WAAJIDPRESS – 13 Jan 2013:
Qarax miino ayaa waxaa maanta Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay kolonyo, ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.
Ciidamadaan oo la socday ilaa seddex gaari oo kuwa dagaalada ah ayaa waxaa qaraxaan lagula eegtay inta u dhaxeyso Dugsigii hore iyo Ayuubka, wuxuuna qaraxa uu qabsaday gaarigii ugu horeeyay ee ay la socdeen Ciidamadaan.
Qaraxa kadib sidii cadaada ahayd ayay Ciidamada Amisom afarta jiho u kala firdhiyeen rasaas aysan u meel dayin, ha yeeshee lama sheegin wax khasaaro ah oo rasaastaasi ay geysatay.
Gaariga uu qaraxu qabsaday ayaa waxaa la sheegay inaysan wax yeelo ka soo gaarin Ciidamadii la socday, marka laga reebo qaarka dambe gaarigaasi oo uu burbur ku yimid.
Gudoomiye Ku Xigeenka Magaalada Marka ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cali Xasan, oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo ay miinadaasi geysatay, marka laga reebo burburka qaarka dambe ee gaarigii ay miinadu asiibtay.
Maxamed Cali Xasan ayaa wuxuu xusay in qaraxaan ay u soo qab qabteen ilaa shan ruux, oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaa oo uu sheegay inay ku tuhmayaan inay iyagu ka dambeeyeen qaraxaan, balse ay baarayaan.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ayaa waxay xilligaan hawl galo culus, ay ka wadaan guryaha ku teedsan goobtii qaraxaan lagula beegsaday Ciidamada Amisom.