Archive for January, 2013

Tarsan “Dadka Tumaasha waa dad muhim ah, dalka ayaa u badan, Suuqa Afleershe ayaa la siiyay”

January 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jan 2013:

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dadka tumaasha ah ee biraha tuma, ay muhiim u yihiin dalka, sidaasi daraadeedna ay Dowladda siineyso Suuqa Afleershe inay ku ganacsadaan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, ayaa wuxuu maanta uu kulan ballaaran uu la qaatay dadka farsama yaqaanada ah, kuwaa oo uu u kala qeybiyay laba qeybood.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in dadka ku shaqeysta Farsamada gacanta ay siinayaan sida uu sheegay ahmiyad gaar ah, bacdamaa sida uu hadalka u dhigay ay shaqadoodu muhiim u tahay dalka.

Ragga farshaxanada ku shaqeysta iyo kuwa kale ee sameeya Dharka Alindiga loo yaqaano, ayuu sheegay in Dowladda Somaliya ay u ogolaatay, inay maanta kadib ku shaqeystaan Suuqa Dahablaha ee Degmada Xamar Weyne.

Sidoo kale ragga ku shaqeysta tumista biraha ee Tumaalada loo yaqaano, ayuu iyana sheegay inay muhiim u yihiin dalka, sidaasi daraadeedna ay maanta kadib ka hawl geli doonaan sida uu yiri Suuqa Afleershe ee Degmada Boondheere.

“Dad Tumaasha waa dad muhiim ah, dalka ayaa u baahan, Suuqa Afleershe ayaa la siiyay inay ku shaqeystaan maanta kadib. Halkaas ayaa ka hawl geli doontaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa wuxuu si gaar ah uu u ammaanay ragga ku shaqeysta Farsamada gacanta, wuxuuna ku tilmaamay kuwa uu u baahan yahay dalka, xilligaan la jooggo oo uu xusay in dalka uu horumar hiigsanaayo

War deg deg ah: Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka fuliyay duleedka Magalada Garbaharey & gawaari dagaal oo ku gubatay

January 31, 2013

Laba ka mid ah diyaaradaha dagaalada ee Dowladda Kenya ayaa waxay galabta duqeymo xoogan ay ka fuliyeen Deegaanka Birta Dheer, halkaasoo ay ku gubeen laba ka mid ah gawaarida dagaalada ee Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamada Militariga ee Dowladda Itoobiya, ayaa waxay laba maalmood kahor ay la wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Birta Dheer, ka gadaal markii ay ku dhaqaaqeen, ayna ka baxeyn Ururka Al Shabaab.

Hase ahaatee Deegaanka Birta Dheer oo 11km u jira Magaalada Garbahaarey, ayay dib uga soo baxeyn Ciidamadii kala wareegay Ururka Al Shabaab, waxayna taasi dhalisay inay dib ugu soo laabtaan Ciidamada Al Shabaab.

Xoogaga Shabaab oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Deegaanka Birta Dheer, ayaa waxaa galabta duqeymo xoogan la beegsaday laba diyaaradood, oo ay dadku sheegeen inay ka soo kaceyn Deegaanka Dhamase, oo dhaca Xuduuda u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in duqeymahaan ay ku ku gubteen laba ka mid ah gawaaridii dagaalada ee Xoogaga Shabaab, halka ilaa seddex meydad ahna la sheegay inay halkaasi uga teggeen Ururka Al Shabaab.

Kahor intii aysan Xoogaga Shabaab isaga bixin Deegaanka Birta Dheer duqeymahaan kadib, ayaa waxay hubka lidka diyaaradaha ay u adeegsadeen labadaan diyaaradood.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Garbahaarey ee Xaruunta Gobolka Gedo, ayaa waxay inoo sheegeen inay si weyn u maqlayeen duqeymihii xooganaa ee galabta lala dhacay Shabaabka Birta Dheer.

Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq “Al qaadi”, oo la hadlay Shabakada Warbaahinta ee Dhacdo.com, ayaa wuxuu sheegay in duqeymahaasi khasaaro ba’an loogu geystay Al Shabaab, sida uu yiri.

DEG DEG: Qarax wayn oo goor dhow ka dhacay dalka Kenya

January 31, 2013

War hadda soo dhacay ayaa wuxuu sheegayaa in qarax wayn uu goordhow ka dhacay xerada qoxootiga IFO 1 ee gobalka waqooyi bari Kenya.

Sida ay lee yihiin dadka ku sugan xerada IfO 2 qaraxa ayaa lagu weerraray ciidamo howlo roondeen ah ka waday halkaas.

Ma jirto illaa hadda war xaqiijinaya inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay xerada IFO 2 oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo ah qoxooti.

Qaraxa ayaa si wayn looga maqlay xerada oo dhan, waxana marka uu dhacay aad loo riday rasaas aad u badan kuwaas oo ay fureen ciidamada.

Illaa hadda ma cadda cida weerrarka geestay iyo koox loo qabtay toona, waxana isla xerada lagu soo rogay bandow, waxana ka socda baaritaan.

Ma ahan qarixiihii ugu horreyay ee ka dhaca xerada IFO ee ku yaalla gobalka waqooyi bari Kenya, tan iyoi markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya sannadkii 2011-ka.

Kenya ayaa ku eedeesa inta badan qaraxyada ka dhacay dalkeeda kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

War deg deg ah: Xarakad Al-shabaab oo Gowracay Wiil Dhalinyaro ah oo Kirishbooy ka ahaa Baabuur BL ah

January 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jan 2013:

Xarakad Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay Gowraceen Nin Kirishbooy ka ahaa Baabuurta BL-ka ah ee ka shaqeysa inta u dhexeysa Degmada Bardaale iyo Baydhabo ee Gobolka Bay.

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay Ninkan kala dageen Baabuur uu ka ahaa Kirishbooy, xili uu marayay inta u dhexeysa Bardaale iyo Baydhabo, gaar ahaan Deegaanka Aw Diinle.

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay Ninka ku amreen inuu ka dago baabuurka, waxayna rakaabki iyo darawalki ku amreen inaysan dhaqaaqi karin oo ay ku sugnaadaan meeshooda.

Daqiiqado yar gudahood ayay Alshabaab ku Gowraceen Ninki Kirishbooyga ahaa, isla marki ay Gowraceen ayay Meydka waxa ay ku amreen inuu qaato Ninka Aabihiis oo la socday Baabuur, iyagoo si jees jees ah ku yiri wiilkaaga waa kaase qaado oo Baydhabo geyso.

Dadkii Rakaabka ahaa oo uu ka mid yahay Aabaha dhalay Kirishbooyga la Gowracay ayaa waxaa ay u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada Baydhabo, waxaana marki ay soo gaareen magaalada la yaabay arintan dadka shacabka ah, iyagoo aad uga argagaxay falkan foosha xun.

Warar hoose oo laga helay dilka Ninkan ayaa sheegaya in uu ka tirsanaan jiray Ciidamada Dowlada, balse waayihii dambo uu ka tagay oo iska bilaabay shaqooyinka caadiga ah sida Kirishbooy.

Ilaa hada lama yaqaano sababta alshabaab ku xambaartay inay wiil aabihiis ku hor gowracaan, waxayna tani ka mid tahay dhibaatooyinka ay shacabka kala kulmayaan dhinacyada isku haya awooda dalka Soomaaliya.

in Ka badan 17 Dukaan Oo Ay Soomaali Lahaayeen Oo Maanta Lagu Boobay Deegaanka korombushle iyo Xaalada oo Weli kacsan

January 31, 2013

Boqolaal Qof Oo Careeysan Ayaa Maanta Cagta Mariyay Oo Boobay Ugu Yaraan 17 Dukaama Ganacsi Ah Oo Ay Soomaali Lahayeen Oo Ku Yaalay Tuulada korombushle Ee Duleedka Magalada Port Elizabeth Gobolka Western Cape Ee Dalka Koofur Afrika 

Boobka Dukamahan Ayaa Yimid Kadib Markii Ciidamad Police-ka Koofur Afrika Ay Halkaasi Ka Bilaabeen Howlgal Ka Dhan Ah Dukaamaha Sharci La,aanta Ah Iyaga Oo Milkilayasha Dukamaha Weydinaya Warqadaha Aqoonsiga Ganacsiga In Uu Sharci Yahay Ee Lecense busines Waxana Police-ka Ay Dukamaha La Bobay Ka Wadeen Dhamaan Milkiilayaashi Iyo Shaqalahii Waxana Taasi Ay Fursad U Noqotay Dadka Tuulada korombushle Oo Ku Qamaya Dukamaha Markii Ay Ka War Heleen In Cidna Aysan Joogin Oo Dadkii Laha Policeka Ay Kaxeysteen 

Qaar Kamid Ganacsatada Tuulada korombushle Oo Suxufiyiinta La Hadlay Ayaa Shagay In Boobka Dukamaha Ay Sabab U Yihiib Police-ka Degaankaasi Oo Ay Ku Eedeynayaan In Dukamaha Uu Kasoo Waday Dadkii Ka Shaqeynayay Ismarkane Ay Keentay In La Boobo”

Xaalada Tuulada korombushle Oo Ay Dukaamaha La Boobay Ku Yaalan Ayaa Wali Kacsan Iyadoo Dukaama Kale Oo Hor Leh Laga Cabsi Qaba Inay Sameeysya Arintan Dhibatada Leh Ee Boobka Hantida Soomaaliyeed Waxana La Xiray Qaar Kamid Ah Dukaamaha Gnacsiga Ee Boobka Ka Bad Baday 

Si Kastaba Bishan Oo Kali Ayaa Tirada Dukaamaha Ganacsiga Soomaalida Ay Leeyihiin Ee La Boobaya Waxay Kor U Dhafayaan 100 Dukaan Kuwaa Oo Badankood Lagu Boobay Gobolka Free State Horaantii Bishan Kadib Rabshada Halkaasi Ka Dhacay Oo Ay Waxyeela Ba an Soomaalida Kaso Gaaratay 

Dowlada Koofur Afrika Caadiyan Wax War Ah Kama Soo Saarta Dhibaatoyinka Lagu Hayo Soomaalida Kumanaanka Gaareysa Ee Ganacsiyada Kala Duwan Ku Leh Dalka Sameyn Xoogane Ku Leh Dhaqalaha Dalka Koofur Afrika

Daawo Sawirada: Raa’isal Wasaaraha oo markii ugu horeysay tegay Magaalada Marka

January 31, 2013

Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa wuxuu maanta uu markii ugu horeysay uu gaaray Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Raa’isal Wasaaraha oo ay safarkaan ku wehlinayaan tiro ka tirsan Golihiisa Wasiirada, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Marka.

Wasiirada la socota Raa’isal Wasaaraha ayaa waxay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaanshaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo weliba Wasiirka Garsoorka, Cadaalada, Awqaafta & Arrimaha Diinta C/Laahi Abyan Nuur.

Raa’isal Wasaare Saacid iyo Wasiirada la socda ayaa waxay Magaalada Marka ay kulan kula lee yihiin Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Deegaanka, waxayna ka wada arinsan doonaan Maamul loo sameeyo Magaalada Marka.

Xaruunta Minishiibiyada Magaalada Marka oo ay shalay baaritaano adag ay ka sameeyeen Ciidamada Dowladda France, ayaa waxay xilligaan kulan kula lee yihiin Odayaasha Dhaqanka ee reer Marka.








DAAWO: Soo DHAWEYNTII MADAXWEYNE XASSAN EE Brussels

January 31, 2013

War deg deg ah: Gabar xalay Lagu toogtey MUQDISHO

January 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jan 2013:

Haweeneey lagu magacaabo Xaawo Aadan ayaa xalay kooxa ku hubeysan waxa ay ku khaarijiyeen degmda Dharkeynley, gaar ahaan aga gaarka Suuq Yaraha, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaashu.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay kukala ra’yi duwanyihiin howsha ay qaban jirtay Xaawo Aadan oo ah gabadha kooxaha bastooladaha kuhubeysan ay dileen kadibna ka baxsadeen.

Qaar kamid ah dadkii wax ogaa ayaa waxa ay sheegayaan in gabadhu ay kamid aheyd shaqaalaha dowlada halka qaar kalana ay sheegayaan in ay aheyd askari police ah.

Majiraan wax war ah oo dowladu ay kasoo saartay arintaasi iyada oo sidoo kale cid sheegatay aysan jirin weerarkaasi gabadha Soomaaliyeed lagu khaarijiyay.

Dilalka dadka la’aaminsanyahay in ay lashaqeeyaan dowlada, masuuliyiinta dowlada, wax garadka, culimada, odayaasha dhaqanka iyo ciidamada ayaa waxaa lagu eedeeyaa Alqaacida Soomaaliya, waxaan dilkaan ugu danbeeyay imaanayaa iyada oo shalay lagu khaarijiyay Muqdisho mid kamid ah gudoomiye waaxeedyada degmada Wardhiigley ee gobalka Banaadir.

AFGAHANISTAN COUNTRY IS GETTING WORSE BY DAY

January 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jan 2013:

1 / 8
 
 
 
An internally displaced Afghan woman from Helmand province walks to collect winter supplies from the UNHCR at the Charhi Qambar refugee camp on the outskirts of Kabul Dec. 27, 2012.
PHOTO BY: Shah Marai
 
 
 
What do you think?
0
 
Must read
 
1
 
Suprising
 
1
 
Tragic
 
0
 
Inspiring
 
1
 
Odd!
 

KABUL, Afghanistan — Mohammad Baqir left northern Afghanistan a year ago, seeking work away from his local mining community. Today he sells coal next to a busy Kabul street that has turned to mud in the rain, ice and snow.

Every winter the infrastructure of this rapidly expanding city struggles under the weight of the severe weather. There are regular power cuts, roofs collapse and children are at risk of dying from the cold.

Although life has improved for many people since the 2001 invasion, hopes of a comprehensive US-led nation-building program have been replaced by the realization that this could be as good as conditions get in the capital and elsewhere.

“When we hear about the situation on the TV and radio the government is saying it doesn’t have the budget to solve all these problems,” said Baqir.

“The Turkish government promised several times that it would pave this road and the mayor is making an effort, but it’s no use — they are just taking dust from one place to another.”

Back in 2002, US President George W. Bush vowed to rebuild Afghanistan with a modern Marshall Plan — a program devised to help lift Europe from the ruins of World War II.

But as the temperatures in Kabul drop to well below freezing during the night and people struggle through another winter, the country seems no closer to lasting peace or long-term economic stability.

While much of capital has been transformed, it remains a city where even basic services are unavailable to residents.

Houses often have no running water or sanitation and there is a limited electricity supply. The gas generators businesses use during blackouts and the wood-burning stoves that heat homes only add to the thick pollution that hangs in the air.

People like Baqir settle here because life is even harder in rural areas. He earns the equivalent of roughly $200 a month, much of which he sends to his family in Samangan province.

Opposite his workplace is an Afghan military academy. Heroin addicts gather a short distance away and the river nearby is full of garbage.

More from GlobalPost: Ex-Taliban members are desperate for peace

Asked why conditions were still this tough in the capital, Baqir accused President Hamid Karzai of siphoning off money meant for reconstruction.

“He takes a piece for himself and then gives the rest to his vice presidents. His vice presidents take a piece and give the rest to the ministers and so on down,” he said.

The sense that local officials and the international community have failed the poor was keenly felt last winter, when dozens of children living in Kabul’s refugee camps died from the cold.

This time the United Nations was quick to announce it has been distributing food, blankets and warm clothing across the country.

The government has also tried to emphasize its role in these efforts. As well as sending supplies to rural communities, the Afghan National Disaster Management Authority offers compensation to people affected by avalanches, landslides and floods.

A single payment of about $1,000 is available to the family of anyone killed, with $200 to $400 awarded for the destruction or damage of property. The same fund is used to compensate the victims of war-related violence.

Decades of conflict and unrelenting poverty have, however, left a lot of people devoid of hope.

Reza Gul returned to Afghanistan from exile in Pakistanfive years ago and is now living in a refugee camp of mud huts in the east of Kabul. Aged around 50 or 60 and a widow, she spends her days begging for money outside a local mosque.

Her son is disabled, having been injured as a child during the 1992-1996 civil war. “Our life is bitter,” she said. “Without God I have nothing.”

It is the combined strain of these social, economic and security pressures that is expected to place the country in such a precarious position when America and its allies pull out.

According to John F. Sopko, the United States‘ special inspector general for Afghanistan reconstruction, since 2002 Congress has provided nearly $90 billion to help with development and rebuilding.

How much of that has benefited those most in need is increasingly open to question as the 2014 withdrawal date approaches.

In a report published last October, Sopko warned that “the stakes are high, and time is of the essence.” Others are already resigned to the fact that it may already be too late.

Khan Jan Alokozai, a vice chairman at the Afghanistan Chamber of Commerce and Industries, told GlobalPost not enough has been done to ensure the country can progress in the longterm.

“Besides the war, in the last 10 years one problem that has risen up is the administrative corruption that all the commanders and government authorities have a hand in,” he said.

“When the international community is not here, like wolves they will eat the nation.”

Safiirka cusub EE SOOMAALIYA u fadhin doona SOUTH AFRICA AYAA MAANTA U GUDBIYEY WARAAQIHIISA AQOONSIGA MADAXWEYNAHA SOUTH AFRICA

January 31, 2013

WAAJIDPRESS – 31 Jan 2013:

Koonfur Afrika ayaa ballan-qaadday inay caawineyso dowladda cusub ee Soomaaliya iyo sidii dalka Soomaaliya uu mar kale cagihiisa ugu istaagi lahaa.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo khudbad u jeedinayay safiirro cusub oo dalalkooda Koonfur Afrika u fadhin doona oo uu ka mid yahay danjiraha Soomaaliya ee dalkaas ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirto ay taabaneyso dadka u dhashay koonfur Afrika.

Wuxuu xusay in ay Soomaalida ku taageeri doonaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen, una soo ceshan lahaayeen xasiloonidiisa.

Koonfur Afrika ayaa sanadkii hore Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareyso R100 milyan, taasoo loogu talagalay in lagu taageero mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Zuma ayaa sheegay in dhowaan la ansixiyey fulinta mashaariicdaas, loona diri doono Muqdisho koox hubin doonto in ay sida ugu dhakhsaha badan u billowdaan hirgelinta labada mashruuc.

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika Ambassador Sayid Xasan Shariif C/llaahi OO (ka soo jeeda Digil iyo Mirifle) ayaa warqadihiisa Safiirnimo laga gudoomay isaga iyo Safiiro ka kala socday Wadamo ay ka mid yihiin Burundi,Sweden, Canada, Cuba iyo kuwa kale.

Waa markii ugu horeeysay ee ay Soomaaliya ku yeelato Safaarad dalka Koonfur Afrika iyadoo tani ay noqonayso midd taariikhi ah,waxaan Koonfur Afrika ku nool Soomaali farabadan ee aan horay u heysan Dowlad xuquuqdooda kala hadasha Dowlada Koonfur Afrika.

http://youtu.be/7_ul0Jtuv_Q


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 51 other followers