WAAJIDPRESS – 30 Nov 2012:
Madaxweynaha Somalia oo shalay booqasho ku tagay magaalada Addis-Ababa, ayaa ammaanay wax uu ugu yeeray kaalinta Ethiopia ee dhismaha nabadda iyo xasiloonida Somalia.
Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in Ethiopia aysan waxba la harin marka ay timaado dadaalladeeda ku wajahan joogteynta xasilooni iyo nabad lagu soo dabbaalo Somalia.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kalena sheegaya in Ethiopia ay ku tabrucday inay dib u dhis ku sameyso ciidamada xooga dalka Somalia.
“Tabarucaadda Ethiopia ee ku aadan dhismaha milatariga Somalia, waa mid aad muhim u ah” ayuu yiri Xasan Sheikh.
Si kastaba dad badan ayaa shaki ka qaba inay xaqiiq tahay in Ethiopia ay kaalin ka qaadaneyso dib u dhiska milatariga Somalia, sababo la xiriria xafaaltankii hore ee labada dal.
Madaxweynaha ayaa Ethiopia ku ammaanay taageerada ay la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in ciidankiisa ay sii joogi doonaan dalka Somalia, inta laga xaqiijo in Al-Shabaab ay ka gaarto heer aysan weligeed dambe dib usoo noolaan.
November 30, 2012 at 1:01 pm |
KKKKK KKKK KKKKK KKKKKK BALO BALO BALO BALO.
MA ANIGAA WAALAN MISE ADAN YABAAL BAA DABLEEY SHIMBIR LAGA TUMAYAA !!!!! KKKKK KKKKKK KKKKKKK.
TANI WAXEY LA MID TAHAY ” ORGIGII RIDA KU YIRY ANNAGA IYO DAWACO WAXAA INOO GARSOORAAYA DHURWAAGA AMA WARAABAHA HADBA SIDA LOO YAQAAN”.
HADABA MAXAAD KA FILAN KARTAA MAXKAMAD OO DHURWAA GARSOORE KA AH , ARINA EEDEYSANE KA AH ? KKKKKK KKKK KKKKK WAR NINKAAN NGOga KU SOO KOREY MA WUXUU NA LEEYAHAY ETHIOPIA AYAA SOMALIA CIIDAN U DHISEYSA , ANIGA WELIGEEY MADAXWEYNE AYAAN AHAANAYAA ????