WAAJIDPRESS – 30 NOV 2012:
Gudomiyihi hore ee Barlamanka Somalia Shariif Xasan Sh Adan ayaa waxaa uu mudoyinka danbe laba jibaray dadaal uu ku doonayo in Gobolada Konfureed ee Somalia samaystaan hal Maamul Goboleed.
Shariif Xasan oo qorshaaan in mudo ah soo waday ayaa waxaa uu caqabaado badan kala kulmay Sh.Adaan Madoobe oo asagana mar horay u soo noqday Gudomiyaha Baralamanka Somalia islamarkana donayay in uu Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State Madaxweyne u ka noqdo.
Warar laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa waxaa tibaxayaan in ugu danbeyn labadaas masuul ay is afgarteen islamarkana ay xaliyeen khilaafki hortagna dhisida Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State oo ka bilaabanaya MASJIDKA ARBACA RUKUN EE MUQDISHO.
Shariif Xasan Sh Adan oo ah hada Musharaxa rasmiga ah ee Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboledka Konfur Galbeed State ayaa waxaa uu wada dagaal siyaasadeed uu ku bur burinayo maamulka Jubbaland State waxuuna arinkaasi la kaashanaya qaar ka mid ah Masuuliyinta beelaha daga Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba Qurbajoogta ka soo jeeda deeganadaasi.
Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State ayaa waxaa la shegay in uu ka kooban yahay 6 gobol oo kala ah Bay, Bakool, Sh.dhexe Jubbada hoose , Jubbad dhexe iyo Gedo ayadoo dadka Goboladaasi dagana aysan la dhacsanayn Qorsha Maamul usameynta 6 da Gobol ee uu wado Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaa waxaa dhawaan lagu wada in uu boqasho ku taago Magaloyinka Baydhabo ,Marka, iyo Luuq halkaas oo uu ku qaban doono shirar lagu dhiri galinaayo dhismaha Maamul Goboleedka Konfur Galbeed Somalia waxa sido kale uu Siyaasadda caanka ahayd u isticmaali doona dadka dagan Goboladaasi si ay u garab istagaan Howlaha u wado .
Ma cada sida u ku hergali karo Maamulkaan ka kooban 6da gobol xili dadka daga Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ay ku heshiyeen in ay Maamul sameystan isla markana ay guda galeen oo ay Dasturkiba qorteen Shirweynihi lagu soodooran laha Madaxweynahana dhawan la filaayo in uu ka furmo kismaayo.
December 1, 2012 at 6:17 am |
KKKK KKKK KKKKKK ARREEY UMMADDA HA MARIN HABAABINA, AADAN MADOOWE IYO XARIIF XASSAN MAAMUL AY SAMEYN KARAAN HABA YARAATEE MA JIRTO.
XARIIF XASSAN IYO ASXAABTIISA WAA SOO QAATEEN WAQTIGOODA WAXEYNA KU SOO DHAMEYSTEEN DULMI, FADEEXO IYO XATOOYO AY KA GALEEN DALKA IYO DADKA SOMALIYED GUUD AHAAN, GAAR AHAAN KUWA MASAAKIINTA AH EE LOOGU YEERO DIGIL IYO MIRIFLE MARKII LA DOONAAYO IN AWRTA LAGU KACSADO.
WAXAAN 100KII BOQOL HUBAA IN XARIIF XASSAN IYO TUUGADA KALE EE D&M UU GABALKOODA DHACEY, GODKOODANA BIYO UGU SOO GALEY, WAXAANSE KULA TALIN LAHAA INEY KA DHUUNTAAN MASRAXA SIYAASADDA HADDII KALE HADDA CEEB AYEY JOOGAAN WAXAA DHICI DOONTO IN SI GAAR AH LOOGALA XISAABTAMO DEMBIYADA AY KA GALEEN SHACABKA AY MAGACOODA KU TAAJIREEN, DHIIGOODANA KU XAARAAN NAAXEEN.
UMMADDA D&M WAXAAN U SHEEGAYAA INUU DHAMAADEY WAQTIGII QABIILKA IYO QAAB BEELEEDKA AWRTA LAGU KACSAN JIREY, LANA GUDA GALEY WAQTIGII SIYAASADDA IYO XISBIYADA WAX LAGU KALA QEYBSAN JIREY, SIDAAS DARTEED XARIIF XASSAN IYO MADOOWE IYO INTII ISLA TAQIINEY WASMADA D&M IN LAGA FEEJIGNAADO OO LEYSKA DHICIYO, LOONA MIDOOBO.