Salaadiinta & Xildhibaanada Gobolada Jubbooyinka oo hal meel uga soo jeestay Saraakiisha Raaskambooni

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ka soo jeeda iyo Salaadiinta Jubbooyinka, ayaa waxay iyagu iska fogaayeen eedeymo lagu tuhmaayay, haddii ayba jiraan.

Xildhibaano, Salaadiin iyo Wax garad ka soo jeeda Gobolka Jubbooyinka, ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ay kulan ballaaran kula qaateen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane C/Kariin Xuseen Guuleed.

Suldaan Rashiid Buube Nuur oo ka tirsan Salaadiinta sida weyn leh looga yaqaano Gobolada Jubbooyinka, ayaa wxuuu si cad uu u sheegay in Odayaasha iyo dadka ku dhaqan Gobolada Jubbooyinka aysan wadin wax hagardaamo ah, sida uu yiri.

Suldaanka ayaa wuxuu sheegay in shacabka ku dhaqan Gobolada Jubbooyinka ay yihiin dad walaalo ah, isla-markana wuxuu xusay inaysan jirin wax cuqdad ama colaad ah oo ka dhaxeysa.

Laakiin wuxuu sheegay in hogaamiye-yaasha xilligaan heysta Magaalada Kismaayo waa Maamulka Jabhadda Raaskambooni’e, ay iyagu arintaan ku doonayaan sida uu sheegay sidii ay xilal uga qaban lahaayeen Maamulka Gobolada Jubbooyinka lagu wado in loo soo dhiso.

C/Qaadir Xaaji Maxamd “Luga Dheere” oo isna ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolada Jubbooyinka ka soo jeedo, ayaa wuxuu sheegay inay ku qanacsan yihiin in Maamul U Sameynta Gobolada Jubbooyinka lagala xaajoodo Dowladda Soomaaliya.

“Waxaan lee nahay hooyo iyo aabe, waxaa hooyo iyo aababa inoo ah Dowladda Soomaaliya, cidii wax la dooneysa Gobolada Jubbooyinka ha soo maraan Dowladda, Dowladda Kenya haddii ay wax nala rabto ha soo marto Dowladda, Igad haddii uu wax nala doonaayo ha soo maro Dowladda, Beesha Caalamka haddii ay wax nala dooneyso ha soo marto Dowladda.” ayuu yiri C/Qaadir Luga Dheere.

Gudoomiyaha Jabhadda Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Sheekh Axmed Madoobe” iyo Afhayeenka Raaskambooni Col. C/Naasir Seeraar Maax, ayaa waxaa dhawaan si qoto dhaw leh loogu eedeeyay inay iyagu saluugsan yihiin Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan qorshaha Kenya ee Jubbooyinka ku aadan.

About these ads

One Response to “Salaadiinta & Xildhibaanada Gobolada Jubbooyinka oo hal meel uga soo jeestay Saraakiisha Raaskambooni”

  1. run sheeg Says:

    ”Lama huraan waa caws jiilaal’ ayay soomaalidu ku maah-maahdaa Soomaaliya maanta waa dawlad waxay leedahay Baarlamaan xur ah iyo Madaxweyne Qabiilada soomaali oo idil ay doorteen kalsoonida ummaddana haysta waxay ila tahay inay dawladdu xaq iyo waajib ku tahay inay jubbooyinka iyo guud ahaan soomaaliya oo dhan iyadaa mas,uul ka ahaato maamul u sameyntaana maba aha in ay dawlad ajnabi ahi gacan ku yeelato waa fool-xumo iyo xad-gudub dhadhan gumeysi leh waa in dawladda kenya iyo xulufadeedaba loo sheegaa inay wixii loo diray ku ekaato kana digtiinaato faragalinta noocaas ah.
    Soomaaliya sidan ma ahaan doonto mar ay ahaataba xisaabtan ayaa dhici doona taariikhduna way qori doontaa qofka wadaniga naftii hure kii ahaa iyo dhuuni raac caada qaata kii ahaadaba , waxaana fiican inuu qofku doorto wanaaga dadkiisa iyo dalkiisa,nasiib darro waxaaso bdhan waxaa keenay al-shabaab iyo wixii ka horeeyay oo dalkii iyo dadkiiba raaxada ka qaaday
    waxaan ku talinayaa arrinta jubooyinka ha loo daayo dawladda soomaalida ee curdika ah iyo madaxdeenii aan kalsoonida siinay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 35 other followers

%d bloggers like this: