War deg deg ah: Al Shabaab oo si farsameysan U qabsadey qeybo kamid ah Kismaayo

WAAJIDPRESS – 4 JAN 2013:

  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo si farsameysan U qabsadey qeybo kamid ah Kismaayo

    Ciidamada Al-Shabaab ayaa  gudaha usoo galay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyagoo ku labisan dharka ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo.

     

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on DeliciousShare on Google Plus

    Share

 

                Ciidamada Al-Shabaab ayaa  gudaha usoo galay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyagoo ku labisan dharka ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo.               
 
Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Wax dagaal ah uusan ka dhicin magaalada, waxayna magaalada haatan kaga sugan yihiin xaafadda Guul-wade oo xigta dhinaca galbeed ee magaalada.
 
Dad la rumaysan karo ayaa sheegay in ciidamada Al-Shabaab xiran yihiin surwaal iyo shaar cagaaran oo loo ekeysiiyay labiska ciidamada ammaanka Kismaayo ee maamulka kumeel-gaarka ah ee magaalada haysta.
 
Xalay iyo habeen hore waxaa ciidamada ammaanka Kismaayo ee maamulka lagu amray inay magaalada ammaankeeda sugaan oo ay waddooyinka socdaan,  laakiin Shabaab ayaa waji kale u yeelan oo ciidankii dharka la xirtay.
 
Markii laga warhelay arrintaas ayay ciidamadii Kismaayo ku sugnaa ee ammaanka sugayay waxay galeen difaac waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas mir-mir u dhacaysa mana jirto xaalad kacsan marka laga reebo in ciidamada guud ee magaalada ku sugnaa ay difaacyadoodii sii adkeeyeen.
 
Dhinaca ay Shabaab kasoo galeen magaalada waxay xigtaa meel gees ah waxayna dhabarka ku haysaa dhul baadiye ah oo waddooyin badan leh.
 
Al-Shabaab ayaa si xirfadaysan waxay magaalada ugu soo siqayaan dhinacyo badan marka laga reebo dhulka xeebta ah oo ay ku  badan yihiin Militeriga Kenya.
About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers

%d bloggers like this: