War deg deg ah: Axmed Madoobe oo Gaashaanka ku dhuftay Go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya

WAAJIDPRESS – 22 Jan 2013:

Hogaamiyaha Xarakada Raaskambooni ahna Gudoomiyaha KMG ah ee Maamulka Kismaayo Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa gaashaanka ku dhuftay Go’aankii dhawaan ka soo yeeray Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyadoo xukuumada ay sheegtay in dhawaan la sameyn doono maamulada Gobolada iyo Degmooyinka, gaar ahaan Deegaanada Alshabaab laga xoreeyay oo ay ku Jirto Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka Golaha Wasiirada uu caqabad ku yahay shaqada ay wadaan Urur Goboleedka IGAD, kaasoo ku saabsan Maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Hogaamiyaha Raaskambooni ayaa shaaciyay in shirka lagu sameynayo Maamul Goboleedka Jubaland State uu soo dhow yahay, wuxuuna xusay in goor dhow lagu dhawaaqi doono Maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo uusan xukumi karin xoog wata iyo nin ku soo duulay, isagoo sheegay in xalka Kismaayo uu ku jiro in Dadka dagan Goboladaasi ay isku yimaadaan kana tashtaan danahooda.

” Kismaayo waynu garaneynaa 21 sano xaalada ay ku jirtay, Kismaayo Nin qabsaday iyo Nin la magacaabay kama talin karo, xalkeedu waxaa uu ku jiraa dadka gobolka in ay isku yimaadaan oo ay tashtaan, isla markaana isla markaana ay doortaan qofki ay rabaan, qabiilkuu rabo haka soo jeedo ” waxaa sidaa yiri Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay in maamul u sameynta Kismaayo ay soo sameeyeen Lix khabiir oo ka socda Urur Goboleedka IGAD, isagoo shaaciyay in Dowladu ay wax ka ogtahay.

Ugu dambeyna Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Dowlada inay soo dirsato masuuliyiin marqaati uga noqoto waxa ka socda Magaalada Kismaayo iyo sidoo kale sida ay u ogadaan cida ay dadka rabaan.

Axmed Madoobe ayaa ah hogaamiyaha Ururka Raaskamboonu, iyadoo la xasuusto in uu horey uga tirsanaa Xarakada Alshabaab oo wali dagaalo xoogan kala hor imaaneysaa Dowlada Soomaaliya, waxaana Madoobe uu marki dambo ku biiray dhanka Dowlada, isagoo hogaaminayay dagaalkii lagu qabsaday Magaalada Kismaayo.

About these ads

One Response to “War deg deg ah: Axmed Madoobe oo Gaashaanka ku dhuftay Go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya”

  1. Sacdi Says:

    Axmes madoobe shalay waxuu ahaa Al SHabaab/ Xisbul-Islaam ,,maantana waxuu hogaamiye u yahay jabhada la baxday Raaskaambooni oo ka soo duushay, kilinka shanaad ee ITOOBIYA, iyo
    waqooyi bari KIINYA, dhulka uu weerarka ku yahay uma dhalan, kama soo jeedo Kismaayo iyo Jubooyinka iyo Gedo midna , waxuu adeege u yahay Kiinya. Beelaha Digil iyo Mirifle, Hawiye, Beesha shanad , iyoBeesha Direed , waa in si wada-jir ah uga hortagaan, Beesha ka soo duushay Jigjiga iyo Garisa, sidoo kale waa in eey usheegaan Pun tland in eey ku ekaato Garrwe iyo Boosaaso, shuqlna ay ku lahayn gobalada lixda ah ee Koonfurta Soomaaliya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: