Mamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Aragtida ay ka qabto Maleshiyadka Alshabab Ee ku jira Buraha Golis Ee Gobolka Bari Somalia.
HADALKAAN AYAA yimid markii maanta ay ALSHABAAB u soo magacadey AMIIR Cusub OO la yiraah Sheikh WALIID OO ka soo jeeda Beesha Digil iyo MIRIFLE in UU HOGAAMIYO ALSHABAABka GOBOLADA Waqooyi.
Wasiirka Gaashaangga maamulka Soomaaliland Axmed Xaaji Cadami oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Soomaali-land uusan ogolaandoonin in argagixisada Shabaab ay saldhigyo ka sameeystaan deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaasi.
Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee Alqaacidada, isagoo intaa raaciyay in dhacooda ay ka hortagayaan Alshabaab oo aysan usoo gudbi karin gudaha Soomaaliland.
Dad badan ayaa rumeysan in argagixisada Shabaab ay istiraatiijiyadoodu tahay in ay gabaad ka dhigtaan Buuraleyda waqooyi bari ee Soomaaliya mar hadii laga saaray koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.