Archive for October, 2012

Qeybtii Afaraad Cutubyo ka Tirsan Ciidamada dalka Jabuuti oo gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

October 31, 2012

WAAJIDPRESS – 31 OCT 2012:

Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa maalintii shalay gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo ku hubeysan gadiidka dagaallka islamarkaana sita hub iyo saanad militari ayaa noqonaya raacii ama qeybtii afaraad ee ciidamo ka socda Jabuuti oo gaaray magaalada Baladweyne.

Saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan wali ciidamo kale oo la filayo in ay soo gaaraan magaalada, iyadoo marka ay soo dhameystirmaan tirada ciidamada lagu wado in ay la wareegaan sugida amniga iyo saldhigyada ciidamada Itoobiya ay hadda kaga sugan yihiin magaalada Baladweyne.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay kulan balaaran ku yeesheen saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne, kaasoo looga wada hadllay arrimo quseeya sugida nabad-galyada iyo tababaro loo furayo dhalinyarrada hubeysan ee u abaabulan habka beeleedka.

Marka laga soo tago howlaha militari waxaa ay sheegeen saraakiisha ciidamada Jabuuti in sidoo kale ay gacan ka geysan doonaana arrimaha ay ka mid yihiin dib u dhiska adeegii bulshada ee ku bur buray dagaallada.

Ra’iisal Wasaare Saacid Oo Uhogaansamay Go’aanka Xisbiga PDP Golaha Wasiirada Cusub Oo lagu dhawaaqayo

October 31, 2012

WAAJIDPRESS – 31 OCT 2012:

Tirada Wasiirada uu ku dhawaaqayo R/Wasaaraha ayaan wali si rasmi ah loo ogaan inkasta oo ay jiraan wararka qaar ee la helayo kuwaa oo sheegaya in R/Wasaare uu haatan noqday ruux u hogaansamay soo jeedinta Xisbiga PDP iyo Madaxweynaha ee ku aadanaa in Golaha Wasiirada aysan ka badan 9-Wasaaradood iyo Wasiiro kuxigeeno iyana aada u tiro yar.

Inkasa oo Warar kale oo iyana soo baxay sheegayaan in Wasiirada laga yaabo in laga dhigo 10 Wasiir ama ugu badnaan 14-Wasiir taa oo wali dhaliilo badan laga muujinayo iyadoona laga cabsi qabo in Xukuumada Cusub ee Mucaarad kala kulmaan Baarlamaanka Soomaaliya oo lasaadaalinayo in ay u diidi doonaan Codka Kalsoonida.

Magacaabista Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay dib u dhacdo ilaa maalinta berito ah waxaasa Wararka aan helnay sheegayaan in ay dhamaadeen Wadatashiyadii laga lahaa golaha Wasiirada dhamaana magacyadooda gacanta lagu hayo ayna dhiman tahay in magacooda uu ku dhawaaqo kaliya R/Wasaaraha.

War Deg Deg Ah Odayaasha Beesha Xawaadle oo ka carooday hadal la sheegay in Madaxtooyada kasoo baxay(Maxaa Sababay Carada)

October 31, 2012

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Beesha Xawaadle ee ku sugan Magaalada Muqdosho ayaa aad uga carooday Hadal la sheegay in uu kasoo baxay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaa oo ku aadan in Beesha Xawaadle helitaanka Wasiir ay ku heli doonto ama ku weyn doonto qoryo tuur iyo Nasiib.

Odayaasha ayaana aad uga carooday Hadal suuqa soo galay oo ah in Beesha Xawaadle iyo Beesha Murusade loo sameyn doono Qori tuur ku aadan helitaanka mid kamid ah Labada Wasiir ay heli doonaan Beesha Hawiye hadii Golaha Wasiirada lagu soo koobo 9-Wasiir.

Mid kamid ah Wasiirada ayaa loo qoondeeyay wax shaki ahna aan laga galin Beesha Habar gidir balse la sheegay in Kursiga kale ay Qoryo tuur iyo nasiib ku kala qaadan doonaan labada Beel ee kala ah Xawaadle iyo Murusade.

Nabadoon Axmed Cali Diini oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Beesha Xawaale oo ka hadlay arintan ayaa Sheegay In Beesha Xawaadle aysan wayn karin Wasiir shegayna In Beesha Dhulka ay maamusho uu yahay Dhul Aad Istaraatiijji ah oo Dowladda u baahantahay .

‘’Waan ka Fiirsan doonaan Dowladda hadii ay keenaan warkan ah in Qori tuur la sameenayo , Beesha Xawaadle Qori tuur iyo Wax lamid ah ma aqbalayso Ee Dowladda Waa inoo bahaantahay Ee siyaasad Xumida kasoo Yeertay Dowladda waa in ay joojisaa’’ ayuu yiri Nabadoon Axmed Cali Diini.

Hadlkan kasoo baxay qaar kamid ah odayaasha Dhaqanka ee Beesha Xawaadle ayaa imaanaya xili ay soo badanayaan qeylo dhaanta kasoo yeereysa Beelaha Soomaaliyeed ku aadan in ay waayaan Wasiir marka loo eego awood qeybsi.

War deg deg ah: Gudoomiyaha Towfiiq oo hada Muqdisho Lagu diley

October 31, 2012

WAAJIDPRESS – 31 Oct 2012:

War deg deg ah oo haatan kusoo dhacay warqabadkeena Magaaladda Muqdisho ayaa shegaya in dil bareer ah loo gaystay Gudoomiye xaafadeed katirsanaa dowlada Soomaaliya.

Sedex Nin oo hubaysan ayaa toogasho ku dilay Alla ha unaxariistee Xasan Maxamuud Rooble oo ahaa gudoomiyihii Xaafada Towfiiq.

Ragii dilkiisa ka danbeeyay oo waji duubnaa ayaa goobta isaga cararay waxaana gaaray ciidamo katirsan dowalda oo meydkiisa goobta ka qaaday.

Lama Oga waxa ay yihiin kooxda dilka gaystay, inkastoo weeraro ay ka gaystaan Muqdisho dagaalyanada Shabaab ee dowlada kasoo horjeeda.

“Rasas badan ayaa kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa, meydkana hada ayaa la qaaday”ayuu yiri goob jooge dul tagay meydka oo saxaafada lahadlay.

Amaanka Muqdisho ayaa faraha kasii baxaya iyadoona rag hubaysan ay gaysanayaan falalkaas amaan xumadda ah.

Gaas iyo Faroole oo ay ka dhex tafan tahay + Gaas oo loo hanjabay laguna amray inuu isaga baxo Boosaaso.

October 31, 2012

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Maxamad Cali gaas hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka soomaaliya ayaa maanta waxaa u yeeray saraakiil ku sugan Boosaaso isagoo hanjaabdna kala kulmay.

Gaas ayaa waxaa mudooyinkan uu socdaal ku soo kala bixinayay deegaano badan isagoo kula shirayay odayaal Boosaaso dhexdeeda.

Xildhibaanka iyo Wafdigiisa ayaa gaaray halka looga yeeray oo ah Xarunta maamulka gobolka bari waxaana Madaxdii la hadashay Gaas kamid ahaa C/samad Maxamed Gallan oo ah Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Saraakiil.

Kulanka oo albaabada uu u xirnaa ayaa waxaa intaa ka dib ka soo baxay war ah in Gaas uu joojiyo kulamada ay la qaadanayaan Odayaasha,waxaana loo sheegay Cabdi Wali Gaas in amarkaan uu ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ee Madaxwayne Faroole.

Warar hoose oo ay helayso shabakada Caasimada ayaa sheegaya in Gaas uu diiday inu joojiyo kulamada uu bulshada la qaadanayo waxaana uu sheegay inuu yahay Xildhibaan soomaali ahna Muwaadin soomaliyeed uuna xur u yahay inuu shacabka la hadlo.

Gaas ayaa ku goodiyay in Puntland ay tahay halka uu ka soo jeedo,waxaana shirka lagu kala kacay iyadoo wax go’aan ah uusan ka soo bixin.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee soomaaliya iyo Madaxwaynaha Puntland ayaa meel iska arkay halkaas oo ah inuu Gaas rabo in kursiga madaxwayne ee Puntland uu faroole kula tartamo.

DAAWO DAYAARAD QALAB MILITIRI SIDA OO BAYDHABO KA DEGATAY MAANTA

October 31, 2012

WAAJIDPRESS:

Dayaaradaan oo aheyd mid ay la socdeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowlada Federaalka ayaa waxay kasoo degatay Garoonka Dayaaradaha ee Degmada Baydhabo ayadoo sidey Qalab Militiri.

Qalabka military waxaa soo dhiibey dowlada Maraykanka; wayna ku mahadsan yihiin.

Rasmi ahaan lama faah faahinin inta uu la egyahay Qalabkaan Militiri balse waxaa kamid ahaa ragii Qalabkaasi dayaarada siday la socdey Wasiir kuxigeenka Wasaaradii Gaashaandhiga waqtigeeda dhamaadey GEN. CATOOSH waxaana Qalabkaasi lagu wareejiyey Saraakiisha Ciidamda Dowlada Ee Magaalada Baydhabo.

Qalabkaan Militiri ayaa waxaa loogu talagalay in la siiyo ciidamo gaaraya 2569 oo ka soo jeeda digil iyo mirifle oo ITOBIYA tababartey oo ku jira xerada weyn ee lagu magacaabo dhibow ee Gudaha magaalada Baydhabo kuwaasoo maamulka Gobolka Baay ay u qorsheeyeen iney wax ka qaban doonaan amaanka Baydhabo marka loo dhameystiro Agabkooda Ciidan.

Dhinaca Kale waxaa Baydhabo laga wadey Labo Aadan , Aadan Biid & Aadan Duudisho kuwaasoo loo badinayo in loo bedelay gobolada kale ee deegaanada shabaabka laga saarey.

War deg deg ah: Gudoonka Baarlamaanka oo loo soo jeediyey in Saado Cali laga qaado xildhibaanimada

October 31, 2012

Waxaa buuq ka taagan yahay kamid ahaan shaha Baarlamaanka ee Xildhibaanadda Saada Cali kadib markii lagu eedeeyay inay ka qeyb qaadatay bur-burkii Dalka Somalia
Xildhibaanadda Saada Cali Warsame ayaa lagu eedeeynaaya inay qeyb libaax ka ahayd dhicitaanka Xukuumaddii dhexe ee Somalia oo uu hogaanka u ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre
Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa iminka uu ka dhex dhashay murun ku aadan Xubinta Saada Cali iyo sababaha kadanbeysay inay kamid ahaato Baarlamaanka Somalia maadama ay ka qeyb-qaadatay Bur-burintii Xukuumadda Siyaad Bare oo haatani laga dhexlay dhibaato baahsan
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof Jawaari iyo Xildhibaanadda ayaa waxaa iminka miiska u saran ka hadalka Saado Cali oo iyadu Ehel u ahayd burburkii Somalia ee dhowrka sano soo maray
Macadda sida ay ka yeeli doonaan Baarlamaanka Somalia buuqa ku aadan Saada cali sida laga soo xigtay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka ayaa shabakadda markonews u xaqiijiyay in Saado cali xiligaani looga baahneyn kamid ahaanshaha Baarlamaanka Somalia waxa uuna sheegay inay fasahaadin doonto Go’aanka baarlamaanka uu ku yeelan karo xalinta Khilaafata .

War Hada soo dhacay: Ku dhawaqidii Golaha Wasiirada oo dib loo dhigay “Sabab”

October 31, 2012

Warar haatan naga soo gaaray xarunta madaxtooyada ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegaya in dib loo dhigay magacaabidii Golaha Wasiirada.

Wariyaal looga yeeray Madaxtooyada ayaa soo sheegaya in Wariyaasha lagu wargeliyay in ay goobta isaga tagaan oo aan maanta wax lagu dhawaqi doonin.
Sidoo kale waxaa loo sheegay in beri dib loogu dhigay magacaabida Golaha Wasiirada.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ay ahayd in galabta lagu dhawaaqo golaha Wasiirada, hadana uu yimid khilaaf kale oo ku aadan golaha wasiirada tirada ay
noqon doonaan.

Tirada golaha wasiirada ayaa la isku hayaa in ay noqdaan 9 ama 18 taas oo dib udhaca keentay.

War deg deg ah: Taliye sare oo laga dilay Dowladda.

October 31, 2012

Warar hada soo dhacaya ayaa sheegaya in magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka hiiraan lagu dilay Taliyihii Ciidamada dowlada soomaaliya ee gobollka hiiraan.

Taliyaha ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu toogtay askari ka tirsan ciidamada dowlada soomaaliya,waxaana ninkan wax dilay uu ka qayb yahay askar horay gadood ugu samaysay Beladwayne.

Dilkaan ayaa waxaa uu yimid markii taliyaha uu tagay buundo Liiq liiqato oo ciidamada dowlada Isbaaro ay u taalo kadibna ay ka caroodeen go’aankiisa.

Askariga dilay Taliyaha ayaa goobta ka baxsaday in kastoo ay jiraan ciidamo kale ee dowlada oo baadi goobaya .

Dhacdadan ayaa noqon doonta mid cabsi gelisa ciidamada Shisheeye ee jooga Beladweyne Maadama dowlada ay dhexdooda ay is diliyaan ka hor cadaw kale.

XOG HOOSE:- Labada Shariif oo qorshe culus markaan soo wada (WAA MAXAY)

October 31, 2012

WAAJIDPRESS – 1 nov 2012:

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markaan waxay soo wadaan qorshe cusub oo aan caadi ahayn iyaga oo weli u muuqda kuwo xil raadis ah.

Shariif Sheekh Axmed ayaa wada abaabul uu ku doonaayo in uu madaxweyne uga noqdo maamul gobaleedka Banaadir kaa oo loogu tala galay inuu maamulo gobalada Shabeelaha dhexe iyo Banaadir, waxaana dhawaan uu ku dhawaaqi doonaan inuu yahay madaxweynaha maamulkaasi.

Shariif Sheekh Axemed ayaa horay u fangareeyay dhismaha maamulkaasi, waxaana uu ka damacsanaa in sidaan oo kale uu mar madaxweyne ugu noqdo maamulkaasi hase ahaatee arintaasi ayaa xilligaan usoo dhaw.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna markaan waxa uu doonayaa inuu soo magacaabo maamul gobaleed ka wada arimiya gobalada Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo, waxaana maamulkaasi uu doonayaa inuu ahaado mid uu beri ka maalin ku gor gortama.

Labada Shariif ayaa maalmahaan dambe waxay ahaayeen kuwo ku tala jiray amaba baadi goobaayay meel ay madaxa kasoo jeediyaan islamarkaana ay kula gor gortamaan dowladaan cusub maadaama ay Federaal tahay.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers