WAAJIDPRESS – 30 AUG 2012:
Daqiiqado ka hor ayaa weerar dhanka cirka Iyo dhulka isugu jira waxaa degmada Afmadoow kasoo qaaday ciidamo fara badan oo ka tirsan Kuwa Kenya kuwaas oo isku dayay inay isku ballaariyaan dhulka howdka ee Jubooyinka waxaana gaadiidka Ciidanka Kenya ay ku soo baxeen wararka aanu ku heleynaa in ay gaarayaan Ilaa 70 gaari oo kuwa dagaalka ah ayna dhanka hawada ka wehlinayaan ilaa 5 diyaaradood oo nooca qumaatiga uduulo ah.
Kooxda Al Shabaab oo duulaanka lagu soo qaadey ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney afka ciida u dartey ciidankii duulaanka ahaa oo cirka iyo dhulkaba kasoo weerarey Shabaabku meelihii ay joogeen.
wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidankii duulaanka ahaa ee soomaalida iyo kenyaatigu is baheysanayey ahaa laga soo ridey hal dayaaro oo nooca qumaatiga u kaca ah kadib markii qoriga Lidka dayaaradaha ah ay la heleen shabaabku sida ay dadka deegaanku ussheegeen wakaalada BANA oo meelahaasi la xiriirtey.
Rasmi ahaan deegaan ahaan goobta ay shabaabku kusoo rideen dayaarada ayaa waxaa lagu sheegey inta u dhaxeysa deegaanada Miiddo Iyo Afmadoow laakiin ay ku dhacday Tuulo Oomane.
Xarakada Shabaabku weli si rasmi ah aan ugu hadlin Dayaarada lasoo ridey, sidoo kale kama aysan hadlin dowlada kenya weli laakiin waxaa la filayaa saacadaha soo socda iney ka hadli doonaan weliba ay shaacin doonaan khasaaraha dagaalka dhimasho dhaawac oo aan weli si faah faahsan loo ogeyn halka ay la egyihiin.
September 1, 2012 at 5:46 am |
Asc salan kadi waxan kufaraxsanahay jabka sogaray acda,ulahi& acda,ul-muslimin okala ah kufarta kaso dushay kenya mushrikinta kadushay dhusamareb iyo murtadinta isku shega dowlad الله أكبر الله الله. Waxan leyahay kufarta iyo daba dhaqoda ogada inadan guleysan donin adun & akhira insha alah (اللهم انصر إخواننا المجاهدون في سبيلك اللهم انصر إخواننا الصومال الذين يجاهدون في سبيلك)