Mucjisada tiro ee Suuradda Al Naas (Mucjisooyinka qur’aanka)

Quraanka aynu aqrinna ee Ilaahay inoogusoo dhiibey Nebi Muxammad (NNKH) wuxuu leeyahay mucjisooyin, halkii aayadna waxaa hoos imanaya in kabadan 1000 cilmi ah, sida uu Ilaahay inoo sheegeyna markuu ka hadlayay cilmiga ku qarsoon aayadaha Quraanka wuxuu yiri

”’قال تعالى: ﴿إن هو إلا ذكر للعالمين* ولتعلمن نبأه بعد حين﴾ (سورة ص، الآية:87-88).‘

”Wax kale maahane Quraanku waa waano u sugnaatay caalamiinta oo dhan. Waadna ogaan doontaan warkiisa (dhabta ah) goor dambe (yacni casriga tiknoloojiyada)”.

Waxaa kaloo Alle asagoo arrinkaasi inooga warramaya uu yiri

لِّكُلِّ نَبَإٍ مُّسْتَقَرٌّ وَسَوْفَ تَعْلَمُونَ (67)(الأنعام)

”Warkastaahiba wuxuu leeyahay waqti cayiman oo uu kusugnaado lana ogaada xaqiiqdiisa qarsoon waadna ogaan doontaan”. Al Ancaam: 67d

Intaa kadib maanta waxaynu jecellahay inaanu soo bandhigna mid kamid ah mucjisooyinka Quraanka gaar ahaan mucjisada raqameed ee Quraanka Kariimk. Waxaynu eegi doonnaa mucjisada raqameed ee suuraddan Al Naas iyo asraarta ku hoos qarsoon in Ilaahay u doortay suuradda ugu dambeysa Quraanka.

Suuraddani waxay lasoo degtay suuradda Al Falaq, sababtii ay kuso degtayna waa qiso caan ah. Waxay qisadaasi ahayd in Nebigu (NNKH) la sixray, oo uu sixray nin laoran jirey Lubayd bin Al Acsam oo Yahuuddii reer Madiina kamid ah. Dabeeta baa Eebbe sarreeye uu usoo dejiyey Nebiga (NNKH) iyo Muslimiintuba aayadahan qiimaha badan ee labada suuradood si Sheydaanka iyo sixirka laysaga celiya.

Nebigu (NNKH) wuxuu aqrin jirey salaad waluba kadib iyo weliba labada cir gaduud (galab iyo subaxa), sidoo kale markuu seexanaya ayuu aqrin jirey, waana labo suuradood oo uu sidaas u barijirey saxaabadiisa, sidoo kalena wuxuu ku dari jirey suuradda Al Ikhlaas.

Isagoo inooga warramaya Nebigu (NNKH) weynida suuraddan wuxuu yiri asagoo la hadlaya Ibnu Cabbaas

”Ibnu Cabbaasoow!! miyaan kaaga warramaa labada ay dadka wax magan gala ku magan galaan (Allaah)”? Wuxuu yiri ”Haah!! Rasuulkii Alloow (NNKH)”. Wuxuu yiri ”Waa Qul-acuudu birabbil Falaq iyo Qul-Acuudu birabbin Naas”. (Silsiladda saxiixa).

Dhanka kale waxaa habboon inaynu isla ogaanno in raqamka 7 uu yahay raqam asaasi u ah Quraanka, waana raqamka ugu mucjisada badan Quraanka iyo diinta Islaamka oo dhami. Suuradda Quraanka ugu horreysa waxay ka kooban tahay toddoba aayadood, aayadda keliya ee Nebi Ciise iyo Aadam ay ku kulmaan waa aayadda toddobaad ee marka tartiibka Quraanka lasoo tiriya ah midkiiba, taasoo ku jirta suuradda Aali Cimraan. Suuraddaasi magaceeduna wuxuu ka kooban yahay toddoba xaraf. Samadu waa toddob, dhulkuna sidoo kale, dawaafku kacbadana waa toddoba, sacyiga Safa iyo Marwana waa toddoba, jarmaadka la tuura xilliga gudashada xajkuna waa toddoba toddoba, iyadoo isku dar dhagaxyada la tuuraahi ay yahiin 49 dhagax, kuwaasoo lagu gano Ibliiska.

Haddaba waxaynu eegi doonnaa suuraddan uu Ilaahay u doortay inay noqota suuradda ugu dambeysa Quraanka iyo xaqiiqada raqamka 7. Waxaan sidoo kale eegeynaa suuradda caksigeeda ah suuraddan (Al Faatixa) ee Quraanka ugu horreysa iyo calaaqada raqameed ee ka dhaxaysa suuraddan Al Naas hadduu Eebbe inoo qaddaro.

Xaqiiqada koowaad

” { بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ * مَلِكِ النَّاسِ * إِلَهِ النَّاسِ * مِنْ شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ * الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ * مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ } .

{ 1 – 6 النَّاسِ}

Suuraddu waxay ka kooban tahay 6 aayadood, kalmadda ugu badan ee suuradda kusoo noq noqotayna waa kalmadda (النَّاسِ), taasoo kusoo noqnoqotay aayad walboo kamid ah suuradda, waana kalmadda ay suuradda magaca ka sidata. Sidoo kale hadday suuraddu tahay suuradda ugu dambeysa Quraanka kariimka, kalmaddeeda ugu badanna waa kalmadda ugu dambeysa Quraanka. Maxaa yeelay aayadda ugu dambeysa ee suuraddaasi waxay ku dhammaataa isla kalmaddaas.

Haddaynu markaa fiirinna kalmaddaasi Al Naas (النَّاسِ), inta xaraf ee ay ka kooban tahay, waxaa inoo soo baxaysa alif, laam, nuun iyo siin (ال نَّ ا سِ). Subxanallaah ka warrama haddana xuruuftani ay ka kooban tahay kalmadda ugu badan ee suuradda kusoo noqnoqta waa xuruufta sidoo kale ugu badan ee suuradda kusoo noqnoqday markaynu wada eegna aayadaheeda oo dhan.

Xarafka alif wuxuu kusoo noqnoqday suuradda 18 mar, laamkuna wuxuu kusoo noqnoqday 12 mar, nuunkuna 9 mar, siinkuna wuxuu kusoo noqnoqday 10 mar.

Haddii xuruufta ay ka kooban tahay kalmadda ugu badan ee suuraddaasi kusoo noqnoqtay (النَّاسِ)aynu eegnay waxaanu helnay inay yahiin iyana xuruufta ugu badan ee suuradda kusoo noqnoqday, haddaynu isku darna natiijada aynu helnay marka aynu tirinnay xuruuftaasi waa sida tan

18+12+9+10=49

Subxanallaah!! Sabab 49?

Ugu horreyn raqamka 49 waa labo laabka raqam mucjiseedka 7, haddiina aynu u qeybinna 49 raqamka 7 waxaynu heleynaa raqam mucjiseedkaasi 7.

Dhanka kale aanu xasuusnna marka jaramaadka la tuuraya waqtiga gudashada xajka waxaa lagu tuuraa Ibliis oo lagu fogeeyaa, waxaana loo tuuraa toddoba toddoba, iyadoo isku dar ay noqdaan 49, subxanallaah. Ka warrama suuraddii uu Ilaahay usoo dejiyey in Ibliis lagu fogeeya sida jarmaadka latuuraya oo kale loogu fogeeyey in kalmaddeeda ugu badan ee kusoo noqnoqota xuruufteeda ay noqdaan kuwa ugu badan ee suuradda kusoo noqnoqday, haddaynu tirinnayna aanu helnay in lamida ah inta jarmaadka la tuura oo Ibliiska lagu fogeeya, taasoo ah tirada 49?

Subxanallaah!! miyaanay tani ahayn mucjisa daahil ah oo aad uweyn? Miyaanay inala gudbooneyn inaanu niraahna Subxanallaah!! alxamdulillaah!!?

Xaqiiqada labaad

Waxaa marka xigta habboon inaynu dhanka kale eegno, Alle baa soo dejiyey Quraankan inta u dhaxaysa suuradda ugu horreysa iyo suuradda ugu dambeysa. Haddii wax la ilaalinaya ama la dhowraya meel la isugu keeno oo labada dhinac oo ugu kala shisheeya laga kala mariya labo askari si waxaasi xumaan looga ilaaliya, labadaasi askari xataa haddaanay isu dhaweyn waxay ku dadaalayaan in ay isla socdaan calaaqadna yeeshaan, oo wuxuun ay ka dhaxeeyaan. Sidaas oo kale Ilaahayga soo dejiyey Quraanka wuxuu dhex Ilaahay inta u dhexeysa suuraddan Al Naas iyo suuradda Al Faatixa ee ugu horreysa Quraanka, sidaa darteed buu haddana mucjiso raqameed cajiib ah wadaajiyey labada suuradood. Ugu horreyn raqamkii mucjisada ahaa ee 7 waaba inta aayadood ee ay ka kooban tahay suuradda ugu horreysa ee Quraanka, waana suuradda keliya ee lagu tiriya Bisinka, ee Ilaahay u doortay in bisinkeedu noqda aayad kaamil ah.

Inta u dhaxaysa suuraddan ugu dambeysa Quraanka (Al Naas) iyo midda ugu horreysa (Al Faatixa) waxaa soo dejiyey Allaah. Magac Allaahna waa kalmadda ugu badan ee Quraanka kusoo noqnoqotay (2699 mar). Haddaba haddaynu ku eegno dariiqii aynu ku eegnay kalmaddii ugu badneyd ee kusoo noqnoqtay suuradda ugu dambeysa (Al Naas), waxaan heleynaa marka hore magaca Allaah inuu ka kooban yahay alif, laam, laam, iyo haa’, ( ال ل ه/ الله),Subxanallaah xuruuftani waa xuruufta ugu badan ee kusoo noqnoqta suuradda ugu horreysa ee Quraanka (Al Faatixa), alif wuxuu kusoo noqnoqday 22 mar, laam-na 22 mar, haa’-na 5 mar. Isku darkoodu waa 49 Subxanallaah!!.

22+22+5= 49 Subxanallaah!!.

Waa cajiib xuruufta labada suuradood ugu badan ee kusoo kala noqnoqday mid waliba waa 49, taaso ka dhigan raqamka 7 oo laba jibbaaran, 7×7= 49 Subxanallaah!!.

Xaqiiqada saddexaad

Intaasi kaliya uun maaha, haddii aan fiirinnay xuruufta, bal kaalaya bal aanu eegna kalmadaha, laga yaabaa mucjisa kale inaynu aragna..

Kalmadaha ay ka kooban tahay suuradda ugu horreysa ee Quraanka (Al Faatixa) waa 29 kalmadood, kalmadaha ay ka kooban tahay suuradda ugu dambeysana (Al Naas) waa 20 kalmadood. Subxanallaah!! haddaynu isu geyna 20+ 29 waxaynu heleynaa 49, taasoo ka dhigan raqamka 7 oo labajibbaaran, 7* 7= 49, Subxanallaah!.

Ogoow!! bisinku waa aayad marka loo eega suuradda Al Faatixa ee ugu horreysa tartiibka Quraanka, laakiin aayad ahaan looma xisaabaya marka loo eega suuradda ugu dambeysa Quraanka ee Al Naas. Tanina waa mucjiso kale oo Rabbaani ah, saa maxaa yeeley Alle weeye kanka yeelay bisinka Al Faatixa inuu noqdo aayad, kana yeelay suuradda keliya ee bisinka lagu tiriya, xikmaddiisa ayaana ku jirtay arrinkaasi. Haddiina bisinka Al Faatixa aanu ahaan lahayn aayad, iskuma aanay dheeli tirnaan lahayn tirooyinkani mucjisada ah, ee ay wadaagaan labada suuradood ee cidhiyaha ka kala jira Quraanka oo dhan.

Xaqiiqada afaraad

Immika waa bal waa inaynu is weydiinnaa suuradda ugu horreysa ee Quraanka (Al Faatixa) oo suurad amaan iyo majad Allah ka sheekeyneysa, kalmadda Allaah, xuruufteeda waa xuruufta ugu badan ee suuraddaasi kusoo noqnoqday, isku darkooduna waxay noqdeen 49. Dhanka suuradda ugu dambeysa Quraanka (Al Naas) iyana kalmadda ugu badan ee kusoo noqnoqtay waa ”Al Naas”, taasoo sidoo kale ay noqotay xuruufteedu xurufuta ugu badan ee kusoo noqnoqda suuradda, isku darkoodiina ay noqdeen 49. Miyaanay tani ahayn mucjisa cajiib ah oo Rabbaani ah? Maxaase intaa ka dambeeya? Ma waxaa jirta xikmad kale oo arrintaasi ku jirta?

Nacam!! waxa kani Quraanka waa risaala ka timid xagga Allaah, Quraankuna waa inta u dhexeysa labadaasi suuradood (Al Faatixa iyo Al Naas). Waxayna inta u dhexeysa labadani suuradood (Quraanka oo dhami) ku wajahan yahiin dadka.

Mar kale aynu si kale u dhahno…

Inta udhexeysa Al Faatixa iyo Al Naas waa risaa ka timid Allaah, kuna wajahan dadka. Ka warrama kalmadda ugu horreysa tartiibka Quraanka ee kujirta suuradda ugu horreysa ee Al Faatixa inay tahay ”Bism- Allaah”, tan ugu dambeysa ee kujirta suuradda ugu dambeysana ay tahay ”Al Naas”, (dadka), taasoo inoo qeexeysa risaalada in ay tahay inta u dhexeysa labadaasi suuradood. Subxanallaah!!

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers

%d bloggers like this: