WAAJIDPRESS – 24 Jan 2013:
Qaar Ka Mida wax garadka Odayaasha Beelaha Hawiye Ayaa Siweyn Uweeraray Madxda Ururka raskanbiini Iyadoona Sheegeen Inuu Bur Burin ka Wado Magaalada Kismaayo.
Suldaan Hilowle Oo Ah Gudoomiye Ku Xigeenka Odayasaha Beelaha Hawiye Ayaa Sheegay Inuu Donayo Sheekh Axmed madoobe Inuu kismaayo Noqoto Meel uu Isaga ka taliyo.
Suldaanka Beelaha Haiye Ayaa Sheegay Inan Maamulka Kismaayo Ciid Gara gacanta Loo galin Karayn,lakiin Dadka Gobolkaasi U Siman yahiin.
Sidoo Kale Waxa Uu sheegay Inay Raskanbooni Ku Soo duushey deegaanka Duulaan a Ku Haysato.

January 25, 2013 at 8:56 am |
Axmes Madoobe dowlada kiinya xoog uguma qaban karto dhul dadki lahaa ay joogaan, marna suurtagal uma noqonayso in Jubooyinka iyo Gedo uu ka taliyo.
Jabhada Raaskaambooni iyo madaxdeeda uma dhalan dhulka ay ku soo duuleen, ha ku noqdeen kilinka shanaad ama waqooyi bari kiinya,haddii nabad iyo cadaalad maamul ku salaysan la rabo in laga dhiso Gedo iyo Jubooyinka .
January 25, 2013 at 5:13 pm |
Haduu Durdur Iyo Dabaal Galo Doofaar Waligiis Madaahiro, Xasan Xaadoow Kismaayo hadii ay Jabhad qabsatay, Mooriyaanta Xamar haysato Goormeey Ciidamo qaran noqdeen?.
Tan iyo intii Magaalada Kismaayo laga xoreeyay Maleeshiyadi Alshabaab ee gacan saarka lalaheyd ururka Alqaacida waxaa idaacadaha maalin iyo layl ka dhawaaqayay Mooriyaanti xooga ku haysatay Magaalooyinka Kismaayo iyo Marka ee kolba shaar horleh ku heystay Gobalada Jubboyinka iyo Shabeelada Hoose iyo waliba Magaalada Muqdisho iyo dhamaan hantiti Soomaaliyeed ee ay xoog ku heysato Beesha Xasan Xaad.
HALKAN KA DHAGEYSO GUDOOMIYAHA BEELAHA HAWIYE XASAN XAAD
Xoreynti Kismaayo kadib Mooriyaanta dharka dhigatay ee ilaa iyo haatan aflabadiis dhawaaqayo waxaa kamid ah Kuwan Odeyaasha Hawiye sheegtay ee Xasan Xaad Gudoomiyaha u yahay, Idaacadaha Dagaal ogaayaashi Muqdisho dhiiga muslimka u furteen ee ay ugu horeyso Idaacada Shabelle.net ee iyadu lagu furay lacagtii xaaraanta aheyd ee mooriyaanti Indhacade biyaha Wabiga kaga iibin jireen shacabka Shabeelada Hoose, Idaacada VOA oo iyaduna ka howl galaan isla kooxahan ku caan baxay hurinta colaadaha boobka iyo bililiqada.
Meesha Colaadaha ka dhacaya dalka Somaliya furaha u ah ee laga hago lagana soo abaabulo waa Magaalada Muqdisho . Magaalada Muqdisho waa Xarunta fidnada laga hago, Saqiir iyo kabiir waa wada fidnawadayaal ku dhiiranaya dilka,Ladagaalanka Nabada iyo bililaqada xoolaha iyo dhulka Islaameed.
Bulshada iyo jiilalka soo koraya waxaa Tusaale u noqda Odeyaasha dhaqanka oo laga dhaxlo dhaqan suuban iyo Asluub.
Hadaba Bulsho Odeydhaqameedkeedii uu yahay Mooriyaan Ilaahey ka furtay oo degan Guri ninkii lahaa uu ku dhex dilay Maxaa laga filan karaa dhaqanka ay bulshadaasi qaadaneyso?.
Maxamed Xasan Xaad iyo ku xigeenkiisa Axmed Diire labaduba waxay degan yihiin Gurya bililiqo ah oo ay xoog ku heystaan. Xasan Xaad Guriga uu deganyahay ninkii lahaa oo la Oran jiray C/nuur Faarax Aar waxuu ku dhex riday fuusto laami karkaraya 1991 -kii ,iyadoo Xaaskiisii iyo gabadhisiina kufsi lagu dilay ,halka wiilkiisiina isaguna baynaada qoriga lagu dilay.
Hadaba Gacan ku dhiigle Xasan Xaad oo wali ku ilmo dhalaya Gurigii dadkii lahaa uu ku dhex layay isla Markaasina wali ka dagaalamayo in dalka cadalad ka dhalato, Maxaad ka filankartaan beesha uu hogaanka u hayo ee Gudoomiyaha u dooratay shaqsiga caynkaas ah.
Nin isagiiba Mooriyaan gacan ku dhiigle ah oo hanti islaameed xoog iyo bililiqo ku haysto oo dariiq qaldan ku socda ayaa ka hadlayaa dana aan loo dirsanin iyo dad islaameed oo deegaanadooda u tashaday oo nidaam iyo kala dambeyn sameeysanaya.
Kismaayo hadii ay Jabhad qabsatay, Mooriyaanta Xamar haysato ee 22-ka sano dhiiga muslimka faraha kula jiray Goormeey Ciidamo qaran noqdeen.
Doofaar Waligiis Madaahiro, waa habeenkii xalay ahaa ee tagay in Xasan Xaad iyo beeshiisa ay ka waantoobaan bililiqo,boob, dagaal , dhulbalaarsi, fowda iyo nidaam diidnimo. Maxaa yeelay dalka Nidaam haduu yeesho Gudoomiyaha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ma deganaanayo Guryaha uu xooga ku heysto iyo Xarumaha dowlada, Sidoo kale ku xigeenkiisa Ahmed Diiriye Ma deganaanayo Guryaha uu xooga ku heysto iyo Isbitaal Digfeer.
Hawiye nasiib daro ayaa ku dhacday , Sababtoo ah ma jirto ceeb iyo fadeexo ka weyn Hogaan dhaqameed Soomaaliyeed oo degan Gurya bililiqo ah , Xagee lagu arkay Hogaan dhaqameed Mooriyaan ah oo ku ilmo dhalayo Guri ninkii lahaa uu ku dhex dilay Hawiye ka hor . Wali taariikhda laguma hayo qabiil Soomaaliyeed oo dhaqankiisa waxaas ku dhaqaaqay, Kaaga darane kama waantoobayaan oo wali waa ay sii haystaan xoolahii islaameed , Bulshada uu matalana waxuu ku sii dhiiri gelinayaa dariiqaasi qaldan.
Marka Maxamed Xasan Xaad waxaan oran laheyn inuusan Mowdka kuu imanin isaga bax guryaha Islaameed ee aad xooga ku haysatid.
Nabadeynta iyo Maamul usameynta Gobalada Jubboyinka dadkii lahaa ayaa u istaagay lagamana tashanayo Mooriyaanta Dhiiga Muslimka Faraha ku wadato ee Muqdisho Qaribtay.
Xasan Xaadoow Kismaayo Mooriyaanti ku soo duushay waa laga xoreeyay dadkii lahaa ayaa u tashaday, haatana Waxaa lagaa Xoreynayaa Shacabka Shabeelada Hoose . Xasan Xaadoow ha isku deyin Difaaca Guryaha aad Xooga ku heysato inaad ka gasho Kismaayo.
Xasan Xaadow Jubboyinka adigu waxba lagaamo weeydiinayo howl kuu taalana maha ee maad nidaam usamesatid Ceelbuur iyo meelahaad ka timid.
Ugu dambeyn Waxaan ku soo gaba gabeynaya Xasan Xaadoow dowlada aad Sheegi marka Hore adiga sharciga haku horkeento oo hakaa saarto Guryaha aad xooga ku heysato, Beesha aad ka soo Jeedana iyadaa u baahan wax Maamulo , Maxaa yeelay Beel aad adiga Maxamed Xasan Xaad ah aad Hogaan dhaqameed u tahay Umada Somaliyed miyaay maamuli karta maya Jawaabtu waa maya, Dowlad inaad noqatiina Cirkaa idiinka dhow, Maxaa yeelay dariiqeediba ma haaysiin.
Xasan Xaad waxaan kula talin lahaa inuu ilaahey u towbad keeno oo uu iska soo celiyo Guryaha islaameed ee uu xooga ku heysto inta uusan Mowdka haleelin.