DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo Berito Safarkii ugu Horeeyay Uga Ambababaxay Muqdisho, Beledweyne iyo Garowe oo uu Isu Mari Doono

Muqdisho (WAAJIDPRESS): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berito oo Isniin ah markii ugu horeysay safar dhanka cirka ah kaga ambabixi doona magaalada Muqdisho, sida ay caawa Raxanreeb u sheegeen saraakiil madaxtooyada oo aan la hadalnay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkiisa koowaad ku tagi doona magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo fatahaad ka dhalatay wabiga Shabeelle ay sababtay in magaalada ay dad badan isaga barakacaan iyadoo dadka kale ee magaalada ku harayna ay aad u liidato.

Mid ka mid ah saraakiisha madaxtooyada ayaa Waajidpress u xaqiijiyey in madaxweynuhu marka uu dhameysto booqashada dhulka ay fatahaadu saameysay ee magaalada Beledweyne kadib uu u duuli doono magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Booqashada Garowe :

Wararka ayaa intaa raacinaya in madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah saraakiisha madaxtooyada ay kulamo la soo qaadan doonaan madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Wax badan lagama oga kulanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan Faroole dhexmari doona waxyaabaha looga hadlayo rasmi haan, hase yeeshee wuxuu kulanka imaanayaa xilli weli madaxtooyada Villa Soomaaliya ay ku guda jirto wadatashiyada ku aadan magacaabista raysul wasaaraha cusub ee dalka iyadoo waqtiga 30-ka cisho ee madaxweynuhu sharci ahaan u heysto inuu ku magacaabo wasiirka koowaad ay hadda ka harsan tahay illaa 10 maalmood oo kaliya. Arimaha magacaabista raysul wasaaraha iyo aragtida madaxweynaha Puntland ayaa suurtagal ah in kulanka lagu soo qaado.

Waxaa kaloo jirtay in madaxweyne Faroole uu si weyn u soo dhoweeyay doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo uusan Faroole ka soo qeybgalin caleemasaarkii madaxweynaha cusub ee dalka ee Muqdisho ka dhacay 16-kii bishan.

Sida saraakiisha Villa Soomaaliya ay cadeeyeen, booqashada madaxweynaha uu ku marayo labada magaalo ee Beledweyne iyo Garowe waxay qaadan doontaa hal maalin wuxuuna isla berito gelinka dambe dib ugu soo laaban doonaa Muqdisho.

About these ads

One Response to “DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo Berito Safarkii ugu Horeeyay Uga Ambababaxay Muqdisho, Beledweyne iyo Garowe oo uu Isu Mari Doono”

  1. Hassan Abdi Says:

    waxaan websaayitka WAGID u shegaaya inay xaqijiiyaan wax kasta ay ku soo qoraayaan websaayitkooda. Warbixinta aad kor ku soo qorteen ee ku saabsan safarka Madaxweeynaha ee Gobollada Mudugh iyo Puntland waxay noqotey mid aan waxba ka jirin. Marka si shacabka idin ku aaminio waa inaad websaayitkiina ku soo qortaan wax la hubaa, haddii kale shacabka ma aqrisanaayan mana aaminaayaan qoraalladiina.

    Xassan cabdi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: