Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Maalmihii ugu danbeeyay wuxuu Telfoonka si is daba jooga ugula hadlayay C/welli Gaas oo ku maqan Wadanka Maraykanka halkaasi oo shirar looga hadlayo Arimaha soomaaliya ka dhaceen.
Madaxwaynaha ayaa kula balamay C/welli inuu Muqdisho iska soo xaadiryo marka uusoo dhamaado Shirka New york, Waxana haatan Muuqata in C/welli Gaas uu oga baxay Madaxwaynaha oo uu xiligani wali ku maqanyahay dalka Dibadiisa.
Xassan Sheikh Maxamuud ayaa damacsanaa inuu Magacaabo Raizul Wasaaraha Maanta oo Taariikhdu ku beegantahay 29bisha waxaana dib u dhaca ku yimid sababay C/welli Gaas oo wali ka iman Safarkii loo diray waxaana hubaal ah inuu Doonayo dib u dhac inuu ku yimaado qaybaha kala duwan ee Hay’adaha Dowlada si loo yiraahdo Dowladani waa mid oga dartay Shacabka.
Madaxwaynaha ayaa ilaa Maanta wada olole kii ugu danbeeyay oo C/welli Gaas loogu yeerayo inuu Muqdisho ku yimaado si deg dag ah si loosoo Magacaabo Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
C/welli Gaas ayaa la sheegay inuu si gaara dib u dhacyada ku imanaya ku dhawaaqista Xilka Raizul Wasaaraha uu qayb xoogan ka yahay, kadib markii uu ogaaday inaan isaga loo magacaabayn Jagadaasi.
Sikastaba Xassan Sheekh Maxamuud ayaa looga Fadhiyaa inuu Saacadaha soo socda ku dhawaaqo magaca Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
September 30, 2012 at 11:05 am |
Madaxwene ma san kumoday misne sidad ulabeyneso ismala han dalka ada ka masula kudhuwaq cidi wax tareso
September 30, 2012 at 11:18 am |
Waxa kasari kara marxalada dhibka badan e kuhor tala farmaajo e halaba laben alah aya rag kadhigay e umada somaliyed dantoda dad ehel u ahen taladoda haracin hosha kuhortala de deji kanasar gumeysiga guraxan e regalbedka igana sowac no 0720493575
September 30, 2012 at 6:27 pm |
Madaxweyne,
Masuuliyadda dalka iyo shacbiga adiga ayeyy ku saarantahay, go’aankaaga wa muhim. Ma ahan inaad sugtid raisulwisaare oo waqtiisa dhammaday kuna maqan danahiisa. Meega Madaxweyne oo lagu sameeyey inqilaab iyagoo dalkooda ka maqamyihiin, Cabdi Wali ma ahan madaxweyene, waa la magacaabay, waanna laga qaadan kara.
Marka, shacbiga adiga ayaa wax ka suugaayaan, soo magacaaw qofka u qalma jagada Raisulwisaare, adigoo isticmaalaaya khibradaadi, kana leexanaaya presharka dadka daneestayaasha.
Waa Maa Towfiiqy Illa BillAah.
Hassan abdo