Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Maxamad Cali gaas hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka soomaaliya ayaa maanta waxaa u yeeray saraakiil ku sugan Boosaaso isagoo hanjaabdna kala kulmay.
Gaas ayaa waxaa mudooyinkan uu socdaal ku soo kala bixinayay deegaano badan isagoo kula shirayay odayaal Boosaaso dhexdeeda.
Xildhibaanka iyo Wafdigiisa ayaa gaaray halka looga yeeray oo ah Xarunta maamulka gobolka bari waxaana Madaxdii la hadashay Gaas kamid ahaa C/samad Maxamed Gallan oo ah Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Saraakiil.
Kulanka oo albaabada uu u xirnaa ayaa waxaa intaa ka dib ka soo baxay war ah in Gaas uu joojiyo kulamada ay la qaadanayaan Odayaasha,waxaana loo sheegay Cabdi Wali Gaas in amarkaan uu ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ee Madaxwayne Faroole.
Warar hoose oo ay helayso shabakada Caasimada ayaa sheegaya in Gaas uu diiday inu joojiyo kulamada uu bulshada la qaadanayo waxaana uu sheegay inuu yahay Xildhibaan soomaali ahna Muwaadin soomaliyeed uuna xur u yahay inuu shacabka la hadlo.
Gaas ayaa ku goodiyay in Puntland ay tahay halka uu ka soo jeedo,waxaana shirka lagu kala kacay iyadoo wax go’aan ah uusan ka soo bixin.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee soomaaliya iyo Madaxwaynaha Puntland ayaa meel iska arkay halkaas oo ah inuu Gaas rabo in kursiga madaxwayne ee Puntland uu faroole kula tartamo.
October 31, 2012 at 9:22 pm |
Puntland waxaa uu ka dhexeeyaa Beelaha dega dawlad goboleedka Qof kasta oo u dhashay ama deggen gobolkaasi waxaa uu xaq u leeyahay si xor ah inuu cabbiro aragtidiisa isagoon la caburin karin intaa ka dib Mudane C/wali Cali Gaas waa nin xildhibaan ah oo ka tirsan dawladda dhexe ee federaalka soomaaliya isagoo matalaya bulshadiisa reer puntland waana nin ahaa ra,iisul wasaaraha dawladda federaalka soomaaliya, marka nin sharaftaas xambaarsan misna aaminsan dimoqraadiyad iyo xuriyatul qowl ilama aha in lagu amri karo shir ha qabanin oo dadkaaga aad matalaysid hala shirin ma dhici karto puntland waa maamul goboleed xor ah oo dastuur leh ninna kama tillaabsan karo qodobada dastuurku waxa ku qoran ee buuq yaan la abuurin meesha nabadgalyadeeda iyo midnimada bulshada reer puntland hala adkeeyo hana la xoojiyo.