WAAJIDPRESS – 26 Jan 2013:
Bosaso-Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka somaliya oo xiligan la dhowrayey inay noqoto mid ka soo kabatay dhibaatadii Mudada ka badan 21ka Sano wadanku ku Jirey ayaa ,Waxaa dib uga dilaacay sanadkan gudihiisa Dhaca guryaha Dadka aan u dhalan Gobolka Banaadir.
Marwo-farxiyo saalax Yusuf oo Magaalada Bosaso kula hadashay Saxaafada Mudo 2Cisho ahna ka soo Moogayd Magaalada Muqdisho ee caasumada Somaliya ayaa Saxaafada uga warantay Halka uu ku damayey guri ay lahayd oo Mudo sanooyin ah uun markii ay ka soo maqnayd oo dib ugu laabatay ay ugu timid dad degan dabeedna Markii ay isku dayday inay Gurigeeda dadka ku jira tiraahdo iiga baxa loo geystey Dil iyo Weliba Handaad Cadaan ah.
Farxiyo waxay ii sheegtay inay Mudo dheer ku Jirtay Sidii ay gurigeed u heli lahayd iyadoo cadaymo iyo Ducmenti cad u haysa halka Ninka ku habsadey gurigeedana uu ku doodayo inuu ka iibsaday Nin ay Walaalo yihiin,Iyadoo Awooda Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Magaalada Muqdisho jooga ee Puntland ay markii ay dacwadan la kaashatay ay waxba u qaban wayeen Waxayna ku eedaysay inay Muqdisho ka Jiraan tacadiyo lugu dhaqmayo qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoo eedaasi dusha uga tuurtay odayaasha Muqdisho Jooga ee Beesha Darood inay yihiin kuwo aan ka damqan dhibka shacabkooda guryaha Looga haysto.
Waxaa gurigan oo ku yaala Degmada Madiina ee Magaalada Muqdisho ay sheegtay inay dacwadiisa ka fudhay Degmada Madiina Ee Gobolka Banaadir Halkaasi oo Garwadeenka Maxkamada ee Degmada Madiina Shiikh Maxamuud ay sheegtay inuu uga hiilayey Ninka gurigeeda haysta oo ay isku hayb yihiin,Waxaa kaloo ay sheegatay Gudoomiyaha Degmada Madiina inuu isna garabsiiyey Ninka ku habsaday Gurigaasi oo mudo sanad ka yar aan deganayn wax cadayn ahna aan u haysan,Waxay ugu Damayntii ugu baaqday Beesha Darood iyo Weliba Maamulka Cabdiraxmaan Faroole inay wax ka qabtaan dhaca iyo boobka dadka reer Puntland looga barakicinayo Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka somaliya iyadoona sheegtay in bishan oo keliya 19Guri qaabkan oo kale loogu Habsaday isla markaasina aaney Weli ka hadlin Siyaasiyiinta dowlada ee ugu Jira Xukuumada iyo qaybaha kale ee Bulshada.
January 27, 2013 at 1:47 am |
Waa dhab hanti fara badan oo ay Beelaha kale soomaalida marka laga reebo beesh Hawiye ay horjoogayaalna ka yihiin odayaasha mooriyaanta Xassn Xaad iyo Maxamed Diiriye iyo dowlad ku sheega oo aan wax talaabo ka qaadin Dhibaatooyinka iyo boobka ay Beesha Hawiye Iyo Odayaashooda ku hayaan hantida Qaranka iyo midda Shacabka,Waxana ku talin lahaa in si wadajir ah Ummadda soomaaliyeed Ula dagaalanto Mooriyaanta Caasimddana laga raro Xamar maadaama wax nidaam dowli ah uu ka jirin kuna sifowday meel ay caado ka tahay boobka,,dhaca,iyo kufsiga.
January 27, 2013 at 10:10 am |
Way jiraan guryo iyo hanti soomaalida kala haystaan,ha ahaato Muqdisho ama meelo kale, wayna bilaabatay in la isu celiyo, waxaase nasiib daro ah ninka maanta isku dayayo in uu boobo ama sheegto afar gobal (Jubada hoose, Jubada dhaxe, Gedo iyo Bakool).
Suurtagal ma noqonayso in ninka ka soo jeedo gobaladan afata ah iyo Bay iyo SHabeelada hoose, marka uu tago Boosaaso iyo Gaalkacyo la yiraa waa qaxooti, marka uu tago Garisa iyo Wajeerna la yiraa Keen waraaqahii qaxootinimada, waxaan la yaabanahay ninka duqa ka ah Garisa oo Puntlana looga yeeray, oo dadkiisa Garisa ciidanka kiinyaanka ay si joogo ah ugu waxyeeleeynayaan,oo leh arimaha jubooyinkaan kala hadlaa Boqorka Daaroodka.
waxaa iga talo ah haddii caqli jiro, oo nabad la rabo in dadka ka soo jeedo,Puntland,Waqooyi-bari kiinya iyo Kiliinka shanaad ee Itoobiya, ay kaxishoodaan waxa ay samaynayan,una daayaan Digil iyo Mirifle iyo dadka la dego, oo ay iyagu yaqaanaan, maamul u dhisida LIXDA GOBOL ee KOONFURTA SOOMAALIYA loogana dambeeyo ,ma dhacayso keygana ii daa, kaagana iigudar,
.
January 27, 2013 at 8:42 pm |
Asc salaan kadib hant la boobo tan daaroodka uga ma hureyso tii digil mirifle aawey dhul iyo xoolaba leh oo aan isleeyahay inta badan ay daarood ku maqantahay waayo waxan uleeyahay sidan hada waxey kudoodayaan jubooyinka ma iyag l eh mese waxaa leh dm iyo deegaan wadaatiisa ok waxaa jira dad soomaaliyeed oo dil iyo boob loogu gestay dhulka reer daarood ee PUNTLAND DADKA DILKA IYO DHACA LOOGEYTEY WAA DIGIL MIRIFLE TAA MAXAA LOOGA HADLI WAAYEY?