War deg deg ah: Maamulka Somaliland oo sheegay in Al-Shabaab ay Deegaanadooda soo Galeen

WAAJIDPRESS – 2 Feb 2013;

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha Soomaaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in laga war hellay in deegaanno ka tirsan dhulka Soomaaliland isku urursanayaan rag ka tirsan Al-Shabaab.

‘’Annaga mar walba waan naga go’an tahay in aynu amaankeena sugno, waana ka war heynaa abaabulka kooxda Al-shabaab ay ka wadaan deegaanno ka tirsan Soomaaliland,’’ ayuu yiri wasiirrka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Soomaaliland la galiyay heegan buuxa si ay uga hortagaan haddiiba ay jirto khatar ka soo fool leh kooxaha la sheegay in ay galeen Soomaaliland si ay uga abuuraan falal amaan darro.

Guddoomiyaha ururka mucaaradka Soomaaliland UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in rag ka tirsan Al-shabaab oo horay u jooga magaalada Kismaayo lagu arkay hadda deegaanno ka tirsan Soomaliland, loona baahan yahay in xukuumada Siilaanyo arintaa wax ka qabato.

Wararka ka soo baxay maamulka Soomaaliland ayaa ku soo beegmaya xili dowladda Britain dhawaan ku dhawaaqday in ay kala baxeyso muwaadiniinteeda deegaannada Soomaaliland oo idil, kadib markii ay ka war helleen falal amaan darro oo ku soo fool leh.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers

%d bloggers like this: