Soomaaliya waxay kaloo codsadeen in la baaro halka hubka uu ka yimid markiisii hore iyo ujeedada loogu keydiyey guri ku dhow madaxtooyada.

WAAJIDPRESS waxay isku dayday inay arinta hubka wax ka weydiiso saraakiisha sare ee AMISOM hase yeeshee way ka cudurdaarteen ka hadalka arintan maadaama weli muran uu ka jiro hubka lala wareegay. Arinta waxay u eg tahay in muranka ka dhashay hubka lagu xiriirinayo loolanka doorashada ee hadda u dhexeeya masuuliyiinta hore ee DKMG ah oo dhamaantood ah musharixiin.

About these ads

3 Responses to “War deg deg ah: HUB UU LAHAA AADAN SARAN SOOR OO AMISOM QAADATEY KADIB MARKII LAGU SOO BASAASEY”

  1. Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Maxad ka ogtahay shirqoolada Shariif Xasan iyo Shariif Sheekhunaa iyo sirta ka dambeysa? Says:

    [...] War deg deg ah: HUB UU LAHAA AADAN SARAN SOOR OO AMISOM QAADATEY KADIB MARKII LAGU SOO BASAASEY [...]

  2. Qorshihii Qarsoonida ee Taliyaha Ciidanka Booliska Sharif Sheekhuna iyo Sharif Sakiin! « Somali Activits Group Says:

    [...] War deg deg ah: HUB UU LAHAA AADAN SARAN SOOR OO AMISOM QAADATEY KADIB MARKII LAGU SOO BASAASEY [...]

  3. Qorshihii Qarsoonida ee Taliyaha Ciidanka Booliska Sharif Sheekhuna iyo Sharif Sakiin! « For the Defense of Human Rights Says:

    [...] War deg deg ah: HUB UU LAHAA AADAN SARAN SOOR OO AMISOM QAADATEY KADIB MARKII LAGU SOO BASAASEY [...]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: