Al-Shabaab iyo Faransiiska oo isku qilaafsan xaalka Danis Alex

WAAJIDPRESS – 12 Jan 2013:

Ka dib markii habeenimadii xalay weerar ay fuliyeen diyaarada dagaalka ee dalka Faransa uu ka dhacay degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa sida ay wax u dhaceen ka hadlay Alshabaab iyo wasaarada difaaca ee dalka Faransa.

Wasaarada Difaaca dalka Faransa ayaa ka hadashay weerarkii Buulo Mareer oo dhanka koofur kaga beegan magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose qiyaastii 30 KM ,waxaana wasaarada sheegtay in halkaasi uu ku dhintayDenis Allex iyo labo ka mid ah askartooda oo doonayay inay soo furtaan muwaadinka.

Wasaarada waxay sheegtay in dagaalka xalay uu bilowday saacada markey aheyd 02:00 habeenimo ,islamarkaana ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Dhanka Alshabaab, war qoraal ah oo kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in dagaal ay ka qeyb qaateen shan ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee France uu ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ,islamarkaana uu socday muddo 45 daqiiqado ah,sida lagu sheegay warka kasoo baxay Alshabaab.

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay in muwaadinkii faransiiska ahaa walli uu badqabo oo ay ka kaxeeyeen deegaanka dagaalka uu ka dhacay ,sida bayaanka oo lagu baahiya bog ay ku leeyihiin Twitter-ka.

Alshabaab waxaa kaloo ay sheegeen in weerarkii xalay uu ahaa mid fashilmay ,dhanka kalana waxay cadeeyeen inay gacanta ku hayaan dhaawaca askar kale oo Faransiis ah xabsiga ay dhigeen,sida bayaanka lagu sheegay.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers

%d bloggers like this: