Gudoomiyaha gobalka Gedo ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan aanu waxba kala socon maamul uu doonaayo inuu dhiso Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaas oo looga gol leeyahay inuu maamulo gobalada koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.
Mr. Kaliil ayaa sheegay in maamul ay la wadaagi doonaan gobalada Jubooyinka, laakiinse aanay dooneeyn inay wax wadaag la noqdaan gobalada Bay iyo Bakool oo uu sheegay in aysanba garaneeyn sababta ay ugu darsamaan.
“Maamul uu sameeynaayo Shariif Xasan waxba kalama soconno, waxaa laga yaabaa inay aragti un ka tahay, laakiinse raali kama nihin mana aqbali doonno in maamul wadaag ay noqdaan 6-da gobal ee koonfur galbeed Soomaaliya” Kaliil ayaa sidaasi yiri.
Sidoo kale waxa uu gudoomiye Kaliil sheegay maamulka la doonaayo in dhawaan lagu dhawaaqo uu yahay midka gobalada Jubooyinka iyo Gedo, laakiinse aanay aqbali doonin inay sameeystaan maamul kale ama wax la mid ah.
Si kastaba ha ahaatee, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalmahaan dambe waxa uu wadaa dadaal xoogan oo uu ku doonaayo in maamul uu ka sameeyo dhamaan gobalada koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya kaas uu ku doonaayo inuu ka noqdo madaxweyne.
January 13, 2013 at 10:26 am |
Beelaha Digil iyo mirifle,biyomaal,Sheekhaal,Gaaljecel,Jareerweyne oo ah beelaha ugu badan degaan ahaan iyo tiro ahaan sedaxda gobal (Gedo,Jubada dhexe,Jubada hoose) ma ogola in LIXDA GOBAL la kala gooyo,sababtoo ah Gedo kama go’i karto Bay iyo Bakool,sidoo kale SHabeelada hoose kama go’i karto Jubada dhexe iyo jubada hoose ,waayo Biyomaalka, sheekhaasha ,jareerweynaha,tunniga degan jubada dhexe iyo jubada hoose ma ogolo in la kalo jaro.dadka asalka ah uguna badan lixda gobal waa DIGIL IYO MIRIFLE mana ogolaan karaan dhulkooda in la kala jarjaro, lana BOOBO.
January 14, 2013 at 4:16 am |
Waa run dhab ah taariiqda ayaa qoreyso tirada dadka daga
January 14, 2013 at 11:08 am |
Gedo waa dhul digil iyo mirifle
Xamarba inta aad gedo joogtay oo kale waa joogtee maxaa xamar isu leheeysiinweyday.
Gedo kama haayso baay iyo bakool lixda gobol ayaa wadajiraya….
Saas ayaa cadaalada ah….