WAAJIDPRESS – 30 Nov 2012:
Qarax jug xoogan sameeyay ayaa wuxuu goor dhaw oo caawa ah uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo uu baqdin ku keenay shacabka reer Kismaayo.
Qaraxaan oo aysan kala cadeyn nooca uu yahay ayaa wuxuu goor dhaw uu ka dhacay Dhismaha Warshadii Hilibka ee Magaalada Kismaayo, oo ku taala Bartamaha Magaalada Kismaayo.
Sawaxan xoogan oo laga maqlay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xigay rasaas aan loo meel dayin, iyadoo ilaa iyo iminka rasaas aan kala joogsi laheyn laga maqlaayo Magaalada Kismaayo.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxay dareen ka muujinayaan in Ciidamada Huwanta ay wax yeelo kula kacaan shacabka reer Kismaayo, bacdamaa Ciidamada Huwanta looga bartay inay hawl galo ballaaran kula dhaqaaqaan, xilliyada ay qaraxyadu ka dhacaan Magaalada.
Warshadii Hilibka ee Magaalada Kismaayo oo ku taala inta u dhaxeyso Xaafadaha Guulwade iyo Farjano, ayaa waxa suura gal tahay in shacabka aaggaasi ku dhaqan ay hawl galo kula kulmaan Ciidamada Huwanta.
Maanta ayay ahayd markii Magaalada Kismaayo lagu dilay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Fanax, kaasoo ay dhawr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa uga dhufteen niman bistoolado ku hubeysnaa.
Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa labadii bilood ee ugu dambeysay ka dhacaayay weeraro qorsheysan oo dilal iyo qaraxyabo leh, iyadoo ay markaasi fulinayaan Ciidamada Amniyaadka ee kooxda Al Shabaab.